Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Burco Buuhoodle Delegations Meet in Xadhadhanka

Recommended Posts

Saalax   

Afhayeenka Madaxtooyada Oo Sheegay In Ciidamada Somaliland Ay Yihiin Kuwo Ka Amar Qaata Xukuumada Balse Aanay Ahayn Kuwo Ay Amar Siin Karaan Sulaadiin Iyo Beelo Toona

(Hadhwanaagnews) Sunday, August 08, 2010

 

Hargeysa (HWN) – Afhayeenka madaxtooyada somaliland ayaa sheegay in aan ciidamada qaranka somaliland taladooda loo **** fadhiisan doonin madax dhaqameedyo iyo beelo toona.

 

 

 

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir oo Maanta shir-jaraa,id ku qabtay Qasriga Madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxdhaqameedku aanay xaq u lahayn inay go,aamadooda ku darsadaan qodob sheegaya in ciidamada Somaliland laga soo raro deegaanka Widh-Widh.

 

 

 

Md Cabdilaahi Maxamed waxa uu sheegay in arinta ciidanka qaranku ay tahay mid u taala dawlada Somaliland isla-markaana aanay ahayn mid ay ka wada hadli karaan madaxdhaqameed iyo cid kale toona “Waxa jira shir ay dhawaan xubno ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha barriga Burco iyo Buuhoodle kaga hadleen nabadgalyada deegaanadooda, waxaana shirkaa sida la sheegay odayaashu isku af-garteen qodobo ay u arkeen in nabadgalyada deegaanadaasi caawinaya, waxa kale oo ay kaga hadleen sida ay warbaahinta u sheegeen xubno iyagga ka mid ah qodob ay ku soo qaadeen ciidamada qaranka kaas oo sida muuqata dheeraad ku ahaa xaqna aanay u lahayn inay ku darsadaan go,aanadooda, xukuunmada Somaliland oo sideedaba u taagan sugida qaranimada Somaliland iyo nabagdalyadda Somaliland waxay mabda ahaan soo dhawaynaysaa dhaqdhaqaaq kasta oo u adeegaya nabadgalyada heer kasta leh ee la xidhiidha arintaasi” ayuu yidhi afhayeenku waxaanu intaa ku daray “Waxay xukuunadu si cad u sheegaysaa in arinta ciidamada qaranku aanay ahayn mid ay laba beelood iyo laba kooxood iyo laba qof midna ay ka talin karaan ee ay tahay arin u taala dawlada Somaliland.”

 

 

 

Afhayeenka madaxtooyadu waxa uu mar labaad ku celiyay “Waxaanu ku celcelinayna xukuumada Somaliland waxay mabda, ahaan u taageersan tahay mushtamaca qaybihiisa kala duwan cid kasta oo samaysa dhaqdhaqaaq u adeegaya nabadgalyadda iyo madaxdhaqameedka oo ay u hayso ixtiraam balaadhan oo ay mar walba ku dhiirigalinayso hawshooda dhaqameed iyo u adeega nabadgalyadda ka shaqeeyaan”.

 

 

 

Ugu danbayn Cukuse waxa uu sheegay in arrinta ciidanka milatariga Somaliland ay khusayso dawlada iyo wasaarada gaashaandhiga ee aanay ahayn arrin ay ka wada hadli karaan madax dhaqameed iyo cid kale toona “Arinta ciidanka qaranku waa arin khusaysa istaraatijiyada dawlada iyo wasaarada gaashaandhiga oo aanay ahayn arin lagu soo qaadi karo kulan cid gaar ahi yeelatay ama lagu go,aamin karo”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Captain_Mike20:

The buhoodle group and east burco group are both against the intrests of somaliland

What makes you think they are against Somaliland?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this