Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: forgiveness yes, but ALL private property must be returned

Recommended Posts

CALI MAHDI MAXAMED: “Wixii Hanti ah oo muuqda kuma jiraan waxyaabaha la isu cafinayo, waana la isu celinayaa”

 

Sabti, July 28, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta mar uu la hadlayay Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisinta waxaa uu u sheegay in waxyaabaha la isu cafinayo aysan ku jirin hantida muuqata ee la kala heysto.

 

“Wixii Hanti ah oo muuqda kuma jiraan waxyaabaha la isu cafinayo sida Beeraha, Guryaha iyo Gaadiidka, waana la isu celinayaa”ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed, iyadoo hadalkaasina ay ergooyinka si weyn u soo dhaweeyeen.

 

Hadalkan uu Cali Mahdi ka horjeediyay Ergooyinka ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Ergooyinka metelaya Beelaha Soomaaliyeed ay maalmahan ka doodayeen qodobka xalinta khilaafaadka Beelaha, kaasi oo Beelaha Soomaaliyeed qaarkood ay soo jeediyeen in wixii horay u dhacay xalay-dhalay laga noqdo.

 

Cali Mahdi Maxamed oo ka hadlayay diidamada ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Maxkamadihii Islaamka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan oo ay qanciyaan madaxda Maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo uu sheegay in ay kula kulmayaan meel kasta oo caalamka ah, inkastoo uu caddeeyay in ay horay xiriirro marqaati leh ula sameeyeen qaar ka mid ah madaxda Maxkamadihii Islaamka.

 

Macallin Haaruun Macallin Yuusuf oo ka mid ah Nabaddoonnada Beelaha ****** ayaa sheegay in Beesha ****** ay soo dhaweyneyso eedo ay ka sheegteen Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Beesha Shanaad, wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ay mag-dhow ka bixiyaan wixii lagu sheegto.

 

Intii uu socday ka doodista Qodobka Xalinta Khilaafaadka ayaa waxaa jiray Beelo soo jeediyay in lagu tacadiyay intii lagu guda jiray Dagaallada sokeeye, isla markaana lagu sameeyay waxyaabo ka baxsan Bani’aadannimada, walow isla Beelahaas eedda sheegtay ay hadana qireen in ay qudhooda dad waxyeeleen, hayeeshee aysan aad u talax-tegin

 

Dhanka kalena, waxaa maanta tegay xarunta Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Wafdi ka socday Beesha Caalamka, kaasi oo uu hoggaaminayay ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Barlin Guard, iyadoo xubnaha wafdigaasna ay ka mid ahaayeen wakiillo ka socday Dalalka Talyaaniga, Masar iyo Norway, kuwaasi oo dhamaantood taageeray shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Guddoomiyaha Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay xubnahan ay u sheegeen in ay sababo dhinaca duulimaadka ah ay u imaan waayeen xiligii uu furmayay shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, hayeeshee ay haatan u yimaadeen in ay jeediyeen khudbooyinkii ay maalintaas jeedin lahaayeen.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo 15-kii bishan ka furmay Xaruntii Gaadiidka Booliska oo ku taala Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgelaya ergooyin ka badan 1000 Ergay, kuwaasi oo ka kala socda Beelaha Soomaaliya, hayeeshee waxaa qaadacay oo shirkaas in ay ka qeybgalaan diiday Maxkamadihii Islaamka, Qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha ****** iyo weliba Xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah oo ku sugan magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

^That is good news, let's hope retrieving these propertys is swift and a success without the loss of any blood,IA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

^and where did it say that?. whatever the meaning im going there to get my family home,i have the paper work to prove it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Most Somali's of every clan lost property in the mayhem. Its only fair that those people get theirs, that will lead to peace. Insha Allah. Good luck Buuxo hope you get yours in due course.

Share this post


Link to post
Share on other sites

as the saying goes bu dahay...tuug la qabtay tallo malaha...!

 

plz check, read my reports in the political sections to see what your uncle the tuug is doing instead of being his slave cut/paste boy.

:(

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer your reports are noted however they do not have any case were property is looted. Crocodile tears from the defeated groups aside.

I wnat you not to hide nor waffle as usual Just answer who stole properties and from whom?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

which property has been stolen by the TFG?

The whole of Somalia , and gave it to the Ethiopians - indha-adka weliba wana warsana.

Share this post


Link to post
Share on other sites

That was quite ammusing however your answers highlight the holes in your argument. The TFG has stolen no property and has cripled thsoe who lived on stolen civilian loot for 17 years.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this