Sign in to follow this  
Abdi2005

Gudoomye kuxigeenka Koowad Shurada, somaliland

Recommended Posts

Abdi2005   

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shuurada Dr. Cumar Iimaan Abuubakar ayaa shaaca ka qaaday in aanu jirin qorshe uu maamulkoodu ku doonayo inuu ku laayo madaxda Somaliland, qasna kaga abuuro gudaha Somaliland. Isla markaana wuxuu been abuur ku tilmaamay dekumenti muujinayay dhagaro Maxkamaduhu Somaliland la maagan yihiin oo ay saxaafadu faafisay.

 

______________________________

 

>Dr. CUMAR IIMAAN “Maxkamadaha Islaamiga way ka go’an tahay in ay dib u soo celiyaan midnimadii Ummada Soomaaliyeedâ€

 

 

Dr. Iimaan oo wareysi siiyay Wargeyska Ogaal ee ka soo baxa Hargeysa ayaa caddeeyay in Maxkamadaha Islaamiga ay ka go’an tahay in ay dib u soo celiyaan midnimadii iyo sharftii Ummada Soomaaliyeed.

 

Mar la weydiiyay Qoraal saxaafaddu faafisay oo uu ku saxiixnaa Sheekh Xasan Daahir Aweys Guddoomiyaha Shuurada kaasoo ahaa qorshahooda mustaqbal ee Soomaaliland ka damacsan yihin, wuxuuna yiri Dr. Iimaan kaga guurguurtay su’aashaasi:-

 

“Waxaanu caddaynaynaa oo aan u sheegayaa Soomaalida, gaar ahaan wallaalahayaga Somaliland, waxyaalaha jaraa’idka lagu faafiyay in aanay wax sal iyo raad leh ahayn, oo ay wax been-abuur ah tahay. Sh. Xasan Daahir Shacbaan gudeheedii siduu u xanuunsaday, Ramadaanka bilawgiisii ayaa loo qaaday dalka Sucuudiga, wuxuuna ku jiraa Isbitaalka Mushtaafal Albaani ee Sucuudiga, isagoo Gaasterik uu hayo. markaa waxaan u caddaynayaa shacbiga Soomaalida, gaar ahaan Somaliland in aanay dhicin arrimaha gaarkooda ah inaan ka hadalay maalina Alle ha ka dhigee. Waxaanu aaminsanahay annagu dadka Somaliland inay yihiin dad wanaag sameeyay, sidaa darteedna aanu jecelahay in aanu wanaag ku wada dhaqano. Noola mid maaha marnaba dadkii aanu halkan kula dagaalanay ee ahaa qab-qablayaasha. Markaa wax naga suura-geli kara maaha, wax la geli karana maaha ummad jirta oo aamin ah, in dad ikhyaar ah oo ummadi xil u dooratay, in la yidhaahdo shirqool ha loo sameeyo, oo dad ha loo diro, oo dad masuuliyiin ah ha la soo dilo, oo ummaddaa khal-khal ha la geliyo. Taasi, taanu ka dagaalanay weeye, mana dhici karto wixii aanu ka dagaalanay in aanu ummad kale ku samayno. Markaa arrintaasi waa been, qof kasta oo caqli lihina waa garan karaaâ€.

 

Mar la weydiiyay waxa uu yahay Muqifka Maxkamadaha ee dhabta ah ee ku wajahan Somaliland? Ayuu ku jawaabay.

 

“Mid haddaan kuu sheego wallaalow, annagu ma ogolin, mana ogolaan karo oo diinteena iyo damiirkayaga ayaa noo diidaya dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in la kala jar-jaro, oo iyadoo cadowga danihiisa loo adeegayo in laga dhigo gobol kasta dawlad gaar ah, taas maslaxad diinneedna kuma jirto, waddaninimona kuma jirto, markaa taa annagu waanu diiddanahay. Laakiin, taa macneheedu maaha in aanu dagaal iyo qalallaase ku kicinayno Somaliland. Waxaanu aaminsanahay annagu reer koonfur ahaan haddii arrintayada aan xallino, in dadkaa wallaalahayo ah wixii dulmi ah ee hore u dhacayna aan uga garowno, kadibna maslaxadda guud aan isugu imaan karo, oo aan diyaar u nahay inay iyagu na hoggaamiyaan, oo ay madax noo noqdaan Soomaalinimaddiina aan halkaa ka sii ambaqaadno. Waa taas annaga siyaasaddayadu, laakiin wax dagaal ahi haba yaraatee ma jiroâ€

 

“Mar haddii aad midnimadii sidaa ugu adag tihiin, lana sheegayo inaad dhalinyaro reer Somaliland ah halkaa ku tababartaan, wadaado halkan u dhalatayna idinla joogto, oo waliba maamulkiina madaxiisa ka mid yihiin, taasi miyaanay u ekayn inaad doonaysaan in aad dagaal midnimadii dib ugu soo celisaan?†wuxuuna ku jawaabay Dr. Iimaan:

 

“Wallaalow, ninka wallaalkeen ah ee muslimka ah hadduu noo yimaado, oo camalkaa Islaamiga ah ee Maxaakiimtu wadaan uu dhinac ka soo raacayo, dee dhihi mayno, adigu Somaliland baad tahay, adiga Puntland baad tahay, dhihi maynee waa nin Soomaali ah oo muslim ah, hawshana wax buu ku leeyahay. Markaa dadka nala jooga ee xukunkaa dhinaca kaga jira, ee saraakiisha noo ah maaha macneheedu in Somaliland-nimo iyaga loo ictiraafsan yahay, ee waa nin Soomaali ah oo camalkan Islaamiga ah doonaya inuu qayb ka noqdo, waana soo dhawaynaynaa. Laakiin, taasi maaha in aanu duullaan diyaarinayno, haddii intuu naga tago Somaliland dego, oo meeshaa guryo ka samaystana cid hor imaan karta ma leh. Haduu halkan dego, oo nashaadkan wax ka galana wallaalnimo weeye, nooma bannaana inaanu nidhaahno hawshan kama qaybgeli kartid oo Somaliland baad tahay. Haddii aanu taa nidhaahno macnaheedu wuxuu noqonayaa, inaanu aaminsannahay Somaliland inay gooni ka tahay Soomaaliya, taana ma qabno. Markaa cid kasta waa soo dhawaynaynaaâ€

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this