Sign in to follow this  
Cowke

Bossaso: Police Release 94 Prisoners

Recommended Posts

Cowke   

Booliska Puntland oo Sii Daayey 94 Qof oo Kamid ahaa Dad Loo Xirey Dilal Ka Dhacay Bosaso

 

September 24, 2009 filed under NEWS IN SOMALI

 

Cabdiqani Cabdilahi

Horseed Media

Bosaso,Somaliya

 

Taliye xigeenka Booliska Punltand Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa Horseed Media u sheegay in Ciidanka Booliska ay sii daayeen 94 qof oo ka mid ahaa 100 Qof oo Ciidanka Booliska Bosaso ay dhawaan ka soo qab qabteen Bosaso.

 

Wax uu sheegay Sii deynta dadkaan in ay timi ka dib markii baaritaano mudo socday la waday la ogaaday in aysan dadka la sii daayey lug ku laheyn falalkaas.

 

Gaashaanla Sare Maxamed Siciid Jaqanaf waxa uu sheegay in ciidanka ay haatan gacanta ku hayaan 6 qof oo iyagga shaki weyn looga qabo sida uu sheegay in ay falal dil ah oo ka dhacay Bosaso ay qeyb ka ahaayeen, waloow dadkaas ay dumar ku jiraan.

 

 

Dadka ay Booliska ay xir xireen ayaa waxa ay ahaayeen dad qaxooti ahaan ku joogay Bosaso, kuwaas oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Dhulka Soomaalidu degto ee hppstaga maamulka Itoobiya.

 

Taliyaha ayaa sheegay in markii ay baaritaanadda dhamaadan sida uu sheegay ay sii deyn doonaan dadkii lagu waayo in ay falkaas lug ku leeyihiin.

 

Booliska Gobolka Bari ayaa maalintii shalay sheeegay sababta loo xir xirey dadkan in ay tahay kadib markii dilal sadex ah ay ka dheceen gudaha Bosaso taas oo loo geystey sadex nin oo deganaa Kaamka ay magaalada dadkaani ka deganaayeen, Booliska ayaa sheegay in dilalkan laga soo abaabuley xerada qaxootiga uuna ahaa aanooyin ay kala soo tageen halkii ay deganaayeen markii hore.

 

Hadalka Taliyaha ayaa imanay xilli dadka qaxootiga ah ee Bosaso soo galay Maamulka Puntland uu shaki weyn ka muujiyey dadkaas in ay abuuri karaan falal amni xumo ah oo ka dhaca gudaha Bosaso.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this