Sign in to follow this  
me

Secessionists planning to hand over Islamic Scholars to Ethiopia

Recommended Posts

me   

Wefdi ka socda dawlada Itoobiya oo la filayo inay Hargeysa U yimaadeen in loo gacan geliyo Laba wadaad oo ku xidhnaa Burco

 

By Somalimirror on 15 Nov, 2009 11:53 AM in Main, Wararka

 

Wefdi ka socda dawlada Itoobiya oo soo gaadhay Magaalada Hargeysa ayaa shalay kulamo kala duwan la yeeshay Maamulka iyo saraakiisha Booliska, wafdigaas oo la sheegay in ay shalay markiiba xarunta Wasaarada Daakhiliga kula kulmeen Wasiiru Dowlaha Wasaarada Daakhiliga iyo Xubno kale oo ka tirsan wasaaraddaas.

 

Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Maxamed Saqadhi Dubad, oo xalay ka warbixiyey Imaanshaha Wefdigan iyo sabaha ay Hargeysa u yimaadeen ayaa xaqiijiyey inay wefidgani shalay yimaadeen Magaalada Hargeysa, una socdeen sababao la xidhiidha iskaashi dhinaca Booliska ah, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Haa way jiraan Nimankani waanuna soo dhawaynay waana Arin Booliiska gaar u ah, waxaanuna ka wada tashanaynaa Nabadgelyada Guud ee labada dhinac”.

 

Mar wax laga weydiiyey Ujeedada dhabta ah ee socdaalka wefdigani ku salaysan yahay iyo tiradooda ayaa waxa uu ku jawaabay “Tiradooda iska ilow , waxa laga wada hadlayayi waa danta laBada dhinac, waana Arin Booliis oo u dhexeeyey Somaliland iyo Itoobiya”.

 

Tan iyo intii ay Ilaa shalay warar laysla dhex Marayey oo sheegayey in ujeedada wefdiga Itoobiyaanka ahi ay Dalka u yimaadeen ay tahay inay la kulmaan, isla markaana ay waraysi la yeeshaan labada wadaad ee Burco Ku xidhnaa, kuwaasoo Wararka qaarkood ay sheegeen in loo gacan gelinayaba.

 

sidaas daraadeed, Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska ka jawaabayey su’aal ku saabsan gacan gelinta Wadaadadaas ayaa ku tilmaamay midaan sal iyo raadtoona lahayn

 

wuxuuna sheegay in wefdigaasi maanta ay ka anbabixi doonaan Magaalada Hargeysa.” Arintaasi waa been aan waba ka jirin, maantana arimahayaga ayaanu dhamaysanaynaa, wayna dhamaanaysaa” ayuu yidhi

 

imaashahan saraakiisha sar-sare ee ka socda Xukumada Itoobiya ayaa lagu sababaynayaa dhowr arimood, tan hore kala qaadashada war bixino joogta ah oo ka dhexxeeya Booliska labada dhinac, taasoo ka danbeysey heshiisyo ay hore u wada gaadheen Booliska Maamulka Somaliland iyo itoobiya oo ku saabsanaa in iskaashi joogta ay ka sameeyaan labada dhinac.

 

Tan labaad oo ah Arintan labada wadaad oo cakirnayd mudo laba Todobaad ah, taasoo ay Xukuumada Itoobiya Cadaadis ku saartay Maamulka Somaliland sidii loo soo qaban lahaa, nimankan oo sheegaan inay xidhiidh la leeyihiin Kooxo iyaga ka horjeeda, taasoo ay iftiiminayso ka dib markii Labaatan Oday oo ka Tirsan Madaxdhaqameedka Gobolka Togdheer looga yeedhay Magaalada Gaashaamo, taasoo la doonayey inay fududeyso qabashada wadaadadan.

 

Tan ugu danbeysa oo ah, qabashada laba nin oo Booliska Magaalada Hargeysa ku qabteen Hotel Ambsador oo la sheegay inay wateen Wax yaalaga Qarxa, kuwaasoo haatan ku jira gacanta Booliska lana waydiinayo Su’aalo.

 

Labadan wadaad ayaa Maalinimadii Khamiistii la soo dhaafay ay Odayaal iyo Culimo ka tirsan Magaalada Burco ay ku soo wareejiyeen Maamulka Gobolka Togdheer oo uu weheliyo Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed, Labadan Nin oo la kala yidhaahdo Siciid Axmed Jaar iyo Aadan Axmed Caare. Siciid Axmed Jaar Oo ah ninkii ay Ciidamada Amniga Burco ay ku weerareen Masaajid uu ku Tukanayay kuna guul daraysteen qabashadiisa halkaas oo ay laba qofku Dhaawacmeen.

 

Si idaynta Labadan wadaad ayaa soo baxday Shalay ka dib markii ay mar kale kulan wadayeesheen Wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub iyo MASUULIYIINTA AAMAANKA BURCO ay Aqbaleen Codsiyo ay ku damiinanayaan Odayaasha Beeshooda ee Burco, sidaa darteedna ay ku sii daayeen Damiinkaas.

 

Labadan wadaad oo baadhisi kaga socotay magaalada Burco, isla markaana aan wali la soo gabogabayn baadhitaankooda iyadoo shuruud looga dhigay siideyntooda in ay keenaan xilli kasta oo loo baahato Labadan Sheikh ilamaa iyo inta la soo afjaraayo baadhitaankooda.

 

isku soo duuboo Maamulka Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa u dhexeeye xidhiidh ku saabsan iskaashiga Nabadgelyada iyo siroonka iyo in labada dhinac ay isu gudbiyaan cid walba oo looga shakisan yahay inay ka horjeedaan danaha labad dhinac ama mid ka mida.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

me

 

i did read the full article and it doesnt make sense because if you going to hand someone over as you claim then you dont release them it kinda doesnt make sense, ethopia loo dhiibayaa iyo waa la sii daayay isma gasho, its obvious you looking for anything to use as mudsling, so keep trying. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mr. Me's sources either jidbaale.com (a known propaganda website which no body really reads at all) and Somalimirror.com, another one-man-run website which also publishes bogus and made up stories. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this