Sign in to follow this  
Xudeedi

Chief Garaad of Puntland; Garaad C/aahi Cali Ciid supports Farooles Position

Recommended Posts

Xudeedi   

C/raxmaan Maxamed Muuse(Ilkacase)

 

Wakiilka Horseed Media

 

Garoowe,Puntland.

 

Garaad-C.laahi-Cali-Ciid-2.1.JPG

 

Garaad C/laahi Cali Ciid oo ka mid ah Isimada Puntland oo maanta Shir Jira’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa sheegay in u aad uga carooday hadalki khilaafki dhaliyey ee ka soo yeeray Madaxweynaha DFKM ah ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed.

 

Garaad C/laahi Cali ayaa sheegay in u aad uga xunyahay in DFKM ah ay ku doodo Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland ma ahaa,wuxuuna tibaaxay in Puntland ay ka horeysay Dastuurka Sheikh Shariif iyo DFKM ah ee jirta waqtigaan isla markaana marnaba aysan ka soo yeerin Puntland arimo gooni isutaag.

 

Waxaana u intaasi ku daray in Puntland ay ka go’aantahay raadinta Dowlad Soomaaliyeed,balse aysan cidna uga haybaysanayn horumarkeed.

 

”Shariif Sheikh Axmed waanu ku raacsanahay wixii dan u ah Umada Soomaaliyeed,waxaana u nagu matalaa hadaanu nahay hogaamiye dhaqameedka Puntland Dowladi wixi ay ku matasho dadkeeda”,ayuu yiri.

 

Garaad C/laahi ayaa si caro ka muuqato u yiri looma baahna in qofku u wax u sheego si aan masuuliyad ka muuqan.

 

Shalay ayay ahayd marki Dadweynaha Reer Puntland ay walaac ka muujiyeen khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweyneyaasha Dowlada Puntland iyo DFKM ah.

 

Si kastaba arimahaan ayaa ku soo beegmayaan xilli 48-saac ugu dambeysay u khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda ugu sareysa Puntland iyo DFKM ah ee Soomaaliya.

 

Horseed Media.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Garaad C/laahi Cali Ciid oo ka mid ah Isimada Puntland ayaa Kulan wareed ku qabtay Qasriga uu ka degan yahay Garoowe, Garaadka ayaa warbaahinta u sheegay in Ujeedka uu shirkan u qabtay ay tahay inuu Ka Isim ahaan Fekerkooda ka dhiibtaan Khilaafka u dhexeeya Dawlada Puntland iyo Masuuliyiinta Xukuumada Federaalka Somaliya.

 

Garaadka ayaa Tibaaxay inay Puntland Heegan ugu jirto sidii ay xal ugu heli lahayd dhabada Loo raacayo helitaanka Dawlada Dhexe oo ay Somaliya yeelato, isla markaana waxa uu meesha ka saaray inaanay Pl marnaba afkeeda ka soo yeedhin Gooni isu taag.

 

Garaad C/laahi Cali Ciid ayaa waxa laga Xumaadu ku tilmaamay hadalkii ay warbaahinta ka sheegeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Dawlada Somaliya kuwaasi oo uu sheegay inay afka ku weerareen Maamulka Puntland.

 

C/laahi Cali Ciid ayaa Yiri”Waxaan Taageersanahay Go”aanka Madaxwaynaha Puntland waxaan diyaar u nahay inaan helo ama raadin sidii Puntland loo Horumarin lahaa maha in qof Masuul sheeganayaa inuu Xaqiro dalka intiisa kele Maamulka Puntland hada waa 11- Jirsaday intaasina waxa uu ahaa mid Nabada iyo Degenaansho laga helo isaga oo ay ku sii Hirtaan Boqolaal Qaxooti ah oo Somaliyeed”Ayuu Yiri Garaadka oo Garoowe Shir ku qabtay.

 

Garaad Cali Ciid ayaa Si ba”an u weeraray Cid kasta oo doonaysa in Puntland Saamigeeda Hoos loo dhigo,waxana uu Cara baabay in Ka Isima ahaan iyo dhamaan Shacabka Pl aanay Raali ka ahayn wixii iyaga wax Yeelaynaya.

 

Hadalka Garaadka ayaa ku Soo aadaya iyada oo ay dhawaan SHir ku Kala Buudeen Madaxwayne Faroole iyo Sheekh Shariif kuwaasi oo isku Mari waayay Qodobadii Shirkii Gaalkacayo.

 

Laasqoray.Org

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Garaad Cabdulaahi Cali Ciid ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Dawlada KMG ahi ay ku doodo in Dawlad Somaaliya ayana ka mid ahayn Puntland , wuxuuse sheegay Garaadku in Puntland ka horaysay dastuurka Shiikh Shariif Iyo Dawlada KMG oo maanta Dalka ka talisa,hase ahaatee ayna Puntlland marna ka soo yeerin gooni isu taag.

 

 

Garaadku wuxuu hadalkiisa ku sii daray in Puntland ay raadinayso Dawlad Soomaaliyeed ,balse ayna cidna uga danbayneen horumarkeeda.

 

 

Garaad Cabdulaahi ayaa si kulul ku yiri shrkii jaraa'id uu qabtay " maaha wax wanaagsan loomana baahna in Qofka M'asuulka ahi uu wax u sheego si aan m'asuuliyadi ka muuqan isaga oo ula jeeda hadalkii ka soo yeeray Sheekh Shariif.

 

 

Ugu danbayntii shirkan Jaraa'id uu qabtay Garaad Cabdulaahi Cali Ciid ayaa ah mid tarjumaya dhamaan Bulshada Reer Puntland iyo Madaxdeeda kaas oo ah in aan cidna looga haybadaysanayn horumarka Puntland.

 

 

Allsanaag.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Garaad C/laahi Cali Ciid oo ka mid ah Isimada ugu muga iyo miisaanka weyn Puntland ayaa Kulan wareed ku qabtay Qasriga uu ka degan yahay Garoowe, Garaadka ayaa warbaahinta u sheegay in Ujeedka uu shirkan u qabtay ay tahay inuu Ka Isim ahaan Fekerkooda ka dhiibtaan Khilaafka u dhexeeya Dawlada Puntland iyo Masuuliyiinta Xukuumada Federaalka Somaliya.

 

Garaadka ayaa Tibaaxay inay Puntland Heegan ugu jirto sidii ay xal ugu heli lahayd dhabada Loo raacayo helitaanka Dawlada Dhexe oo ay Somaliya yeelato, isla markaana waxa uu meesha ka saaray inaanay Pl marnaba afkeeda ka soo yeedhin Gooni isu taag.

 

Garaad C/laahi Cali Ciid ayaa waxa laga Xumaadu ku tilmaamay hadalkii ay warbaahinta ka sheegeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Dawlada Somaliya kuwaasi oo uu sheegay inay afka ku weerareen Maamulka Puntland.

 

C/laahi Cali Ciid ayaa Yiri"Waxaan Taageersanahay Go"aanka Madaxwaynaha Puntland waxaan diyaar u nahay inaan helo ama raadin sidii Puntland loo Horumarin lahaa maha in qof Masuul sheeganayaa inuu Xaqiro dalka intiisa kele Maamulka Puntland hada waa 11- Jirsaday intaasina waxa uu ahaa mid Nabada iyo Degenaansho laga helo isaga oo ay ku sii Hirtaan Boqolaal Qaxooti ah oo Somaliyeed"Ayuu Yiri Garaadka oo Garoowe Shir ku qabtay.

 

Garaad Cali Ciid ayaa Si ba"an u weeraray Cid kasta oo doonaysa in Puntland Saamigeeda Hoos loo dhigo,waxana uu Cara baabay in Ka Isima ahaan iyo dhamaan Shacabka Pl aanay Raali ka ahayn wixii iyaga wax Yeelaynaya.

 

Hadalka Garaadka ayaa ku Soo aadaya iyada oo ay dhawaan SHir ku Kala Buudeen Madaxwayne Faroole iyo Sheekh Shariif kuwaasi oo isku Mari waayay Qodobadii Shirkii Gaalkacayo.

 

Garaadka ayaa sidoo kale amaanay wasiirka arimaha gudaha, General C/aahi Axmed Jaamac ilka jiir, kuna tilmaamay shaqsi hawlkar ah oo Puntland guula farabadan usoo hooyay. Wasiirka ayaa dhawaanahaan ku sugnaa magaalada Nairobi halkaasi u kulama badan la yeeshay shaqsiyaadka maamula hay'adaha deeqbixiyaasha. Wasiirka ayaa ah shaqsiga loo xilsaaray arimaha xiriirka labada dowladood ee federaalka iyo Puntland.

 

Dhahar Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this