Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Reconciliation Conference for Somalia in Somaliland ??

Recommended Posts

Liqaye   

qudhac recognition means nothing for me it is irrelavant, it was the be all and end all of your aspirations but if you are revising your aspirations to something like peaceful local governance you are welcome, the road has already been shown by puntland. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

you guys have no idea tell your uncle Silanyo to stop interfering in the affairs of somalia. These people want to use you to attain peace once they do i promise you they will turn their guns on you. Riyale understood that, Egal understood that. This 75 year old demensia suffer former AA member better understand that as well.

 

SOMALILAND WILL NEVER HOST A PEACE CONFERENCE FOR SOMALIA UNTIL THEY RECOGNISE MY SOVERIGN RIGHT TO EXIST AND THEY KISS THE SHAHADA.

 

until then, let the u.n. and A.U. deal with them.

 

they dont understand islamnimo..somalinimo...or anything moral or decent politically speaking.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Oodweyne:

JB
,

 

I think, this news is what is known as a
"trail-balloon"
sort of news-making. And, the intention is to see whether there is any
"takers"
from Somaliland's side of things. Hence, not only is this a bogus line of argument in which we usually used to hear from those who wants Somaliland to get
"involve"
in the cut-throat politics of Somalia; but, it's also a clever way of
"creating"
doubt in the mind of Somalilanders about their new elected government and what it's intentions are in this area, indeed.

 

Consequently, it's best not to fall for that sort of
"cheap bait"
that others are forever cutting on the ground; so that Somalilanders will fall for them, indeed.

 

Regards,

Oodweyne.

I heard from a reliable source that the new Goverment is planning to open up dialogue and cooperation on security with Somali regional States like Puntland, Galmudug, Galgaduud, Xiin and Xeeb. The threat of Al-Shabaab taking over all of Somalia is getting more real by the day.

 

These players do already have dialogue, but only through Addis Abbeba. Why should all the two way communication go through Addis Abbeba? Doesnt make any sense.

 

So it would make sense to have on certain moment a 'meeting' with all key players on 'Somali' soil.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qabanqaabada Shir Arrimaha Somalia Ah iyo Qorshaha Lala Damacsanyahay Somaliland

 

 

Waxaa Magaalada Djibouti bishan September dhammaadkeeda 2010 ka dhici doona shir ay iskugu imanayaan Aqoon yahanno , Siyaasiyiin , iyo wax garad Somaliya oo ka kala imanaya adduunka. Shirkaas oo ay maal galinayaan Kuwait iyo Dawlado Carbeed waxyaalaha lagaga hadli doonaa waxaa kamida 4-tan qodob.

 

1 . in halkaa lagaga dhawaaqo in Dawladda Sheikh shariif fashilantay loona baahan yahay in Dawlad Cusub loo soo dhiso Somalia

2 . in dawladda cusub ee Somalia loo soo raro Somaliland, Somalilanders gacantana laga geliyo dawladda Somalia guud ahaanba

3 . in Caasimadda Somalia laga dhigo Hargeisa kadibna dhammaan Hay’adaha iyo Safaaradaha adduunka la dejiyo Somaliland

4 . kadib in Somaliland Caalamku dib ugu soo dhiso lacag dhan $ 600 oo milyan oo doolar

 

Shirkan waxaa maal galinaya dawladaha Carbeed gaar ahaan dawladda Kuwait . Warar xogogogaal ah oo laga soo xigtay aqoon yahan ka qayb galaya shirkaasi wuxuu sheegay in qaban qaabada shirkaasi soo socday muddo dheer . Warar kale oo xogogaalihina waxay cadeeyeen in Dawlado kale oo Carbeed ay iskood u maalgalinayaan siyaasiyiin Somaaliyeed sidii xilka ay ugala wareegi lahaayeen Sheikh shariif.

 

Ujeedada Shirkan oo ahayd ” Counter Strategic ” Qorshe ku wajahan doorashada Somaliland waxaa loogu talo galay in rayiga Caalamka lagu mashquuliyo si looga sii jeediyo Caalamka Ictiraafka Somaliland haddii doorasho xaq iyo xalaal ahi ka dhacdo Somaliland oo soo dhaweyn karta Ictiraafka Somaliland. Qabanqaabada shirkaasina wuxuu ka bilaabmay dalka Maraykanka.

 

Aqoon yahanada dejiyey qorshaha shirkan waxaa ka mida Professor Axmed iyo Cabdi Ismaciil Samatar , Professor Afyare Abdi Elmi oo wax ka dhiga Qatar University, Prof Maxamed Cabdi Gaandi Wasiirkii hore ee difaaca ee Soomaaliya , Siyaasiyiin iyo aqoon yahano kaloo badan oo ka soo jeeda Somaliya kuna nool qurbaha. Waxay qorshahoodaa u ban dhigeen , Maraykanka , Ingiriiska, Europe , UN-ta iyo dawladaha Carbeed. Qodobka ugu muhiimsan ee ay ku andicoonayeen nimankaa aqoon yahannadu wuxuu ahaa in dawladda Somalia ay fashilantay , sida kaliya ee Somalia dawlad loogu dhisi karaana ay tahay in Dawladda Somalia guud ahaanba gacanta loo geliyo Somaliland , Somaliland-na Caalamku dib u soo dhiso , Caasimadda Somaliyana laga dhigo Hargeisa. Hase ahaatee qorshahaasi wuxuu noqday mid u cuntami Waayey dhammaan dawladaha reer Galbeedka , hase yeeshee waxaa qorshahaa qaatay Qaar ka mida dawladaha Carbeed oo ay ka mid yihiin Sudan , Masar , Qatar , Kuwait iyo Saudi Arabia oo ka soo horjeeda gooni isku taaga Somaliland. Taas ayaana keentay inay bixiyaan lacagta ku baxaysa shirkaa la filayo inuu ka dhaco Djibouti oo ahayd halkii markii hore lagu soo dhisay dawladda Sheekh Shariif iyo kuwii ka horeeyeyba

 

Waxaa jirtay in Jariiradda Alsharq Awsad ee Afka Carabiga kaga soo baxda Magaalada London ay qortay ” Secret Memo ” Warqad sira 01.08.2010 oo ku saabsan wada hadalkii uu la yeeshay Sheekh Shariif Madaxda Carabta Bishii July 2010 iyo wixii lagula taliyey oo ahayd inuu si sira isaga oo aan ogaysiin dawladaha reer Galbeedka ula heshiiyo Jabhadaha Islaamiyiinta ee dagaalka kawada Somaliya , maadaama aanay jabhadahaasi aamini karin dawladaha reer Galbeedka , Saudi Arabiya , Sudan , Masar iyo Qatar-na ay dawladda Sheekh Shariif ka caawiyaan heshiiskaa . Waxaa kale oo taladaa ka mid ahayd in Madaxweyne Sheekh shariif faraha ka qaado Somaliland Dawladaha ay xidhiidhka wanaagsan la leedahay oo la tuhunsan yahay inay ka mid tahay dawladda Ingiriisku , oo Sheekh Shariif cabasho iyo walaac ka muujiyey xidhiidhka wanaagsan ee sii xoogaysanaya ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Ingiriiska, kadib doorashadii Somaliland oo Ingiriisku gacan weyn ka geystay.

 

Waxaa jirtay bishan an soo dhaafnay in Masuulka cusub ee UN-tu u soo magacawday Arimaha Somalia Ambassador Augustine Mahiga uu Nairobi kaga dhawaaqay in Xafiisyadii UN-ta ee Arimaha Somalia qaabilsanaa loo soo rari doono Puntland iyo Somaliland , qorshahaas oo la tuhunsan yahay inuu dabada ku hayo waano UN-tu ka heshay aqoon yahannada qabanqaabinaya shirka dhawaan ka dhici doona Djibouti .

 

Professor Axmed Ismail Samatar oo muddo saddex sano ka hor ku tilmaamay dad reer Somalia ” dadka Ibn-Aadenka ugu caqli xun ” ayaa maanta ah ninka Arimaha Somalia gacanta ku haya oo ay ku kaliftay ka soo horjeedka Somaliland uu ka soo horjeedo. Shir ka dhacay Magaalada London 3 sano ka hor ,oo uu soo qabanqaabiyey SOAS ” School of Oriental and African Studies , London University oo lagu qabtay Khalili Theatre , oo lagaga hadlayey waxyeeladii Ciidamada Ethiopian-ku u geysteen Somalia markii Ethiopian-ku ay soo galeen Magaalada Mugadisho , Wariyihii hore ee Wakaaladda Reuters-na uu ku soo bandhigay sawiro naxdin leh oo uu qaaday markii Ethiopian-ku sida xun u duqaynayeen Magaalada Mugadisho , Professor Axmed Ismail-na lagu casuumay inuu khudbad shirkaa ka jeediyo, ayuu Professor Axmed si xun ugu aflagaadeeyey , dadka reer Somalia , Jendayi Frazer xoghayihii hore ee Arimaha Africa u qaabilsanayd Maraykanka iyo Somaliland-ba. waxaanu yidhi ” Maan aqoon dadka reer Somalia barigii hore waxaanse bartay intii danbe ee aan shirarka la yeelanayey , waxaan ka geyn waayey inay yihiin dadka adduunka ugu caqli xun . Kadib gabadh Somaliyeed oo halkaa fadhiday ayaa weydiisay Suaal ahayd ” waayo ” ?

Waxaanu ugu jawaabay , Suaal ayey ku weydiinayaan , adoon tii uga jawaabin ayey mid kale ku weydiinayaan , waxaa dhici karta iyada oo aanad midnaba uga jawaabin inay mid saddexaad ku weydiiyaan , markaa markaan u fiirsaday waxaan is idhi maskaxdoodu sida saxda ah ee dadka adduunku u fakaro uma shaqaynayso oo ah tan ku keentay dhibaatada maanta haysata.

Professor Axmed wuxuu aflagaadeeyey oo kale Jendayi Frazer ” Waxaanu yidhi ” haddaan shahaadad aqoonta ah siin lahaa Jendayi Frazer waxaan siin lahaa darajada C waayo waan aqaanaa oo maaha qof aqoon wanaagsan leh shakhsiyan. Kadib wuxuu wax ka sheegay Somaliland waxaanu yidhi ” Maaha in dadka lagu qasbo inay ka go’aan Somalia ee waa in la weydiiyaa ” . Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen aqoon yahano badan oo reer Europe-ba , Wariyaal iyo Siyaasiyiin badan , waxaa si weyn looga biyo diiday sida aan ixtiraamka lahayn ee Professor Axmed faalada uga bixiyey dadkaa , Cedric Barnes oo ka socday Wasaaradda Arimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa wuxuu Professor Axmed ugu jawaabay, haddaad reer Somalia tihiin maaha inaad Somaliland wax ka sheegtaane waa inaad kaga dayataan wanaaga Somaliland ku dhaqanto.

 

Waxaa hubaala in aanay lacag dawlado Carbeed bixiyaan ama Qorshe dhowr Professor soo samaystaan aanay waxba ka qaban karin dhibaatada Somalia illaa xalku ka yimaad Somaalida dhexdeeda. haddase Somalia waxay noqotay ” reer ba’ow ayaa kule ” in nin aan u dhalan iyo dawlado shisheeye Somalia ay ka dhigtaan Carwo kolba dal shisheeye shir loogu qabto si qofkaasi ama dalkaasi ugu fushado dan gaara.

 

Waxaa wax laga xumaado ah in Caalamku wali is diidsiinayo xal u helidda wixii dhaliyey dhibaatada Somalia oo ahayd dagaalkii Somalilanders-ka iyo dawladdii Somalia oo ah xididka uu ka soo unkamay xanuumka Somaalia hayaa maanta. Nabad iyo degenaanshana kama dhalan karaan Geeska Africa inta Caalamku iska indha tirayo qadiyadda Somaliland , Somaliyana waxay ahaan doonta Carwo kolba qofkii ama dawladdi Magacdoonaysaa adduunka u soo baddhigo dhibaatada dadka Somaliyeed haysata sida xukuumadda Djibouti ama dawladaha IGAD.

 

Waxaa hubaala in aanay dawladaha Carbeed waxba yeeli karin Somaliland, lahayna awood siyaasadeed oo ay ku xaliyaan dhibaatooyinka ka holcaya dalalka Carbeed dhexdooda iyo guud ahaanba Caalamka Islaamka oo aan ahayn lacag yar oo ay ku laaluushaan koox yar oo dan gaara wadata , taasina ay keento inay sii huriso dhibaatooyinka ka dhex jira dhammaan dawladaha Islaamka. Yemen , Saudi Arabiya , Libya , Masar iyo dhammaan dawladaha Carbeed waxaa maanta ku dhexnool boqollaal kun oo Qaxooti Somaliya oo dumar iyo Carruur u badan, gaajana ugu dhex dhimanaya Wadanadaa. Waxaanu Caalamku ka dheregsan yahay kufsiga ,dilka, Mastaafuriska iyo dhaca ay Carabtu ku hayaan dadkaa Somaaliyeed ee ku dhibaataysan dalalkaa Carbeed.

 

Professor Axmed Ismail Samatar waxaa u suurta gashay inuu afhayeen u noqdo Somalia oo aanu u dhalan , haddaba waxaa isweydiin leh ; maye Professors , Aqoonyahannadii, Siyaasiyiintii, Saraakiishii iyo wax garadkii u dhashay Somalia?. Waxaa iman doonta maalin ay dadka reer Somalia fahmaan ujeedada uu Axmed Ismail Samatar uga duday dalkiisii hooyo iyo halkuu ka dhashay oo aanay fahansanayn maanta , haddase wuxuu ka qab qaadanayaa Somalia oo noqotay ” Nin buka boqol u talisay “.

 

Sannadka waxaa loo diyaar garoobayaa Maabka cusub ee Geeska Africa , wiigan waxaa adduunka loo soo bandhigay balaankii ” Rhino City ” Caasimadda Jamhuuriyadda cusub ” Republic of Southern Sudan oo la filayo in ay dhalato Jan 2011 , Eritrea way xorawday , Bishan waxaa kale oo la soo afjaray dagaalkii 30 sano usoo dhaxeeyey Jabhada Somali-galbeed iyo Ethiopia , Somaliland iyo Somaliyana waxaa hubaala in aanay fogayn inay sidoodii ku soo noqdaan , laba dal oo walaalo ah oo jaara sidii boqollaalka sanoba ay soo ayahd.

 

 

Qalinkii : Dr Mohamed Abdo

 

Kensington & Chelsea , London , UK

 

mohamed-abdo@hotmail.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ wamaxay waxan aad la war wareegeysid waxan waxa qoray ki samatar isku sheegi jiray eeh maraykanka joogay adeer Hargeisa dal bay caasimad u tahay , marka caasimadu meel kala ka dhigta , Jb give us your Opinion what you think

Somaliland marnaba ka tanasuli meyso qarranimadeededa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji, Somaliland will facilitate some sort of a governance system for the South and the issue of recongnition is on the table. I hope a positive outcome on both issue's.

 

1. That Somaliland is recongnized.

 

2. That there will be peace and goverment for Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this