Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Burco Buuhoodle Delegations Meet in Xadhadhanka

Recommended Posts

Waxaa Magaalada Xadhadhan oo dhinaca Waqooyi ka xigta magaalada Buuhoodle qiyaastii 20-KM ayaa waxa ka dhacay shir ay yeesheen wafti ka yimid dhinaca magaalada Burco ,iyo odayo-dhaqameed ka tagay dhinaca magaalada Buuhoodle,kuwaas oo sida ay noo sheegeen ka shiray arimaha xaga nabadgelyada ee ka taagan deegaankaas,kaasoo dagaalo u dhexeeya hogaanka SSC iyo Somaliland ay ka dhaceen deegaanka u dhexeeya Widhwidh iyo Buuhoodle.

 

 

 

 

 

Shirkaas oo dhinaca waftiga Burco uu hogaaminayey Suldaan Maxamuud Guuleed oo ka mid ah salaadiinta ugu tunka weyn bariga Burco iyo gobolka Togdheer ayaa waxa ka mid ahaa isna Suldaan Maxamuud Xaji Xuseen,Siyaasiyiin iyo weliba saraakiisha sar sare ee maamulka Somaliland,meesha waftiga Dhinaca Buuhoodlena ay ka mid ahaayeen,Garaad C/laahi Garaad Soofe,Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Garaad Saleebaan Buraale,culimo,siyaasiyiin iyo waxgarad badan oo ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle,ayaa si aan horay loo shaacin shirkaas ku yeeshay tuulada Xadhadhanka,iyadoo markuu shirku bilowdayba ay magaalada hadheeyeen rabshado u dhexeeya malayshiyaad ka soo horjeedey shirkaas,iyo malayshiyo uu horkacayo odayga tuulada martida loogu ahaa ee Caaqil Axmed Diiriye Jiinje,waxaana sii xoogaystey rabshadahii,kaasoo keenay inay dhalinyaradii qaar is toorayeeyaan,ugu yaraan 4 gaadhi oo ka mid ah kuwii wufuudana la gaadhsiiyo dhaawacyo ba'an.

 

Shirkaas ayaa waxa la aaminsan yahay inuu horudhac u yahay gogoshii uu shaaciyey madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Siilaanyo,isagoo u soo maray dhinaca odayo-dhaqameedkiisa,balse shirkan qarsoon ayaa shaki weyn ka abuuray gobolada SSC,oo lagu macneeyey kuwo siyaasadeed oo ka dhan ah hogaanka SSC ee uu hogaamiyo Saleebaan Xagla-toosiye,kuwaasoo iyagu shuruud ku xidhay shir ay la yeeshaan maamulka Somaliland,oo ah in maamulka Somaliland uu ciidamada ka saaro gobolada SSC,kadibna wadahadal la furo.

 

Hadaba sadexdan oday-dhaqameed oo ahaa odayaashii idaaacadaha ka sheegay in qaar ka mid ah Garaadada SSC ay ka baxaan deegaanka Buuhoodle,iyo weliba hogaanka SSC iyo ciidankiisuba,ayaa ahaa raga aadka ugu dhow maamulka Puntland,isla markaana aaminsan in maamulka deegaankaasi uu yahay Puntland,ayaa dadka lama filaan ku noqotay inay noqdaan odayaashii ugu horeeyey ee kulan la qaata odayo ama xubno ka socda dhinaca maamulka Somaliland.

 

Arintan ayaa waxa la aaminsan yahay inuu wax ka og yahay maamulka Puntland oo ay odayaashan aad isugu dhow yihiin,oo aan odayaashani ku dhaqaaqin arin aan maamulkaasi la ogayn,isla markaana lagu wiiqayo siyaasada hogaanka SSC,sidoo kalena ay ku muujinayaan odayaashaasa Buuhoodle ka tagey inay iyaga keliya ka go'do arimaha deegaanka Hawdka ama Buuhoodle,oo Garaadada reer Laascaanood ama kuwa kale ee SSC oo hada ku sugan Buuhoodle aanay u gacan dhaafin deegaankooda,iyaga oo aaminsan in "deegaankooda" lala soo doontay fidnadii Laascaanood oo ujeedadu tahay in Somaliland loo gacan geliyo Buuhoodle.

 

Shirkaas oo ay dhinac socdeen buuq iyo rabshado ka aloosmay magaalada Xadhadhan ayaan ilaa iyo hada la ogayn waxa ka soo bixi doona,waxaase dadka reer Buuhoodle aaminsan yihiin in ay ka soo bixi doonaan oo laga wada hadlay oo qudha arimaha nabadgelyo ee deegaanka Buuhoodle,oo ay odayaashu u sheegeen waftigii Buuhoodle in aan ciidanka Somaliland soo gelin Buuhoodle,dibna looga saaro magaalada Widhwidh ciidanka Somaliland,si ay dad badan oo halkaas ka qaxay ay u soo noqdaan,meela looga soo wada jeesto ciidamada iyo hogaanka SSC oo saldhigiisu yahay Buuhoodle.

 

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah garaadka guud ee *********** ayaa mar uu wiigan bilowgiisii la hadlay dadka reer Buuhoodle ayaa waxa uu sheegay in ay sameeyeen hogaan beesha u metela arimaha siyaasada,iyaguna ay yihiin odayo-dhaqameedyo,oo aan dib danbe aayaha iyo arimaha siyaasada aanay shaqo ku lahayn,oo ay dhamaatay wakhtigii dhowr oday goyn jireen talada beesha,suurto galna aanay ahayn wadahadalo ilaa iyo inta ciidanka Somaliland uu ku sugan yahay dhulka SSC.

 

Sidoo kale hogaanka SSC ayaa iyaguna sheegay in aan wadahadal suurtoobayn inta ciidamo is hor fadhiyaan oo ciidanka Somaliland ku sugan yihiin deegaanka SSC.

 

Si kastaba ha ahaatee odayaashii halkaas ku shiray oo la aaminsan yahay inay ka danbeeyeen labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ayaa la filayaa inay berito shaaciyaan go'aamo ay sida ay sheegeen isku waafaqeen oo xal u ah mushkilada deegaanka Buuhoodle.

 

Dhanka kale maamulka SSC oo wiigii hore Buuhoodle u sameeyey maamul iyaga hoos taga oo ka madax banaan labada maamul ee kale,ayaa shirkaas ku tilmaamay mid shirqool ah oo lagu kala jebinayo dadka taageersan maamulka SSC,waxayna iska fogeeyeen inay ciidan shirkaas carqaladeeya ay halkaas u direen,oo dadka shacabka ah ee iyaga taageersani ay is abaabuleen,arinkaas oo odayaasha reer Buuhoodle ay ku eedeeyeen in maamulku ciidan u soo diray shirka carqaladeeya.

 

Sidoo kale golaha wasiirada cusub ee maamulka cusub ee Somaliland ayaa xubnaha la magacaabay waxaa ku jira Cismaan Garaad Soofe oo ay walaalo yihiin Garaad C/llaahi Garaad Soofe oo ah Garaadka ugu tunka weyn Garaadada Buuhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Wa salaadiinta Eastern burco not all burco, they only represent bariga.

 

 

"Suldaan Maxamuud Guuleed oo ka mid ah salaadiinta ugu tunka weyn bariga Burco"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oodweyne do you also know the Minister of commerce & tourism of sl Mr Abdirisaaq khalif Axmed AMM appointed was the one who funded the ceremony of garaad jamac garaad ismacil L.A.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii Salaadiinta Gobolada Tog-dheer iyo Buuhoodle oo maanta la soo Geba-gabeeyay:-

 

 

Shirkani oo maalmihii u danbeeyay ka socday deegaanka Xadhadhan ayaa ahaa shir qarsoodi ah kaasi oo mudadii uu socday...

 

argaysa(GNS):- Salaadiin,cuqaal,garaado iyo wax garad ka kala socday gobolada Togdheer iyo Buuhoodle oo uu maalmihii u danbeeyay shir uga socday degaanka la yidhaahdo Xadhadhka oo ku yaala inta u dhaxaysa Coodanle iyo Buuhoodle ayaa la soo geb-gabeeyay shirkoodii iyaga oo ka soo saaray go,aamo,kana warbixiyay waxyaabihii uu ku saabsanaa shirkaasi.

Shirkani oo maalmihii u danbeeyay ka socday deegaanka Xadhadhan ayaa ahaa shir qarsoodi ah kaasi oo mudadii uu socday aanay labada dhinac ee ka qayb gelayay mid koodna ka hadal waxyaabaha uu ku saabsanaa iyo u jeedadiisa intii uu socday.shirkaasi oo maanta soo dhamaaday ayaa waxa faah-faahin ka bixiyay qaar ka mid ahaa Salaadiintii ka qayb galay shirkaasi ee ka kala socday labada dhinac.

 

Suldaan Siciid Cusman Cali oo ka mid ahaa salaadiinta ka qayb gashay shirkaasi Xadhadhan kana mid ahaa salaadiinta ka socotay dhinaca Buuhoodle oo u waramayay laanta Afka somaliga ee Idaacada BBC-da ayaa ugu horayn ka waramay u jeedada shirkan ay u qabteen wakhtigan iyo waxa uu ku saabsanaaba,waxana uu Suldaanku sheegay in shirkani ay ku yeesheen deegaanka Xadhadhan aanu la xidhiidhin wax siyaasada,balse ay kaga hadlayeen arimo nabad geliyo.

kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen sidii loo xalin lahaa wixii dhibaatooyin ah ee ka jira deegaanka buuhoodle iyo ciidamada somaliland ee jooga deegaanadaasi, iy sidii looga soo qaadi lahaa deegaanka isaga oo xusay Suldaanku in ay arintani muddo ku hawlanaayeen salaadiin,cuqaal iyo wax garad ka kala socday dhinacyada Tog-dheer iyo Buuhoodle.isaga oo Suldaan Siciid sheegay in ay arintani nabadayn wadeen muddo badan ilaa xukuumadii madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin markii ay dhalatay xukuumada Madax wayne Siilaanyana uu gacan ka siiyay sidii arimahaasi xal loogu heli lahaa,ee nabad loogu dhamayn lahaa.

 

Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo ka mid aha salaadiinta ka socday dhinaca Tog-dheer kana qayb galay shirkaasi lagu soo geb gabeeyay deegaanka Xadhadhan oo isna u waramay BBc-da laaneeda Af-somaliga isaga oo jooga mgaalada Burco ayaa faah-faahin ka bixiyay waxyaabaha ugu muhiimsanaa ee ay shirkaasi kaga hadlayeen iyo go,aamada ka soo baxay ee ay isla afgarteen labada dhinac,isaga oo sheegay Suldaan Maxamuud in shirkani uu ku soo dhamaaday is afgarad ay cuqaashii iyo wax garadkii ka kala socday labada dhinac isla qaateen . iyo in wax kasta oo jira lagu dhameeyo wada tashi si ay bulshada deegaanadaasi ugu wada noolaadaan nabad geliyo iyo walaal tinimo.

 

Khadar Cabdi Muuse

Gabiley News Desk

Hargeisa Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Go'aamadii ka soo Baxay shirkii Xadhadhan oo Saxaafada loo akhriyey Maanta.

Warkii 07-Aug-2010 iyo Qormadii: news

Maalintii shalay waxaa Magaalada xadhadhan oo ilaa 30 km dhanka qorax u dhac kaga aadan magaaladda buuhoodle ka dhacay shir madaxdhaqameed. Kaas oo u dhexeeya madax dhaqameedyo ka kala socdey beelaha bariga Burco iyo waxgaradka deegaanka Buuhoodle. Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Garaad cabdilaahi Garaad soofe oo isugu jira, cuqaal, isimo, culima awdiin iyo waxgaradkale ayaa gaadhey maalintii shalay halkaas, kuwaasoo magalaadadda xadhahdhan kulan saacado qaatay kula yeeshay wafti kale oo isugu jira madax dhaqameedo, culimo iyo waxgrad kale oo kasoo jeedda beelaha bariga burco.

 

 

 

Shirkan oo gundhigiisu ahaa adkaynta nabad gelyada ayaa laga soo saaray qodobo dhawr ah,

 

Hadaba madax dhaqameedka kasocdey deegaanka gobolka cayn ee shirkaasi ka qayb galay ayaa waxay maanta shir ku qabteen magaaladda buuhoodle, kaasi oo ay warbaahinta ugu soo bandhigeen waxyaabihii kasoo baxay shirkaasi.

 

Waxaana warbaahinta ka hor akhriyey qodobaddii shirka Caaqil Axmed Saalax Maxamed oo ka mid ahaa cuqaashii shirka ka qayb gashay.

 

Iskusoo wada duuboo shirkan ayaaa ah kii ugu horeeyey ee ay yeeshaan madax dhaqameedyadda kasoo kala jeedda buuhoodle iyo bariga burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites
mielmi   

Hello all!!!!.......this is my first time on sol........i just wanted to start by saying all to all of you in here.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Go'aamadii ka soo baxay shirkii Xadhadhan ee Ciidamada Qaranka Som. lagaga soo saarayo Widhwidh IWM

 

 

Ujeedo: Baaq Nabadeed

 

 

 

Heshiis Dhex maray Isimada ,Culumada, Cuqaasha iyo Waxgradka Deegaamada Buuhoodle iyo Salaadiiin, Culumada iyo Waxgarad ka socda Beelaha Bariga Burco oo shirk u yeeshay taariikhdu markay ahayd 06/08/2010 magaalada Xadhadhan kagana wada hadleen Nabad galyada labad a Beelood iyo Gobolkaba , waxayna soo saareen qodobada hoos ku xusan :

 

 

1. Iyada oo la tixraacayo Baaqii uu soo saaray Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomali Land Axmed Maxamed Maxamudud (Siilaanyo) ee ku wajahnaa nabadgalyada, waxaanu la qaadanay baaqaa nabadgalyada ee ku wajahan Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

 

2. Waxay Isimada, Cuqaasha,Culumada, iyo waxgaradka reer Buuhoodle waxay Balan qaadeen in ay sugayaan Nabadgalyada Deegaamada Buuoodle.

 

3. Salaadiin, Cuqaasha, Culumada iyo Waxgaradka Beelaha Bariga Burco waxay iyaguna dhinacooda balan qaadeen in ciidamada soomaliland ee ku sugan Deegaamada Widhwidh iyo Balihadhac lagu celiyo Fadhiisimadoodii hore .

 

4. Isimada, Cuqaasha, Culumad iyo Wax Garadka Deegaamada Buuhoodle waxay mar labaad balan qaadeen in ay deegaamada widhwidh iyo Balihadhac in aanay fadhiisimo u noqon doonin ciidamo lidi ku ah Somaali Land

 

5. Waxay isla qaateen labada dhinac marka la sugo nabadgalyada in la isugu yimaado gogol nabadgalyo oo loo dhanyahay una dhaxaysa Beelaha *********** iyo Dawlada Soomaali Land.

 

 

Heshiiskan Waxaa labada dhinac u saxeexay :

 

 

 

Dhanka Beelaha Buuhoodle

 

1) Garaad C/laahi Garaad Soofe

 

2) Garaad Saleebaan Buraale Aadan

 

3) Suldaan siciid Cismaan Cali

 

4) Xaaji Maxamud Xaji Cumar

 

5) Sh. Cumar Sh. Cismaan

 

6) Caaqil Axmed Diiriye Jiinje

 

7) Caaqil Cali Cabdi Cali(dhaga dalood)

 

8) Caaqil Abshir Kooreeye

 

9) Caaqil Axmed Saalax Maxamed

 

10) Caaqil Jaamac Cabdi Maxamed

 

11) Cali Daahir Cilmi

 

12) Sh. Cumar Axmed Maxamed

 

13) Yusuuf Jaamac Halac

 

14) Sh. Ibraahim C/raxmaan Cagarog

 

15) Caaqil C/laahi Xasan Qanbi

 

 

 

Dhanka Beelaha Bariga Burco

 

1) Suldaan Maxamud Guuleed Mire

 

2) Suldaa Maxamud X. Xuseen Nuur

 

3) Caaqil Saleebaan Guray Gadhcade

 

4) Sh. Yusuuf Cabdi Cawad

 

5) Xasan Mataan C/Laahi Axmed

 

6) Maxamud Axmed Xirsi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawladda Somaliland ayaa deg deg ku tilmaantay in heshiiska Saladiinta oo Saxaafadda loo qaybiyay, sidaana waxaa sheegay Wasiirka gashaandhiga Somaliland Axmed Xaji Cali Cadami.

 

 

LISTEN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Af-hayeenka Madaxtooyada Oo Shir Jaraa'id Qabtay

 

 

Waxa jira shir ay dhawaan xubno ka mid ah Madax dhaqameedka beelaha Bariga Burco iyo Buuhoodle kaga hadleen arrimaha nabad-gelyadda ee deegaamadooda, waxaana sida la sheegay shirkaasi ay odayaashu isku afgarteen qodobo ay u arkeen in ay n abad gelyada deegaamadaasi caawinayso.

 

Waxa kale oo ay kaga hadleen sida ay warbaahinta u sheegeen qodob ay ku soo qaadeen ciidamadda Qaranka. Kaasi oo sida muuqata dheeraad ku ahaa oo aanay xaq u lahayn in ay ku darsadaan go’aamadooda.

 

Xukuumadda Somaliland oo sideedaba u taagan sugidda qaranimada Somaliland iyo adkaynta nabad gelyadda waxa ay mabda ahaan soo dhawaynaysaa dhaq-dhaqaaq kasta oo u adeegaya Nabad gelyadda iyo wada hadallada heer kastaba leh ee la xidhiidha arrintaasi nabad gelyada min qoys ilaa Qaran.

 

Waxa kale oo ay xukuumaddu si cad u sheegaysaa in arrinta ciidamada Qaranku aanay ahayn mid ay laba beelood iyo laba kooxood midna ka talin karaan ee ay tahay arrin u taala Dawladda Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saxib as a neutral observer, i think what silanyo is doing will be counter productive, as time will tell. The reports that i read show that these so called clan elders from East Burco were attacked and one was even stabbed by the locals. These are the same people that you are in your fantasy signing agreements with to cooperate in moving the somaliland army. looooooooool !

 

walahi niave. some people are so aww struck with qabyalid that they cant do any wrong. These so called clan elders in buhoodle were the same people who's signatures are present in the somaliland return to independence conference in Burco and they refute this legal document.

 

 

what should have been done.

 

Riyalle policy, develop the sorrounding areas, isolate those who appose somaliland inside the main town, and slowly win the people over until you reach what i call the state of las canod, were by the people actually welcome somaliland.

 

this is the city,

 

in the hawd, dont bring back the troops, create buffer zones, regular check points and destroy the SSC small 100 teenage boy army. This is what should be done.

 

but let east burco make all its mistakes, they use to sell dirac's to these people in buhoodle and las canod so they know them better then us.

 

STILL HERE OBSERVING...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nothing wrong with the talks and the grass-root negotiations but the elders should not interfere the National Army issues. This is where the problem came from.

Share this post


Link to post
Share on other sites

jacelbaro...whatever happens understand that east burco, is doing this unanimously without consulting anyone, these are their so called clan elders and president motives, so ultimately responsiblity lies with them, anything that goes wrong is ultimately their fault.

 

 

The buhoodle group and east burco group are both against the intrests of somaliland the somaliland parliment and somaliland guurti need to speak about this actions, the east burco group represent the interest of a clan so cannot order the somaliland army to go anywere,somaliland army should stay were they are and should take orders from one clan,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this