Sign in to follow this  
Gordon Gekko

More weapons collected by Government Ethio troops

Recommended Posts

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo howlgallo hub uruurin ah ka sameeyay Magaalada Muqdisho

 

Isniin, May 07, 2007(HOL): Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladda Itoobiya ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa howlgal hub uruurin ah waxay maanta ka fuliyeen xaafado ka mid ah Degmooyinka magaalada Muqdisho, iyagoo intii ay howlgallada ku jireen-na gacan ku soo dhigay hub fudud oo aad u tiro badan.

 

Ciidamadan oo ka howlgalay xaafado ka mid ah Degmooyinka Hodan iyo Huriwaa ee Gobolka Banaadir ayaa waxay ka heleen xaafad u dhow Suuqa Cir Toogte ee Bakaaraha Hub aad u tiro badan oo guryo ku xareysnaa, iyagoo sidoo kalena halkaasi ka kaxeystay labo nin oo hubeysnaa oo lagu sheegay in ay ka tirsanaayeen ilaalada Suuqa Bakaaraha.

 

Sidoo kalena waxay Ciidamadan howlgallo ka sameeyeen xaafado ka mid ah Degmada Huriwaa, halkaasi oo iyana la soo weriyay in guryo ay galeen ay hub ka haleen. Ma jirin wax iska caabin ah oo ay Ciidamadan la kulmeen intii ay ku guda jireen howlgalka hub uruurinta ah.

 

Waa markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaan ay sameeyaan howlgallo ay guryaha hubka uga baarayaan tan iyo markii ay dagaal kula wareegeen gacan ku heynta Magaalada Muqdisho dabayaaqadii bishii April ee aynu ka soo gudubnay.

 

Howlgalkan Hub uruurinta ah ee ay sameeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi uu dhawaan sheegay in aaney dadka rayidka ah hub heysan karin, isla markaana waxa hub isu heysan kara ay noqon karaan labo dowladood.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa yaala hub fudud oo aad u tiro badan, kaasi oo ay dadku siyaabo kala duwan u qaateen wixii ka dambeeyay markii ay bur burtay Dowladdii uu garwadeenka ka ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this