Sign in to follow this  
General Duke

Caddle: US warship with TFG troops rescue highjacked ship from pirates

Recommended Posts

Ciidamada dowladda federalka oo wax kasoo furtay markabkii laga afduubtay Muqdisho

-

cidankadfs.jpg

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 30-Oktober-2007

 

 

Warar hataan naga soo gaaray deegaanka Caddle ee gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in markabkii laga afduubtay dekada Muqdisho aramihiisa ay fara giliyeen ciidamada Badda Mareykanka .

 

Mulkiilaha markabkaasi Cali Gaboow Jiinow ayaa goor dhaw u xaqiijiyay warbaahinta Muqdisho in ciidamo Mareykan ah oo qeyb ka ah markab dagaal oo xeebaha Soomaaliya ku sugan ay dul joogaan markabkii .

 

Waxa la sheegay in ciidamada doonayaan in gudaha u galaan markabka oo kooxaha hubeysan ay gudaha uga jiraan .

 

Ciidamo Soomaaliyeed oo sita doonyo dheeraya ayaa la sheegay in howsha ay kala wareegeen ciidamada Badda Mareykanka .

 

Weli lama helin faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan xaalada dhabta ah ee markabkaasi oo dhexdiisa ay isku rasaaseyeen kooxda afduubatay iyo shaqaalaha markabka .

 

Waxaana lala leeyahay labada dhinac qasaare ayaa soo gaaray , iyadoo kooxda afduubka laga dilay ilaa sedex qof.

 

Maryama Xuseen Axmed

seymuun@hotmail.com

Xafiiska Calanka Ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this