Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland vice president seylici visits awdal borama + pictures.

Recommended Posts

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo soo dhamaystay Booqashadiisii Borama, Hargeysana ku soo laabtay

Waaheen(Gabiley) Madexweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici),iyo waftigii uu hogaaminayay ee ka koobnaa Golaha Wasiirada iyo labada Aqal ee Wakiilada iyo guurtida ee todobaadkan kormeerka ku joogay Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal,ayaa saaka baraqadii Maamulka iyo qeybaha kala duduwan ee ururada bulshada Gobolka Awdal ku sagootiyeen,kulan miisaan leh oo ay ka muuqato jawi farxadeed oo isabdel cusub oo siyaasadeed ka muuqdo. Kadib markii ay kulan sagootis ah oo balaadhan ugu qabteen hoolka shirarka huteelka Rays ee kuyaala Magaalada Boorame.

 

Madexweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil(Saylici),oo kulankaa sagootiska ree Awdal uga jediyay hadal kooban ,oo uu tilmaan kaga bixinayo sida uu uga gudoomay soo dhaweyntii qiimaha lahyd ee ay isaga iyo waftigiisa ku bilaabeen,sidii wanaagsaneyd ee ay u ayideen kulankii gaarka ahaa iyo sida qiimaha iyo wadajirka ah ee ay maanta u sagootinayaan isaga iyo waftigiisa .

 

Madexweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil isagoo kahadlaya kulankaa sagootiska reer Awdal waxa uu yidhi.

 

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay,oo aan maanta laqiyaasi karin qiimaha ay iigu fadhido wadajirka iyo midnimada idinka muuqata,taas oo noqon doonta mid taariikhiya , oo waxtar weyn idiin noqota Mustaqbalka reer Awdal hadaad tihiin, walaalayaal anaga Xukuumad ahaan waxa naga balan ah oo naga go,an inaanu idiinku shaqeyno cadaalad iyadaa bani,aadamka deeqda,e horena waan idiinku sheegay imikana waan idiinku celinayaa, marka ay gaadho xiliyada tartanka doorashooyinku dhici mayso, in la isku cabudhiyo ee qof waliba waxa uu xor uyahay fikirkiisa siyaasiga ah,iyo halka uu ku tartamayo, walaalyaal waxa kale oo aan idiin sheegayaa in isabdelkii qiimaha lahaa iyo hanaankii dimuqraadiga ahaa ee ay inoogu dhamaatay natiijadii doorashadu iyo sidii loola kala wareegay xilka qaranka in Aduunayadii oo dhami inoogu soo jeesatey oo indhihii caalamku inoogu soo noqdeen,waad aragtaan wufuuda dalka yimid ee her Wasiiro ah ,oo dalalka Yurub ah oo aan hore u dhicin waxey inoogu balanqaadeen in ay inoo libinlaabayaan deeqihii ay hore inoo siinayeen, sidii aad qeybtiina u qaadan laheydeen gacmaha isku qabsada”Ayuu yidhi Madexweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil(Saylici).

 

Kulankaa huteel Rays ee Ambabixinta reer Awdal Madexweyn kuxigeenka iyo Waftigiisu ku sagootiyeen, kadib Madexweyne kuxigenka iyo waftiga uu hogaaminayay, waxey kormeer xog ogaansho ah kusoo mareen Xarunta iyo D/hoose ee Degmada Boorame halkaas, oo uu kula kulmay kow iyo toban Xildhibaan oo katirsan Golaha Deegaanka Degmada Boorame warbixin kooban oo dhinacyada waxqabadka iyo qorshayaasha ah oo uu kaga dhageystay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boorame C/raxmaan Shide Bille kadib waxa uu Madexweyne kuxigeenku hadal dardaaran iyo duco ah u jeediyay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorame, oo uu kamid ahaan jiray.

 

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maantia la joogo Golihii aan kasoo galay saaxada Siyaasada ee kuyimid doorasho xor ah oo bilawgii Dimuqraadiyada dalka ah,waxaan leeyahay intii dhimateyna illaahay ha u naxariisto intiina noolna ilaahay haku asturo xilka aad umada haysaan,idinkana ilaahay ha idin waafajiyo dariiqa wanaagsan, walaalayaal waxaan idinku daradaarayaa inaad xooga saartaan oo ka hormarisaan dantiina gaarka ah danta guud iyo waxqabadka Arimaha Bulshada ,si ay taariikhda idiinku gasho wakhtiga idiin hadhay”Ayuu yidhi Madexweyn kuxigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici.

 

Waxaanu Madexweyne Kuxigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici faafaahin iyo hoga tusaaleyn ku siiyay hadalkiisa Xubanaha Golaha Deegaanka Degmada Boorame sidii ay wax uga qabteen arimihii caqabada ku ahaa Magaalada Boorame ee dhinaca biyo gaadhsiinta ahaa ,iyagoo xiligaa kaashadey in guud ahaanba laga saaro Biyaha arimo Siyaasadeed oo loogu baadi goobo qaab ay biyuhu dadweynaha oo dhan ku gaadhaan oo midha dhal ah ,waxanu kulankaasi kusoo xidhay Madexweyne kuxigeenku duco iyo dardaaran culus.

 

Sidoo kalena waxa uu Madexweyne kuxigeenka iyo waftigiisu isla saaka barqadii soo kormeeray, intii aanu Magaalada Boorame kasoo bixin Madaarka Magaalada Boorame halkaas,oo uu warbixin kaga dhageystay Maamulaha Madaarka Boorame Xasan Daahir(biif), oo shegay in ay aad ugu farxsan yihiin kormeerka Madexweyne kuxigeenka maadaama uu Madexweyne kuxigeenku kamid ahaa ragii Kasoo jeeday Gobolka Awdal,ee gacanta ka geysatay dhismaha Madaarka Boorame,waxanu xusay in uu wakhtigan Madaarku furanyahay oo ay ka dhoofeen xujaaj badani.

 

Hadaba markii Madexweyne kuxigeenka iyo waftiga uu hogaaminayaa, kasoo baqooleen Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal,waxa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Dilla taas oo noqonaysa maalintii labaad ee ay reer Dilaad Madexweyne kuxigeenka iyo safarkiisa usoo dhaweeyaan si mug leh oo aad u farax galisay guud ahaanba waftiga uu hogaaminayay Madexweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan Somaliland C/raxmaan Saylici waxanu, Madexweyne kuxigeenku u balanqaaday in ay wax ka qaban doonaan Biyaha Degmada Dila oo ay horena ugu balanqaadeen xiligii kaambaynka.

 

Ugu danbeyntii markii uu waftiga Madexweyne kuxigeenku hogaaminayay soo gaadhay Gobolka Gabiley,waxa uu ku baydhay kaamka madaarka Kalbeydh ee Mashruuca biyo galinta Gabiley, halkaas oo uu ku leexiyay islamarkaana warbixin ku siiyay Badhasaabka Gobolka Gabiley, Rashiid Cumar Sheekh Muxumed Warsame, oo hogaaminayay waftiga oo uu kaga hor tagey Magaalada Boorame ,waxanu tibaaxo kooban iyo warbixin dhamys tiran kasiiyay Madexweyne kuxigeenka waxyaabaha ka suurta galey mashaariicdaasi iyo baahiyaha ka dhiman,iyagoo si miisaan lehna ugu sooryeeyay,qado sharaf balaadhan Magaalada Gabily waftiga Madexweyne kuxigeenku hogaaminayo,qadadii kadibna waxa uu Madxweyn kuxigeenku kulan gaar aha layeeshay duqeyda madaxdhaqameedka,iyo waxgaradka iyo Maamulka Gobolka Gabiley, waxaanu waftiga Madexweyne kuxigeenku galabta kusoo hoyday caasimada isagoo jawi miiqaam sare ah oo farxadeed kusoo dhamaaday guud ahaanb socdaalkiisa Gobolada Awdal Gabiley

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this