Sign in to follow this  
Maaddeey

Omar Abdirashid: The President can't sack me!

Recommended Posts

Maaddeey   

CUMAR C/RASHIID: "Madaxweyne Sheekh Shariif awood uma lahan inuu kala diro Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ridi kara oo keliya Baarlamaanka"

 

SomaliPM160510.jpg

 

Talaado, May 18, 2010 (HOL) − Ra'iisul wasaarihii Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay gurigiisa Muqdisho ku sheegay inaysan dhicin xukuumaddiisa oo ay shaqeynayso.

 

Cumar C/rashiid wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uusan xaq u lahayn inuu xukuumadiisa kala diro, balse ay ku dhici karto oo keliya marka ay xukuumaddu waydo in ka badan kala bar codadka Xildhibaannada baarlamaanka.

 

"Dowladdu waxay ku dhisan tahay Axdiga KMG ah, aniga iyo Madaxweynaha markaan is-aragnay waxaan u caddeeyay inaan istiqaalad keenin sidaa daraadeedna aysan xukuumaddu dhicin, go'aankiisana uusan waafaqsanayn sharciga" ayuu yiri Cumar C/rashiid.

 

Ra'iisul wasaarihii hore iyo Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa xalay kulan ku yeeshay Muqdisho kaga hadlya go'aankii uu Madaxweynuhu ku sheegay inuu soo magacaabayo Ra'iisul wasaare cusub, kaasoo ku dhamaaday is-afgaran-waa.

 

"Dastuurka dalka u dagan qodobkiisa 44-aad iyo qodobka 51-aad waxaa ku qoran in xukuumaddu ay dhacayso marka ay waydo kalsoonida baarlmaaanka in ka badan 50%, welina looma codeyn xukuumadda" ayuu yiri Cumar C/rashiid.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in go'aankii uu ku dhawaaqay Sheekh Aadan Madoobe uusan ahayn mid jira, kulankii Baarlamaanka ee maalintaas dhacayna looga hadlay sharciyadda guddoonka baarlamaanka, oo aysan jirin xildhibaano codka u qaaday Dowladda.

 

"Markii Baarlmaaanku uu doorto guddoon cusub waxaan diyaar u nahay inaan hortagno oo aan weydiisanno kalsoonida, balse inta ka horeysa waxaa dalka ka shaqeynaysa xukuumadda aan hoggaamiyo" ayuu yiri Sharma'arke.

 

Inkastoo beesha calaamka ay taageereen go'aankii Madaxweynuhu uu ku sheegay inuu kusoo magacaabayo Ra'iisul wasaare cusub ayaa haddana hadalka kasoo baxay Ra'iisul wasaarihii hore wuxuu sii xoojinayaan khilaafka ka dhex taagan weli Dowladda.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this