Sign in to follow this  
Abwaan

(Dhacdo la yaab leh oo qabsatay wefdiga markii ay magaalada soo gaareen)

Recommended Posts

Abwaan   

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee baarlamaanka oo markii uu shalay soo gaaray Muqdisho ku dhaqaaqay arrin dad-kii soo dhoweeyey ka yaabisay(Dhacdo la yaab leh oo qabsatay wefdiga markii ay magaalada soo gaareen)Nairobi

 

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre oo hogaaminayey wefdiga dowladda FKMG ah ee Soomaaliya ee shalay Muqdisho soo gaaray ayaa sheegay in sidii wax loogu sheegay intii aysan Muqdisho imaan & wixii ay arkeen markii ay yimaadeen in ay aheyd wax uu ku tilmaamay laba kala dheer, wuxuuna sheegay in soo dhoweyn aad u ballaaran in ay la kulmeen.

 

 

Markii ay cagaha soo dhigtay garoonka B/doogle dayuuradii wefdiga ka soo qaaday Nairobi, uuna ka soo degay dayuurada guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanku Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa waxa uu fadhiistay dhulka, isagoo shumiyey ciida, uguna ooyey si qiiro leh oo dad-kii halkaasi tubnaa ka yaabisay, waxaana ka muuqatay wejigiisa shucuur aad u weyn, iyadoo indhihiisuna ay ilmo ka timid, wuxuuna guddoomiye ku-xigeenku uu si weyn kaga duwanaa xubnaha kale ee wefdiga oo qudhoodu ku faraxsanaa in ay ku soo laabtaan dalkoodii hooyo.

 

“Markii aan ka soo degay garoonka B/doogle ee aan arkay sida sharafta leh ee ay noo soo dhoweeyeen dadka ku dhaqan Muqdisho & Sh/hoose indha-heyga ilmo ayaa ka timid, waxaana aragnay shacab u bisil dowladda & magaalo sidii loo buun-buuniyey aysan aheyn xaaladeedu†ayuu yiri Cusmaan Cilmi Boqorre oo la hadlayey dadkii isugu soo baxay soo dhoweyntiisii shalay, wuxuuna shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho kula dar-daarmay in si la mid ah siddii ay u soo dhoweeyeen iyaga in ay u soo dhoweeyaan wefdiyada kale ee dowladda ee Muqdisho ku soo fool leh.

 

Dhinaca kale, dhacdo la yaab leh ayaa shalay qabsatay wefdiga kadib markii warar been abuur ah oo dhinaca Kenya ka yimid lagu sheegay in wefdigii Muqdisho tegay la laayey, waxaana warkani xaqiijiyey xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in dad badani ay ka soo waceen dibedda isagoo la weydiinayey in uu nool yahay oo uu badbaaday, uuna la yaabay warkaasi markii ay maqleen, halka xubno kalena oo wefdiga ka mid ahina ay sheegeen in intii aysan Nairobi ka soo ambabixin in lagu talinayey in aysan Muqdisho tegin.

 

Soo dhoweynta wefdiga dowladda lagaga sameeyey Muqdisho ayey si weyn uga hadleen warbaahinta caalamka, iyadoo ay soo dhoweeyeen beesha caalamka, waxaana laga yaabaa in ay arrintani saameyn ku yeelato qorshaha uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku dalbanayo ciidamada shisheeye.

 

 

Ku noqo beejka

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

 

cabdishakuur@dayniile.com

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this