Sign in to follow this  
xiinfaniin

Geedi is off to Puntland?

Recommended Posts

BOOSAASO : Raysalwasaare Geedi oo Puntland beri ku soo fool-leh Puntland

Posted to the Web Apr 09, 15:41

 

 

Boosaaso:-Warar hoose oo uu helay Puntlandpost ayaa sheegaya in Raysalwasaaraha DFKS Cali Maxamed Geedi uu maalinimada bari ah uu ka soo dagi doono garoonka diyaaradaha ee Boosaaso , wuxuuna ka soo duuli doonaa magaalada Muqdisho.

 

Raysalwasaare Geedi ayaa lagu wadaa in uu magaalada Xeebta ah ee Boosaaso uu kula kulmo madaxda sarsare ee Maamulka Puntland oo ay ugu horeeyaan M.wayne Cadde iyo kuxigeenkiisa.

 

Shaaca lagama qaadin ujeedada rasmi ah ee Geedi ee uu xiligan ku imaanayo Puntland walow ay suurta gal ay ahaan karto in M.wayne Yuusuf uu isna imaan doono , hase ahaatee waxaa lagu wadaa in ay Madaxwayne Cadde ay kawada hadli doonaan muran soo noqnoqday ee ku aadan baaritaanka iyo soo saarista macdanta iyo shidaalka Puntland taa soo uu in badan hakad galiyay Geedi , kadib markii uu qoraal uu arintan kaga soo horjeedo uu u qoray shirkadaha danaynaya in ay soo saaraan khayraadka Puntalnd.

 

Warar kale oo Puntlandpost ay u sheegeen masuuliyiin aan doonayn in magacooda la sheego ayaa tibaaxaya masuuliyiinta DFKS ay doonayaan in Puntland ay xiriir aad u sareeya oo ka xoog badan midka hada jira ay la yeelato dawlada Ethiopia , gaar ahaan dhanka ammaanka , iyadoo lawada ogsoon yahay in maamulka Cadde uu si wayn ugu janjeero dawladaha carabta gaar ahaan kuwa khaliijka , marka loo eego sida uu uga fogaa dawaldahana C/laahi Yuusuf M.waynaha Soomaaliya xiligii uu ahaa M.waynaha Puntland.

 

C/laahi Cali Ciise

Boosaaso , Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this