Sign in to follow this  
General Duke

Yemen first to open an Embassy in Mogadishu..

Recommended Posts

Yemen oo noqotay Dalkii ugu horeeyey oo Safaarad ka fura Wadanka Soomaaliya

 

Last Updated::2007-01-23 14:19:13

 

Muqdisho:- Waxaa maanta la furay Safaaradii uu dalka Yemen ku lahaa Somaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

Ambasador Axmed Xaamid Cumar oo ah Safiirka Yemen u fadhiya Somaliya ayaa maanta si rasmi ah u furay Xafiiskooda Muqdisho.

 

Ambasador Axmed ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Safaaradoodii ay dib uga furaan dalka ay walaalaha yihiin ee Somaliya.

 

Dowlada Yemen ayaa noqoneysa dowladii ugu horeysay oo dib u furta Safaaradii ay ku lahayd Muqdisho, kadib markii ay Caasimada Soomaaliya u gacan gashay Dowlada Federaalka Somaliya.

 

Dowlada Sudan ayaa sidoo kale shalay shaacisay in ay dib u fureyso Safaaradii ay ku lahayd magaalada Muqdisho.

 

Ambasador Axmed Xaamid Cumar iyo mas'uuliyiinta kale ee kamid ah Dowlada Somaliya ayaa si weyn ugu riyaaqay isbedalka siyaasadeed oo uu dalka Somaliya hada galay.

 

 

Sawir::: Ambassador Axmed Cumar iyo Duqa magaalada Muqdisho Cadde Gaabow oo saxaafada kula hadlaya Xarunta Safaarada Yemen ee Caasimada Muqdisho

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliya Xussen Caydiid oo ka qeyb galay munaasbada furitaanka Safaarada ayaa sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid taariikhda gashay, asagoo sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in dhawaan dalal badan ay dib xafiisyo uga furtaan magaalada Muqdisho.

 

Dowlada Yemen ayaa lagu sheegi karaa dowlada kaliya ee Carbeed ee sida tooska ah u taageerta Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxayna Dowlada Yemen kamid ahayd dalalka dowlada Somaliya ugu deeqay Dareeska ciidamada iyo qalab milatari.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Yemen oo maanta Safaarad ka furaneysa Muqdisho

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 23/01/07

 

Sida ay qortay wakaaladda wararka Yemen ee SABA News waxaa manta Dowladda Yemen ay safaarad ka furaneysaa xarunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo Yemenna ay noqoneyso dalkii ugu horeeyay ee Safaarad ka furta Muqdisho tan iyo intii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya magaalada soo degtay kadib kala jebintii awoodii dhalanteedka ahayd ee Maxkamadihii beelaha midoobay ee Islaamiga ah.

 

Safiirka Yemen ugu qaabilsan dalka Soomaaliya Axmed Xamiid Xasan Cumar oo dhowaan socdaal ku yimid magaalada Muqdisho dibna ugu laabtay Yemen kadib wadahadal uu Madaxweynaha la yeeshay ayaa waxa uu Wakaaladda SABA u sheegay in safaaradda Yemen munaasabad lagu furayo ay manta ka dhici doonto magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhuba ay dalka ka maqan yihiin, waxaana munaasabadaas madaxda Qaranka ku matali doona Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha gudaha Eng. Xuseen MAxamed Caydiid oo haatan ah ku simaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Safiirka Yemen Axmed Xamiid ayaa u sheegay SABA News in ujeedada safaaradda loo furayo ay tahay in Dowladda Yemen ay sii dardar geliso taageerada ay siineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in furitaanka safaaradda uu yahay natiijo ka dhalatay doonista Dowladda Yemen ee mudada dheer soo socotay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho : Xukuumadda Yemen oo safaarad ka furatay magaalada Muqdisho.

 

Talaado, January 23, 2007

 

Muqdisho (AllPuntland)- Xukuumadda Yemen ayaa waxa ay markii ugu horaysay muddo 16 sano ka badan magaalada muqdisho waxa ay ka furatay safaaradeedii.

 

Xarunta Somali Group ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka dhacday xaflad lagu furayay safaaradaasi oo ay ka soo qayb galeen mas`uuliyiin ka tirsan golaha baarlamaanka ee wasiirada ee dawlada Soomaaliya.

 

Munasabadaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa safiirka xukuumadda Yemen ay u magacaabatay dalka Soomaaliya Ambasador Axmed Cumar, iyada oo ay ka hadleen madax ka tirsan dawladda.

 

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Xuseen Maxamed Faarax (Caydiid) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu amaan aad u ballaaran u jeediyay xukuumadda Yemen, waxaana uu ugu baaqay xukuumadaha kale ee caalamka in ay talaabadaasi oo kale qaadaan.

 

Gudomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa isna halkaasi hadal ka jeediyay waxana uu sheegay in ay taasi cadaynayso nabad galyadii iyo midnimadii dalka Soomaaliya oo soo noqotay.

 

Xukuumadda Yemen ayaa waxa ay noqotay xukuumaddii ugu horaysay ee safaarad ka furata magaalada Muqdisho tan iyo markii ay dawladdu halkaasi la wareegtay.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SOMALIA: YEMEN REOPENS EMBASSY

 

Mogadishu, 22 Jan. (AKI) - Yemen which Tuesday re-opened its embassy in Mogadishu, became the first Arab nation to do so since Somalia's interim government took office in the capital earlier this month,the official Yemeni newsagency SABA reported. Most nations closed their embassies in Mogadishu during the past decade when the Horn of Africa country descended into anarchy following the toppling of President Siad Barre in a 1991 revolt.

 

Yemen's ambassador to Somalia, Ahmad Hamid Omer told SABA the embassy's aim was to to support the Somali interim government and people "to make peace and stability". The interim government entered Mogadishu after Ethiopian troops late last December drove out Islamists who had controlled the city and much of the country since June.

 

 

 

(Rak/Aki)

 

 

Jan-23-07 18:03

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Pi:

Good news.

Oh Joy! Good news ahaa. Jolly day indeed for the people of SOMALIA! For we have an embassy & his excellency the ambassador of the great powerful rich & influential nation of YEMEN has promised to open an embassy in the capital Mogadishu~

 

Bravo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Emperor_of_Bander_Qasim:

^^So now you think Yemen is unimportant?

 

Care to share who is?

So now you cant read huh? Care to read?

 

Where does it say yemen is unimportant?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Brown

 

Sarcastic tones such as yours are a sign of delusion LOOOOL. First only the yemenian embassy oh now its the south african and next the German and later the chinese and finally the US and what will your response be?

 

"For we have an embassy & his excellency the ambassador of the great powerful rich & influential nation of UNITED STATES has promised to open an embassy in the capital Mogadishu~"

 

Then I think your delusional maxakaamiinta nonsense will finally be gone.

Share this post


Link to post
Share on other sites

16-Sano ka Dib Oo Dowladda Yemen ay Maanta Safaarad ka Furatay Caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho.

 

Posted to the Web Jan 23, 07:57

 

 

MOGADISHU Dowladda Yeman ayaa waxaa ay maanta safaarad Cusub ka furatey magaalada Muqdisho iyadoona ay noqoneyso Dowladii ugu horeysey ee safaarad ka furata caasimadda markii 16-sano ka dib.

 

 

Xaflad lagu weyneynayo furitaanka Munaasabaddaasi oo ka dhacday xaruntii hore ee shirkadii Muuska (Somali Banana Com) oo ku taala agagaarka KM4, ayaa waxaa ka soo qeyb galey mas’uuliyiin labada dowladood ka socda.

 

 

Safiirka Yemen ee Soomaaliya u qaabishan Axmed Xamiid Cumar oo halkaasi ka jeediyay kudbad ayaa sheegay in uu ugu hambalyeeynayo jaaliyadda Yemen ee ku nool Soomaaliya.

 

 

Waxaa uu sheegey in dowladdiisa ay kaalin mug leh ka soo qaadatay dib u heshiisiinta dhinacyada Soomaalida, ayna hadda dooneyso in ay sii laba laabto dadaalkasi.

 

 

Inj. Xuseen Caydiid, Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Soomaaliya oo halkaas ka hadlayey ayaa waxaa uu sheegey in tallaabadaasi ay tahay mid la doonaayo iney ku daydaan hay’adaha Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxaysa, islamarkaana ay xafiisyo ka furtaan Muqdisho.

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

Puntlandonline.com

 

 

Muqdisho

 

 

Indhojaceel2003@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOL. What the hell is wrong with you guys?

 

I was just applauding the great diplomatic achievment from the Govt. I mean to negotiate & skillfully convince the great state of YEMEN[LOL} to set office in Mog,Surely deserves some kind of hand clapping,NO?

 

Even when i commend the Govt,yall dont trust me? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pi   

Brown, dude, I think you suffer from lack of comprehension too. It's true. You never said that Yemen was unimportant I also never said that Yemen was the most powerful and influential country around. So where did you get that from?

 

Besides, there's no need to change this into another one of those emotionally charged threads.

 

The Yemeni Embassy will be the first Embassy to be opened in the capital in 16 yrs. Don't be surprised if you see more countries developing explicit diplomatic ties with the government of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yemen holds upto 3/4 of a million somalis withing their borders. Establishing diplomatic ties by opening an embassy etc are a great first step.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this