Sign in to follow this  
Juje

Indhacadde vs. Abuu Cuteyba

Recommended Posts

Juje   

qut.jpg

Warar la isla dhexmarayo Muqdisho oo ku saabsan bixitaankii Yuusuf Indhacadde uu uga baxay Muqdisho oo la sheegayo ineey tahay qilaaf weyn oo kala dhaxeeye Abuu Cuteyba

 

Hadal heynta ugu badan maalmaha ayaa ah, ka bixitaanka la sheegayo in Ninkii Dhanka Amaanka ugu qaabilsan Maxkamada Sheekh Yuusuf Indha Cadde uu isaga baxay gudaha Magaalada Muqdisho iyo Khilaafka Baahsan ee soo kala dhex galay isaga iyo C/llaahi Macalin Abuu Cuteyba, waxaana ay wararku isla dhex marayaan in Indha Cadde uu fariisin ka dhigtay Deegaanka Qoryooley oo ka mid ah Deegaanada G/Sh/Hoose, isla markaana uu hore u xukumi jiray, ka hor intaanu wareejin xilka Gobolkaas.

 

Wararka ayaa sheegay in shalay subax uu Indha Cadde isaga baxay magaalada Muqdisho, isagoo abaaray Dhanka iyo Deegaanka Qoryooley, waxaana socdaalkaas ku wehliyay Maleeshiyooyin iyo gaadiid aad u fara badan, oo ay dadweynaha reer Muqdisho ku qiyaaseen ilaa 60 meeyo.

 

Balse waxaa isweydiin mudan, halkee buu ka keenay intaas oo Tikniko ah Ninka Arrimaha Amaanka u ah Maxkamadaha?

 

Waxaa la leeyahay Sheekh Yuusuf Indha Cadde, inta badan Tiknikadiisii ma uusan wareejin, iyadoo sidoo kale ay hore u jireen in aanu wax tikniko ah la hor keenin halkii uu Talada Gobolka Shabeellaha Hoose uu ku wareejiyay.

 

Teeda Kale waxaa iyana isweydiin mudan Khilaafka kale ee soo kala dhex galay Isaga iyo Ninka Shabaabka Awooda ku leh, isla markaana ah Madaxa Amaanka ee Maxkamadaha Gobolka Banaadir Waa C/llaahi Macalin Abuu Cuteyba.

 

Labadan nin ayaa Khilaafkooda uu ku saleysan yahay labo weji.

 

Waa tan kowaadee waxaa jirtay in nin ku heyb ah Sheekh Yuusuf Indha Cadde uu todobaad ka hor uu nin isagana ku heyb ah Abuu Cuteyba ku dilay Deegaanka Raadeerka ee Degmada Dayniile, waxaana dilkaas uu ahaa mid uu ka dhashay muran xaga dhulka ah oo u dhaxeeyay midka la dilay iyo kan wax dilay.

 

Arrintaas ayaa keentay in si weyn looga doodo, iyadoo uu is qab qabsi ka yimid qaabka ninka wax dilay loo fakiyay,taasoo la sheegay in fikrada ninkaas lagu badbaaday oo looga saaray gudaha Magaalada uu lahaa Yuusuf Indha Cadde, waxaana Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka dhoofiyay Xuseen Cirfo oo Gudoomiye ka ah Degmada Afgooye.

 

Beesha uu ka soo jeeda Abuu Cuteyba ayaa sida ay wararku sheegayaan dalbatay in loo soo gacan geliyo kan wax dilay, si shareecada Islaamka waxa ay qabto lagu fooliyo, taasoo ah xukun Dil ah, laakinse ma aysan dhicin taas oo ninkii waa la fakiyay, iyadoo si qarsoodi ah looga dhoofiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 

Waxaana durbadiiba ay keentay in arrintaas darteed ay xiisad ka dhex dhalato labada nin ee xaga Amaanka wada qaabilsan.

 

Tiiyo jirta ayaa hadana waxaa dhacday in Kuwo ganacsato ah oo ku heyb ah Sheekh Indha Cadde, ay Qaad ka soo degsadaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Qaadkii laga soo dejiyay garoonka ayaa waxaa is hortaag ku sameeyay Ciidamo ilaalo ka ah Garoonka uu u Badnaa Kooxda Shabaabul Islaam, kuwaasoo markii dambe ku wargeliyay Abuu Cuteyba in ay gacanta ku hayaan Qaad ku jira Baco iyo Bundado, waxaana durbadiiba Garoonka soo gaaray Abuu Cuteyba, oo sheegay in Qaadku uusan ka bixi karin Garoonka sidaas darteed amar ka soo baxay Gudoonka Maxkamadaha lagu gubayo.

 

Iyadoo ay taas jirto ayaa C/llaahi Abuu Cuteyba waxaa la soo hadlay Madaxa Amaanka ee Golaha Maxaakimta Soomaaliyyed Sheekh Yuusuf Indha Cadde, isagoo ka dalbaday in aanu Qaadku Garoonka ka qaadin, inta uu ka imaanayo, Iyadoo Abuu Cuteyba uu Qaadkii ka bixiyay Garoonka, wuxuuna durbadiiba Dab ku Qabadsiiyay Fagaaro ku taal Iskuulka Xalane.

 

Maalin ka hor Waxaa Magaalada Muqdisho lagu gubay Qaad aad u fara badan, kaasoo la sheegay inuu ka yimid Magaalada Hargeysa, waana Qaadka ay Soomaalida u Taqaan (Hareeriga) oo ah Qaad laga beero Dalka Ethiopia.

 

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa isagu ku andacoonaya in Qaadka ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdishu uu yahay Qaad hore looga keeni jiray Kenya, wuxuuna sheegay in amarka uu uga soo degay Garoonka uu isaga lahaa, laakin waxa uu qalad ku tilmaamay falkii Qaadkaas lagu gubay, oo uu sheegay in aanu aheyn amar ka soo baxay Maamulka Maxkamadaha.

 

Taas ayaa Keentay in gebi ahaanba uu Indha cadde isaga huleelo Magaalada Muqdisho, isagoo uusan wax war ah siinin Saxaafada, kaasoo ku aadan sababihii uu isaga baxay Magaalada.

 

Indha Cadde ayaa haatan Fariisin ka dhigtay Deegaanka Qoryooley, isagoo aad uga careysan Go'aanka Maxkamadaha ku mamnuuceen Qaadka.

 

Dhanka Kale Mas'uuliyiinya Maxkamadaha ayaanan ka hadlin Sababihii uu Sheekh Yuusuf uga baxay Magaalada, iyadoo ay soo muuqaneyso Khilaafka Maxkamadaha iyo Madaxa Amaanka Maxkamadaha, kaasoo noqday mid ay hadal hayaan Bulshada reer Muqdisho.

 

 

Waxaa soo diyariyey

Cali Ahmad Ibrahim

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

If Indhacade is sidelined in the movement, I think it will bring back the confidence of many former supporters of the Courts who divulged with them not because of religious reasons but because of appearent political problems.

 

It has been well understood that Indhacade was allowed to join the movement not because of his religious credentials as much as his military support to the ICU that might or might not have been done with in the name of Clan. In my opinion, that does not disqualify his earlier history in the Lower Shabelle.

 

Even though this is not verified, I think there is a high probablity that Indhacade and the Courts could collide somewhere in the future if not now. When and if that happens, I think it would fade well for the Courts in garnering the support of a large part of the country that is withholding theirs now.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Horn, I kind of like your signature:

 

1. Never believe anything you read.

 

2. Always wait before formulating opinion on a topic.

 

3. Take everything you read with a pinch of salt.

 

I heed the advice.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Caaqil:

Horn, I kind of like your signature:

 

1. Never believe anything you read.

 

2. Always wait before formulating opinion on a topic.

 

3. Take everything you read with a pinch of salt.

 

I heed the advice.

Good on you. About this particular topic, I think that is why I said this;

 

this is not verified

Share this post


Link to post
Share on other sites

IndaCade is a power within the courts, so it wont be easy to sideline him..

 

As for the news there is some truth when one sees how the ban is not affected in Afgoyee which is a small district next to Mogadishu and controlled by IndaCade's clan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this