Sign in to follow this  
nuune

General Gaani oo ku geeriyooday Nairobi

Recommended Posts

Gabbal   

Magaalooyin Ka Tirsan Gobalka Gedo, C/Waaq Iyo Kismaayo Oo Aad Looga Tiiraanyoodey Geeridii Marxuum Gen.Gaani

 

Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka G/Haarey ee caasimada gobalka Gedo, B/Xaawo, Doolow, Ceelwaaq, Baardheere, C/Waaq iyo magaalada Kismaayo ayaa sheegayaa in aad iyo aad looga tiiraanyadooday geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Gen.Maxamed Xaashi Gaani oo ahaa siyaasi rugcaadaa ah aad looga qadariyo gobalada Gedo iyo G/Gaduud.

 

In ka badan oo 360 email oo dhambaal tacsi ah ku socota xaaskii marxuumka iyo caruurtii iyo eheladi uu ka tagay ayaa soo gaartay Gedonet kuwaas dhamaantood ka yimid magaalooyinka ka tirsan gobalada Gedo iyo Galgaduud. Culumaadiinka ku nool magaalooyinkaas ayaa ka codsaday dadweynaha ku dhaqan magaalooyinkaas in ay marxuumka Gen.Maxamed Xaashi Gaani ay u soo duceeyaan ilaaheyna jannadii fardowso aheyd ka waraabiyo. Aamiin.

 

Sida oo kale, dhambaal tacsi ah oo uu soo gaarsiiyey Gedonet, ugaaska Beesha SADE, Ugaas Cumar Ugaas Xirisi oo ku sheegay dhambaalkiisa inuu aad iyo aad uga tiiraanyaadoodey geerida ku timid marxuum Gen.Maxamed Xaashi Gaani oo ku tilmaamay nin weyn oo sharaf iyo maamus ku leh beesha SADE.

Ugaasku waxaa kale oo tacsi u dirayaa xaaskii iyo caruurtii uu ka geeriyoodey marxuum Gen.Maxamed Xaashi Gaani, waxuuna ilaahey ugu baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

 

Gedo News Network

Gedo, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this