Sign in to follow this  
Abdi2005

Ciidamo ku dhow 200-askari oo ka soo goostay dowladda KMG

Recommended Posts

Abdi2005   

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamo ka soo goostay dowladda KMG oo gaaraya 200-askari ay caawa gaareen degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

 

 

Warka ayaa intaa ku daraya in ciidamadaasi oo ah tiradii ugu badneyd ee ka soo goosata dowladda federalka KMG ay ka dambeysay goosashadooda kaddib markii ay uu khilaaf soo kala dhex galay taliyihii hoggaaminayay iyo mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda, wuxuuna sheegay sarkaalkii hoggaaminayay ciidamadaasi in ay u dulqaadan waayeen amaro uga yimid madaxdaasi, balse uusan faahfaahin ka bixin.

 

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay ciidamada ka soo goosanaya dowladda federalka iyadoo shalayna lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho ciidamo ku hubeysaa baabuurta ay ku rakiban yihiin hubka lidka diyaaradaha kuwaasoo ka soo baxsaday dowladda, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda oo ku aadan ciidamadaasi.

http://www.goobjoog.net/news/128/ARTICLE/4459/2006-12-16.html

http://allgedo.com/wararka/newsid421.htm

http://shabelle.net/2006/december/n9828.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xoogsade:

Yaaba kusoo Haray meesha? The 40,000 thousand strong bro Duke was talking about perhaps?
:D:D

Walee waa su'aal fiican, oo yaa kusoo haray meesha hadeyba dadkii oo dhan iska baqooleen mid mid iyo koox koox?!!!

 

Xoogsadoow, aniga koley waxay ila tahay nimanka meesha jooga daacad kama ahan waxay meesha ugu sii sugan yihiin oo waxaan is leeyahay amey maxaakimta lug'gooyo ku sameyn rabaan oo markeey soo dhawaadaan is leeyihiin diyaarad inta ku boodaan Nairobi ka daga! :D

 

Waa suuragal, balse war jiraaba cakaaruu imaan!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aweys Osman Yusuf

Mogadishu 17, Dec.06 ( Sh.M.Network) –

 

On Thursday about 100 government soldiers accompanied by six trucks mounted with anti-aircraft guns have defected to Islamic Courts in the capital Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ciidamo gaaraya 200 Askari oo hor leh oo katirsanaa kuwa ku xareysan Xerada Manaas oo isku soo dhiibay Golaha Maxaakimta.

 

 

Buurhakaba, 17-December-06 Qiyaastii 200 oo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee ku xareysnaa xerada Manaas ayaa isu dhiibay ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Iidaale ee gobolka Bay kadib markii ciidamadaasi ay u adkeysan waayeen falalka foosha xun oo ay ku kacayaan ciidamada Tikreega ee xooga ku haysta magaalada Baydhabo.

 

Waa ciidamadii 3aad oo muddo todabaad gudihiis ah ka goostay dawladda kmg,ayadoo maalintii khamiistii magaalada Muqdisho ay soo gaareen ciidamo ka soo goostay dawladda kmg oo gaaraya 100 askari kuna hubeysan 5 gaari oo kuwa dagaalka ah. Maalmo ka horna ciidamo kale oo ka goostay dawladda ayaa gaaray qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

 

Dhiif Cusmaan Cabdulle oo ka mid ah saraakiisha ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Iidaale ayaa xaqiijiyay ciidamada isu soo dhiibay maxkamadaha islaamiga,waxa uuna sheegay in ciidamadaasi oo gaaraya 200 oo ruux oo ku hubeysan qoryaha fudud ay isu soo dhiibeen ciidamada maxkamadaha islaamiga si ay uga qeyb qaataan jihaadka lagu la jiro ciidamada Tikreega.

 

Qaar ka mid ah maleeshiyaadkaasi oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dhibaato xoogan ay kala kulmeen ciidamada Tikreega,waxa ayna sheegeen in ciidamadaasi Gaalada ah ay ku dhaqmayaan falal anshaxumo ah oo meel ka dhac ku ah diinta islaamka.

 

Ciidamadan ka soo goostay dawladda kmg ee fadhiidka ku ah magaalada Baydhabo ayaa loo aaneynayaa kadib markii ragaasi ay tala saarteen saraakiisha Tikreega ee joogta magaalada Baydhabo ayadoo aan wax daryeel ah loo sameyneyn ciidamada Soomaalida ah ee la marin habaabiyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ciidamo ka soo goostay dowladda federaalka oo xalay u soo hoyday Diinsoor

 

Ciidamo gaaraya 200 boqol kuna hubeysnaa hubka fudud ayaa ka soo goostay dowladda federaalka, waxayna ciidamadaasi soo gareen degmada Diinsoor ee gobolka Bay si ay uga mid noqdaan ciidamada maxkamadaha.

 

C/naasir Diiriye Abtidoon oo ka mid ah ciidamada ka soo goostay dowladda ayaa sheegay iney u adkeysan waayeen xaalada ka jirta magaalada Baydhabo in halkaasi ay ka taliyaan sida uu hadalka dhigay ciidamo Itoobiyaan ah, wuxuuna sheegay in muddo afar bilood kla badan ay ui xareysnaayeen dowladda federaalka kana waayeen xuquuqdoodii, isagoo tilmaamay iney u badan yihiin maleeshiyoyin ka yimid dhinaca Muqdisho.

 

Saacadihii ugu dambeeyey ayaa waxaa isa soo tarayey ciidamada ka soo goosanayey dowlada federaalka iyadoo doraad galabna si diiran loogu soo dhoweyeeyey magaalada Muqdisho maleeshiyooyinka ka soo goostay dowlada federaalka oo horey u tagaeersanaa.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan, Muqdisho, Somali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ciidamo ka soo goostay dowladda federaalka oo xalay u soo hoyday Diinsoor

 

Qaranimo Online

 

Published December 17, 2006

 

Ciidamo gaaraya 200 boqol kuna hubeysnaa hubka fudud ayaa ka soo goostay dowladda federaalka, waxayna ciidamadaasi soo gareen degmada Diinsoor ee gobolka Bay si ay uga mid noqdaan ciidamada maxkamadaha.

 

C/naasir Diiriye Abtidoon oo ka mid ah ciidamada ka soo goostay dowladda ayaa sheegay iney u adkeysan waayeen xaalada ka jirta magaalada Baydhabo in halkaasi ay ka taliyaan sida uu hadalka dhigay ciidamo Itoobiyaan ah, wuxuuna sheegay in muddo afar bilood kla badan ay ui xareysnaayeen dowladda federaalka kana waayeen xuquuqdoodii, isagoo tilmaamay iney u badan yihiin maleeshiyoyin ka yimid dhinaca Muqdisho.

 

Saacadihii ugu dambeeyey ayaa waxaa isa soo tarayey ciidamada ka soo goosanayey dowlada federaalka iyadoo doraad galabna si diiran loogu soo dhoweyeeyey magaalada Muqdisho maleeshiyooyinka ka soo goostay dowlada federaalka oo horey u tagaeersanaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ciidamo fara badan oo xalay kasoo goostay Dawlada Federaalka oo xalay lagu soo dhaweeyay degmada Diin Soor.

 

December 17, 2006 Markacadeey

 

 

Maleeshiyaad fara badan oo gaaraya 200 ayaa xalay kasoo goostay dhanka Dawladda Federaalka Soomaliya iyago kusoo biiray Golaha Maxaakimta islaamka Somaliyeed ee ku sugan degmada Din Soor ee gobolka Bay,iyadoo halkasi ay kula kulmeen madax ka tirsan Maxaakimta.

 

Gudoomiyaha Maxkamadda Islaamiga ah ee Al Bayaan Sheekh Max'ed Ibraahim Balaan oo ugu waramay saxaafadda isagoo ku sugan degmada Buur hakaba ayaa ku waramay in ciidamadaasi haatan ay ku sugan yihiin degmada Diin Soor waxana uu xaqiijiyay in ay kasoo goosteen dawladda Federaalka.

 

Sheekhu waxaa uu tibaaxay iu ciidamadaasi goor danbe xalay ay kasoo fakadeen xerada Manas ee duleedka magaalada Baydhabo,halkaasi oo mudo ka badan 4 bilood ay ku qaateen tababaro ciidan oo ay siinayeen ciidamo Ethiopian ah oo ku sugan Baydhabo.

 

Ciidamada Dawladda Federaalka ee soo goostay ayaa la sheegay in ay xiriiro lasoo sameeyeen Madaxda maxkamadaha ee ku sugan Diin Soor,iyadoo halkaasi ay isku afgarteen in lagusoo dhaweeyo magaalada si ay ugu soo biiraan Maxkamadaha Islaamka.

 

Warar so baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo ciidamadaasi in ay soo aadaan dhanka magaalada Muqdisho si ay ula mucaamalaan Masuuliyiinta maxaakimta Islaamka ee ku sugan Muqdisho,waxaana Muqdisho ku sugan ciidamo sidoo kale kasoo goostay Xerada Manaas maalintii Khamiistii kuwaasi oo lagu biirshay Maxkamadaha Islaamka.

 

Maxamed Carab

Xafiiska markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Muqdisho Dec.17.2006(Hiiraancenter online News) Waxaa lagu waramayaa in ay ciidan kale oo horleh uu ka baxsaday dowladda ay mas,uuliyiinta golaha maxaakiimta ayaa sheegeen inay Ciidamadani kagaga hor tageen meel aan sidaa uga fogeyn deegaanka Iidaale ee gobolka Bay.

 

Ciidamadan ayaa la sheegay in markii ay isku dhiibayeen Mas'uuliyiinta golaha Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed ay tiradoodu gaarayeen in kabadan 200 Askari ayaa waxana ay ciidamadan isku dhiibeen Mas'uuliyiinta Maxaakiimta xilligaasi oo ay ku jireen Howgalo dhinaca Sahanka ah Aagaga Ciidamada Dowladda ay difaaca kaga jiraan ee nawaaxiga Iidaale .

 

Waa markii afaraad oo ay ciidamo aad u fara badan ka soo baxsadaan maamulka dowladda isla bishaan ciidankaas oo tiradoo aad ay u badan tahay ayaan weli war ka soo bixin dhanka dowladda iyo sababta yy ciidamadan faraha badan oo maalin kasta ka soo baxsanaya xagga dowladda waxa keenay.

 

Ciidankan ayaa ,ayaguna sheegay in ay uga soo baxsadeen ciidamada Xabashida oo si xad dhaaf ah u soo galiya dalka Somaliya iyo dhibaato ku soo saabsan noloshooda kaas Ciidamadan u soo cararaya dhinaca golaha Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo gacanta ku haya inta badan dalka Soomaaliya.

 

Ciidamadan ayaa waxa ay ahaayeen kuwo dhinaca sahanka ah ugu jirey difaaca hore ee Ciidamada dowladda ee ku sugan aagga Dhargo, iyadoo arintaana ay ku soo beegmatay maalmo ka dib markii Muqdisho khamiistii la soo dhaafay soo gaareen 7 baabuurta dagaalka iyo ciidamo badan oo dowladda ka soo goostay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this