Sign in to follow this  
Fabregas

Absynians fail to prove British Jihadists caught, Reported Rapes By Abysnians

Recommended Posts

Coloow   

Abu- Geeljire,

 

This sounds like the weapons of mass deceptions (WMD). Utter propaganda. The Ethiopians could line up hundreds of somalis with foreign passports who went to Muqdisho to visit their families after years of turmoil and call them jihadists. But the international community is smarter than the WMD debacle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Britain: Zenawi ama aamus ama caddayn keen in dad reer Britain ah aad dagaalka Soomaaliya ku qabateen.

 

Dhanka kale jariidada Telegraph waxay qortay in Itoobiya ay wax cadayn ah u keeni weydey in muwaadiniin reer Britain ah lagu qabtay dagaalkii ay la galeen maxkamadaha Islaamiga ah. Jariidadu oo arrntaas ka hadleysa waxay tiri:

 

zenawidismoral.jpg

 

 

Itoobiya waxay sheegatay in ay xirxirtay dad haysta dhalashada dalka Ingriiska oo ay ku qabatay dagaalkii ay la gashay dagaalyahaniinta Islaamiga ah Soomaaliya gudeheda arrintaas oo si isa soo tareysa ugu muuqatay mid mugdi weyni ku jiro kadib markii xalay uu xafiiska wasaarada arrimaha dibada Ingiriisku uu Itoobiya weydiistey in arrintaas cadayn u keenta balse ay jawaab ka soo bixin weydey

 

Meles Zenawi, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, ayey tiri jariidadu, oo ciidamadiisu awoodii ka tuureen Maxkamadihii Islaamiga ah bilowgii sannadka cusub, ayaa Talaadadii waxa uu yiri in dad British ah ay qayb ka ahaayeen kooxda caalamiga ah ee mujahidiinta kuwaas oo Maraykanku uu Isniintii ku duqeeyey Koonfurta Soomaaliya.

 

Jariidada uu warkeedii sii wadata waxay tiri: Markii dambe Ciidamada Itoobiya ayaa qabsaday aaggii ay ku andacoonayeen in ay joogaan toddoba haysta baasaboorka Ingriiska oo ku dhaawacmay duqaynta. Nimanka la qabtay waxay ku sheegeen Soomaali degganaansho ku leh Britain kuwaas oo Soomaaliya ugu laabtay in ay Maxkamadaha Islaamka u dagaalamaan. Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo muddo shan maalmood ah la weydiisanayey faahfaahin dheeraad ah, London ilaa hadda lama soo siin magacyada ama lambarada Baasaboorada si looga fiiriyo xafiiska diiwaan haynta Ingriiska iyo diiwaanka la dagaalanka argaggaxisada.

 

Jarididdu waxay tiri: Maalinti Jimacadii ayey ahayd markii ugu dambeysey ee Xafiiska Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Britain ay Itobiya u dirtay dhambaal ah xogta aad haysid keen ama iska aamus, taas oo ilaa shalay galab aan wax jawaab ah laga helib. Waxa kale oo warku sheegay in Britain oo arrintaas ka welweshan ay baaritaan gaar ah oo arrintaas ku samaysay iyadoo adeegsaneysa safaaradeeda Kenya iyo M16, laakiin aan la helin wax muujinaya ama cadayn u ah waxa ay Itoobiya ku andacooneyso.

 

Jariidada oo hadalkeeda sii wadata waxay tiri: Dawladda Itoobiya ku guul daraysashadeeda in ay keeni weydey cadayn wixii ay ku andacooneysey waxay kor u sii qaadeysaa shakigii laga qabey in Mr. Zenawi ay hadal tiro iyo marmarsiinyo ka ahayd sheegashadiisa mujaahidiinta ajnabiga ah si uu cadayn ugu helo duulaankiisa. Waxayna jariidadu intaas raacisay: Itoobiya waa cadawga taariikhiga ah ee Soomaaliya.

 

Waxaa warku intaas ku daray in Khamiistii uu safiirka Maraykanka u fadhiga Kenya, Michael Ranneberger, uu qiray in duqayntii Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya aan lagu dilin xubno ka mid ah al-Qaeda ee la raadinayey. Hadalkaas oo buriyey sheegashadii xubno ka tirsan DFKMG.

 

Waxaa warku intaas raaciyey in duqayntii ay ku dhinteen 70 qof oo xoola dhaqato ah sida ay sheegtay hay'dada gargaarka ee fadhigeedu yahay dalka Ingriiska ee Oxfam.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this