Sign in to follow this  
Major-General Cawad

Six Men Arrested for trying to Blow up President Yusuf in a failed Terrorist Attack!!

Recommended Posts

************* Breaking News- Breaking News -Breaking- Breaking News **********************

 

*********************** ***********************

 

Walle This Guys ma' naxaan. Read the article very carefully.

 

War-deg ah:6- Nin ayaa Xabsiga loo taxaabay, Kadib markii laga warhelay in Magaalada Jowhar ay kadhex-samayn lahaayeen Qaraxyo Ismiidaamin ah!!!

 

Posted to the Web Aug 06, 14:54

 

Jowhar :-Lix qofood oo lagu eedeeyey in ay maleegayeen oo ay doonayeen in ay falal isqarxin ah ka fuliyaan magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe ayaa lagusoo waramayaa in saaka xabsiga loo taxaabay.

 

Xariggan raggani lixda ah ayaa ka dambeeyey ka dib markii habeenimadii xalay aheyd lagusoo wargeliyey Maamulka Maxamed Dheere in ay Meel magaalada ka baxsan ay ku sugan yihiin niman doonayaa in ay falal is qarxin ah ka fuliyaan gudaha magalada Jowhar.

 

Lix-dan nin oo isla habeenimadiiba la bilaabay baadi goobkooda ayaa la waayey, balse ay suurta gashay in saakay gacanta lagusoo dhigo iyagoo ku dhuumaaleysanaya Duleedka Magaalada Jowhar.

 

Arrintani markii ay soo ifbaxday ka dib ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Gudoomiyaha Maamulka Siyaasadda ee G/sh/dhexe Maxamed Cumar Xaabeb (Maxamed Dheere),in uu ugacan qaaday oo uu dharbaaxay mid ka mid ah Xogheynada Madaxweynaha C/laahi Yuusuf Axmed,oo la sheegey inuu isaga damiintay Raggan markii ay magaalada Jowhar soo galayeen,isagoo weydiinaya lixdani nin meesha ay ku sugan yihiin,balse uu sheegey inuusan aqoon meesha ay joogaan waqti xaadirka.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale si aad ah u canaantay ninkaasi ka midka ah Xogheynadiisa,waxa uuna ku wargeliyey inuusan mar dambe cidna u damiinan Karin si ay usoo galaan Jowhar.

 

Dhinaca kale waxaa si aad ah heegan buuxa loo geliyey Ciidamada ilaalada gaarka ah u ah Madaxweynaha iyo kuwa Maxamed Dheere,ka dib markii xalay arrintani ay loo ifbaxday.

 

Lixdan nin ayaa baaritaan loogu jiraa sidii loo cadayn lahaa cida soo dirtay,iyo meelaha ay rabeen inay qarxiyaan.

 

Lix-dani nin ee laqabtay oo lagu eedeeyey in ay maleegayeen falal isqarxin ah oo ay ka dhex geystaan Jowhar ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka mid ahaayeen Ciidamadii Hore ee Soomaaliyeed.

 

C/risaaq C/llaahi Maxamed (Indha-jaceel)

Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Max’ed dheere oo dhar-baaxay mid ka mid ah Xogheynada C/laahi Yuusuf

 

 

Sida ay saaka sii deysay Idaacadda Horn Afrik ee fadhigeedu yahay Muqdisho, waxaa xalay uu gacan ka hadal ku dhexmaray guriga uu magaalada Jowhar ka degan yahay madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed guddoomiyaha guddiga siyaasada gobolka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (M/dheere) & mid ka mid ah xogheynada madaxweynaha.

 

 

Idaacaddu waxey sheegtay in Max’ed dheere uu dharbaaxay ninka xogheynta u ah madaxweynaha, markii uu soo kala dhexgalay muran, wuxuuna amar ku bixiyey in xabsiga la dhigo, iyadoo markii dambe ay xaaladda ku soo baxeen xubno ka tirsan dowladda federaalka oo arrinta qaboojiyey, waxaana xalay laga dareemey guriga madaxweynuhu ka degan yahay Jowhar xaalad kacsanaan ah & hadal heynta arrinta ka dhex-dhacday Max’ed dheere & Xogheynta madaxweynaha.

 

 

Xubnaha labada gole dowladda ee ku sugan Jowhar ayaa si weyn u ammaanay xaaladda nabadgelyo ee ka jirta gobolka Sh/dhexe, inkastoo si weyn loogu dhaliilo in maleeshiyooyinka ka amar-qaada Max’ed dheer in ay geystaan tacadiyo ka dhan ah xuquuqda bini’aadamka.

 

 

 

 

C/shakuur Cilmi Xasan Dayniile, Mogadishu – Somalia

 

 

The incident 'dhar-baxyada' has occured but the P/land Media has added a spin to the story in attempt to put lid to the reality since the stopry has already spread...I wonder how long the game can be played, I mean the 'spining'..!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this