Sign in to follow this  
Mahdi

Ergiga QM u qabilsan Somaliya oo ku sii jeeda dalalka Ethiopia iyo Masar

Recommended Posts

Mahdi   

Franēois Lonsény Fall ayaa la filayaa in uu la kulmo maalinamada Sabtida wasiirka arimaha dibada ee Masar Ahmed Aboul Gheit iyo Madaxa jaamacada carabta Amre Moussa.

 

Maalinimada Axada Ergi-ga QM wuxuu u ambaxayaa wadanka Ethiopia, si uu ula kulma madaxa ururka midowga Afrika Alpha Omar Konare. Inta uu joogo Mr.Fall magaalda Addis Ababa wuxuu kaloo la kulmi doonaa madaxda wadanka Ethiopia.

 

Horaantii bishaan Mr.Fall ayaa waxa uu kulamo gooni gooni ah kula yeeshay magaaloyinka Jowhar iyo Muqdisho xubnaha DFKMG ah oo khilafku ka dhexeyo isaga ka codsaday in ay UN-ta kala shaqeyaan xubanhaasu sidii ay u dhamayn lahaayeen khilaafkan caqabada ku noqday sidii ay u shaqayn dowladii lagu soo dhisay wadanka Kenya.

 

Mr. Fall ayaa xiriir joogta ah la leh Madaxwaynaha DFKMG ah Mud. Cabdulahi Yusuf iyo raysul wasare Geedi, sida uu sheegay xafiiska siyasada ee QM u qabilsan arimaha Somaliya (UNOPS) xaruntiisa Nairobi ayaa Madaxwaynaha iyo Rasulwasaare Geedi waxay qabaan in si ku meel gaar ahaan ah ay dowladu ugu sii hakato magaaloyinka Jowhar iyo Baydhabo.

 

Si kastaba ha ahaatee, Gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan, qayb ka tirsan golaha wasiirada iyo koox xildhibaano ah ayaa waxay ku adkaysanayaa in saldhiga dowladu ahaado magaalada Muqdisho.

 

http://allafrica.com/stories/200508260751.html

 

Allafrica/Garoweonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this