Sign in to follow this  
General Duke

Government support growing: Mogadishu Clan confederacy JVA stress their commitment

Recommended Posts

Bare Hiiraale iyo Axmed Warsame oo shir jaraaid maanta ku qabtay Kismaayo .. 19/11/04

 

 

Ka dib markii ay bilaabanat ururinta ciidamdii SPM ee deegaanka jubooyinka oo maalmihii la soo dhaafay aad looga hadlay ayaa si lama filaan ah maanta waxaa qabtay shir jaraaid oo ay ka hadleen Bare Hiiraale iyo Axmed Warsame oo sheegay in ciidamdooda ay ku wareejinayaan DWKMG ayna tageersan yihiin dowladda. Waxay diideen

 

ciidamadda laga ururinayo deegaanka jubooyinka ee ay ururinayaan SPM. Waxay dheheen ma ogolin in ciidamo gale laga ururiyo jubooyinka oo ay noqdaan ciidamada dowladda waa sida ay hadalka u dhigeen.

 

Ururinta ciidmada SPM oo ah ciidamadii deegaanka ayaa walaac ku riday maamulka dooxada Juba oo markii hore ka warwareegayay in aqoonsiga DWKMG marka laga reebo saraagiil ka soo jeeda GEDO joogana Kismaayo oo iyagu si cad u sheegay in ay taageerayaan dowladda KMG.

 

Waa markii ugu horeysay ee ay timaadi tartan ah anagaa dowlada teeageeri iyo anagaa taageeri.

 

Somalitribune.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

isku Raacay in ay taageeraan Doowlada iyo Wasiirka Koowaad ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi waxa ayna ku Heshiiyeen in ay u yeeraan Soomaalida iyo qaybaha kale ee Beesha ****** "

Cinwaankaan waxuu horudhac u ahaa maqaal maanta lagu soo daabacay Shabakedda Dayniile (Riix halkan.)

 

Haddaba su'aashu waxay tahay in uu heshiiskaani uu ka duwan yahay kuwii hore ee ay horay u gaari jireen hogaamiye-yaasha kor ku qoran oo ay ka midka yihiin: Al-Xaaji Muuse Suudi, Cusmaan Cali Caato, Xuseen Maxamed Caydiid, Furux iyo kuwo kale oo fara badan oo iyagana ka tirsan madaxda beesha ****** oo dhamaantood sida laga wada warqababa hadda ka hor si ay xamaasadi ku jirto u balan qaadi jiray heshiisyo fara badan oo aanay dhamaantood waxba ka hergelin.

 

Tusaale ahaan waxaan usoo qaadan karnaa kii ugu danbeeyay ee ay odayaashaasi heshiiska ku gaareen oo ahaa sidii loo furi lahaa dekedda iyo garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, kaasoo ay waliba kala qeyb qaateen madaxda Dooxada Jubba iyo Dowladda KMG ah ee uu waqtigeedii dhamaaday.

 

 

Haddaba, arrimaha ay in badani is weydiinayaan maanta waxay tahay in heshiiskaani uu la mid yahay kuwii ay nimankaasi horay u gaari jireen iyo in ay ka danbeyso falsafad gaar ah oo cusub, taasoo ah in ay meesha ku jirto in ay tusi karaan Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed in ay la ciyaari karaan shaxda siyaasadda oo in muda ahba dulucdeedu aheyd i jiid aan ku jiidee!.

 

 

Si kasta oo ay arrintu tahayba, maanta waxay dad badani aaminsan yihiin in heshiiska ay nimankaasi gaareen ee la sheegayo uu yahay mid aan la saadaalin karin qiyaastiisa iyo waxa uu ku danbeyn doonaba.

 

 

Jeylaani Muse

jeylaanimuse@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof.Geedi oo Kulan La Yeeshay Xildhibaanada Beesha ???

Hobyonet.Muqdisho.Isniin Novembar 22,2004.

 

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Neyroobi dalka Kenya ayaa sheegaya in habeenkii xalayaheyd ay yeesheen kulan albaabadu u xiran yahay Prof.Cali Maxamed Geedi Ra’iisul wasaaraha dowlada KMG ah & xildhibaanada ka soo jeeda,wuxuuna kulankaasi looga hadlaayay sidii dowlada loo geyn lahaa magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen Inj.Xuseen Maxamed Ceydiid, Cusmaan Xasan Cali caato, Muuse Suudi Dr.Gacmadheere waxey tiradoodu dhameyd ilaa 30 xildhibaan waxaana ka maqnaa Xildhibaanada Drs.Caasha Xaaji Cilmi, waxeyna xubnihii halkaasi ka hadlay ay sheegeen in loo baahan yahay in taageero hiil & hooba la siiyo Dowalada Cusub lana geeyo magaalada Muqdisho, waxaana kulankaasi lagu go’aamiyay in gudi loo diray magaalada Muqdisho si ay u diyaariyaan soo dhoweynta Dowlada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isbahaysiga Dooxada Jubba oo maanta ku dhawaaqay taageerada dawladda cusub

 

Kismaayo - 19.November.2004 Shir jaraa'id oo ay maanta si wadajir ah u qabteen mas'uuliyiinta isbahaysiga dooxada Jubba, ayey ku sheegeen markii ugu horreysey in ay si buuxda u taageersan yihiin dawladda federaalka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Mas'uuliyiinta ka hadashay shirkan jaraa'id ayaa sheegtay in aanay jirin wax ay ku mucaaradaan dawladda cusub ee Soomaaliya.

 

Saraakiisha Dooxada ayaa sheegay in ay ciidammadooda u diyaarinayaan ku biiridda dawladda cusub ee federaalka Soomaaliya.

 

Deeqo Yuusuf (SONNA)

SBC Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuseen Caydiid oo ku ballan qaadey in uu ku wareejin doono Madaxtooyada Dowladda Cusub

 

Hobyonet.Muqdisho.Isniin Novembar 22,2004.

 

Qaar ka mid ah Masuuliyiinta isbahaysiga SNA ee garabka Xuseen Caydiid ayaa sheegey iney si weyn u taageersanyihiin Go,aankii uu ku taageerey Dowladda Fadaraalka ah ee Soomaal iya ee ku balanqaadey in uu Xarunta Madax tooyadii hore ee Vila Somaaliya uu Dowladda cusub ku wareejindoono.

 

Kusimaha Isbahaysiga SNA Garabka Xuseen Caydiid waa Abuukar Cismaan(AbuukarGaneey) ayaa maanta sheegey in ay si weyn u soo dhaweyn doonaan hadalka ka soo yeerey Gudoomiyahooda ayna tahay talaabo horumar leh oo loo baahnaay, Islamarkaasna isagoo intaas ku darey in ay ku wareejin doonaan Ciidamadooda iyo Hubkoodaba Dowladda Soomaa liyeed ee uu Madaxweynaha ka yahay Cabdul aahi Yuusuf.

 

Xalay ayuu Xuseen Caydiid uu si rasmi ah u sheegay in uu taageersanyahay Dowladda Cabdullaahi Yuusuf uuna Xarunta Madaxtooya da oo haatan Fariisinka u ah isabahaysiga uu asagu hogaamiyo uu ku wareejin doono,ka dib kulan kafool kafool ah oo isaga iyo Raiisulwasaaraha Dowladda Cusub ee Soomaali ya Cali Maxamed Geedi ay ku yeesheen Magaa lada Nayroobi ee Xarunta Dalkaasi Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this