Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Galeyr: Waa saxanyihiin kooxaha Muqdisho ku weerara dowladda

Recommended Posts

Minnesota – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa si weyn u taageeray kooxaha weerarada ku qaada goobaha ay joogaan mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka iyo ciidamada Itoobiyaanka.

 

Cali Khaliif ayaa sheegay in kooxaha weerara geysanaya ay yihiin dad damiir Soomaalinimo ay ku jirto sida uu hadalka u yiri isla markaana u dagaalamayaan sidii ay dalkooda ugu xoreyn lahaayeen ciidamada Itoobiyaanka.

 

“Horey ayaan u sheegay mar kalena waan sheegayaa inaysan marnaba siyaasada Soomaaliya ay Dowlada Itoobiya faraha kala bixi doonin, isla markaana aysan ciidamadeeda dalka Somalia ka saari doonin marnaba” ayuu yiri Galeyr.

 

Dr. Galeyr ayaa ku eedeeyay madaxda DF inaysan damiir laheyn sida uu yiri maadaama ay ciidamada Itoobiyaanka u ogolaadeen inay degaan xarumaha Soomaaliya ka ah lama taabtaanka sida Wasaarada Gaashaandhiga iyo Villa Soomaaliya.

 

Cali Khaliif ayaa sidoo kale Dowlada Federaalka ku eedeeyay inay Madaafiic ku garaacday goobo ay degan yihiin dad rayid ah kuwaasoo qasaaro xoogan dhaliyay.

 

Galeyr ayaa ku booriyay kooxaha weerara Dowlada Federaaalka inay dagaalka sii wadaan ilaa ay dalka ka saarayaan sida uu yiri ciidamada Itoobiyaanka.

 

Galeyr ayaa kamid ah Siyaasiyiinta sida aadka ah ugu soo horjeedo qorsha Dowlada Federaalka ay ku shaqeyso isagoo dalka yimid kadib markii Maxkamadaha ay Muqdisho ka saareen dagaal oogayaashii 15 sano Muqdisho ka talin jiray.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jabarjaan:

why horta somalilanders-ka markasta ugu jiraan somali forums-ka oo arima aan ayaga khuseyn oo somalia ah ka hadlaan

Jabartaan: please don't attach every Somalilander because they don't have a bad feelings toward Somalia, except fer view.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Meel kasta waanu ku jirnaa ,,, somali is still a somali haday 30 dowladoood xataa u kala goáan ,,,, xataa forums ka Djibouti waan ku jirnaa coz they are Somalis..........

 

Markaa is qabooji xaaji jabarjaanow oo shaah baraf ah cab ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Originally posted by Jacaylbaro:

Meel kasta waanu ku jirnaa ,,, somali is still a somali haday 30 dowladoood xataa u kala goáan

Loool :D Jacaylb, saaxiib 30 way badantahay. Ma Somali land ayaa 30 noqotay. Nagadaa dee loool.

 

PS:-

 

Yeah, I agree with you, that you are in every where. Waxaanba maqlay ICU-dii. They were mainly from Burco :D . JB, warkaa maxaa ka jira saaxiib?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wax alla waxaad maqashay waxba kama jiraan ,,,, horta yaad warka ka heshaa ma baalashlayaasha ?? :D:D:D

 

 

Soomaalinimadu waa wax ay tahay inaynu ku faanno weligeenna lumin mayno intaynu noolnahay ,,,, laakiin dowlado waa la noqon karaa ,,,, carabtuba waa carab in general haddana waa imisa dowladood ???

 

what is the big deal niyow ??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

loooooooooooooool@ baalashlayaasha. Waar wallaahi waad iga qoslisay. Saxiib maya runtii inta badan Jamhuuriya ayaanba akhriyaa ;) . JB, waa runtaa Somalinimo waa Somalinimo :D . Bal aan kugu diido.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I know and agree that Somalilanders are also Somalis but a Somalilander Critizing somali politician or talking about Somalia’s internal politics is like that A** Australian Prime Minster criticizing Barack Obama, don’t you think so?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this