Sign in to follow this  
BN

Odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Sool oo ku sii jeeda shirka dib u heshiisiin

Recommended Posts

BN   

Odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Sool oo ku sii jeeda shirka dib u heshiisiinta

 

Isniin, 04 August, 2003

 

 

In ka badan 10 oday dhaqameed oo ka tirsan kuwa ka soo jeeda magaalada Laas caanood ee gobolka Sool qeybta laga taageersan yahay maamulka Puntland ayaa maanta soo gaaray xarunta maamul goboleedka Puntland ee Garowe.

 

 

Odayaashan oo ku sii jeeda madasha shirka dib u heshiisiinta ee Mbagathi ayaysan maanta u suurtagelin in ay u dhoofaan magaalada Nairobi, kadib markii ay imaan weysay diyaaraddii qaadi lahayd.

 

 

berri ayaa lagu wadaa in ay odayaashaasi ka qaado magaalada Garowe diyaarad khaas ah oo uu u soo dirayo guddiga farsamada IGAD oo dhawaanahaanba ku mashquulsanaa sidii uu shirka ku geyn lahaa odayaal dhaqameedyada soomaalida oo loo arkay in aanan looga maarmin wejiga seddexaad ee shirka dib u heshiisiinta oo ah mid awoodda dowladda mustaqbalka soomaaliya lagu qeybsanayo.

 

 

Odayaashan ayaa waxaa hoggaaminaya Garaad Suleymaan Garaad Maxamed Maxamuud, iyadoo ay xubno ka yihiin Garaad Abshir Saalax, Garaad C/llaahi Daba-gooye iyo kuwo kale, waxayna marka ay gaaraan madasha shirka dib u heshiisiinta ay ku biiri doonaan hoggaamiye dhaqameedyada lagu casuumay in ay wax ka soo dhisaan dowladda la filayo in ay ka soo baxdo shirka dib u heshiisiinta.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

saladxiis@yahoo.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this