Sign in to follow this  
Juje

Ambassador Nuur Caade Axmed C/Salaan honoured in Norway..+Pics

Recommended Posts

Juje   

Raisal wasaarihii hore ee Somalia Nuu Cade iyo Kuxigeenkiisii Dr Ahmed Abdi Salaan Xaaji Aden oo si taariikhi ah loogu soo dhaweeyay dalka Norway.

 

tariikh1.jpg

The well reputed designers of the 'peace-caravan'. These men brought about a change where it was impossible but really necessary

 

Shir balaaran oo u dhacay si heer sare ah ayna ka soo qeyb galeen dhamaan Waxgaradka Aqoonyahanada iyo dhalainrada ku nool Magaalada Oslo iyo agagaarkeeda ayaa waxaa hadalo koob kooban ka jeediyey Mas'uuliyiin u dhalatay Dalkan Norway,Uqeysamaha waasrada arimaha dibada Mudane hans Jacob Axmed Walad Cabdalla Nuur Cadde iyo Axmed Cabdisalaan.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa iyaguna sidoo kale Fekradahooda halkaasi ka dhiibtay iyadoo su'aalo ku saabsan xaaladda Dalkana ay weydiinayeen Axmed Cabdi Salaan Nuur Cadde iyo Axmed Walad Cabdallaba.

ugu horeeyntii waxaa halkaasi hadalo soo dhaweyn ah ka jeediyey Mas'uuliyiintii Dowladda Norway ka socotay iyagoo cadeeyey in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliyeed ayna iyagu horay u saacideen saacidana Doonaan.

waxaa markaasi ka dib hadalkii qaatay Axmed Cabdisalaam oo marka hore Tacsi u jeediyey Marxuumiintii uu ka mid ahaa wasiirkii amniga qaranka Cumar Xaashi ee ku geeriyooday Qarax Ismiidaamin ah, isagoo qurba joogta Soomaalida ahna ugu baqay in ay Dowladda garab istaagaan si kuwa Noocaasi ah la isaga qabto.

Waxaa isna hadalo qiiro geliyey dadkii halkaasi soo xaadiray u jeediyey Nuur Cadde isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu Baaqay in ay is kaashadaan oo midoobaan hadii kale anan weligeed Dhibaatada laga baxeynin.

"Hadii aad adinka qurba joogga ah midoowdiin oo aad dalad keliya sameeysatiin waxaan hubaa in aad wax badan wadankii u tari doontiin oo aad sumcad iyo magacna ku yeelan doontiin meesha aad ku nooshaihiin ee Norway"ayuu yiri Nuur Cadde oo ku dheeraaday baraarujinta Reer Norway.

"Waad aragteen Izraa'iil meel walba oo aay caalamka ka joogaan waxay dhistaan Dallado waxay is qabsadaan gacmaha waxay dhex galaan dadka ay markaasi la nool yihiin iyagoo xilal sarena ka qabta meelahaasi, intaasi waxay u sameeynaan in ay wadankooda Caawiyaan ee wax kale ayuu sidoo kale yiri Nuur Cadde oo ay xamaasad wadaninimo ka muuqatay.waxaa sidoo kale la gudoonisayya bilado sharaf ugu danbeyntii waxaa loo mahad celiyay qabanqaabiyasha mudane yasiin fiidoow iyo Eg abaadir iyo waliba Gudoomiyha Kacdoonka oo kaalin weyn kaqaatay waxaa isku soo duba rididay wariye caanaboore.

 

tariikh.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. look at Walad's face he knows he lost. :D

 

Thanks you Nur Cade, Ahmed and Walid, you have finished of the Somali problem maurauding militias in the south.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Why are these men still together? What is their connection, I thought the peace brokerage and negotiations between the former TFG and Sheikh Shariif have long finished, why is this UN guy is still spotted around these who do not hold titles or any form of responsibility... One can imagine that they have always been uncover agents...

 

 

Any way, never mind, they have lost indeed! Let them enjoy receiving 'honours' from their confused supporters... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. Thanks to Walid, Nur & Ahmed. The myth of the "Mogadishu society" has burst. Sharif Ahmed the fake peace merchant is naked and shameless.

 

Jowhar fell, Beledweyne is burning, Mogadishu hundreds of thousands have fled, hundreds killed, thousands injured. and they get rewarded?

 

Amazing. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaan Saciid Cali Shire oo cambaareeyay xasuuqii shalay ay geysteen ciidamada Afrika

Posted to the MOL June 18, 2009, 3:13 pm

 

 

بِس ;ْم¡ 6; الل ;هِ الر ;َّ 1;ْم 14;نِ الر ;َّ 1;ِي 18;مِ الْ ;حَ  5;ْد 15; للّ ;هِ رَب ;ِّ الْ ;عَ 5;لَ 05;ِي 606;َ

 

 

وال ;صّ¡ 4;لا 77;ُ وال ;سّ¡ 4;لا 05;ُ عَل ;َى نَب ;ِي¡ 7;نا 18; مُح ;َم¡ 7;َد 13; وَآ ;لِ  7;ِ أجْ ;مَ 3;ِي 18;نَ.

 

Magacaygu waa Saciid Cali Shire, waxaan ahay qoraa, aqoon yahan iyo waxgarad Soomaaliyeed. Waxaan sidoo kale ahay xildhibaan ka tirsan dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

 

 

 

1. Ugu horayn waxaan tacsi u dirayaa, guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii dadkii xusuuqa naxariis darrada ah loogu geystey guryohooda, shalay oo taariikhdu ahayd 17 June 2009-ka. Waxaan tacsi middaas la mid ah u dirayaa dhammaan eheladii iyo qaraabadii dadka tacaddiyaadka loogu geystey Soomaaliya labaatankii sano ee la soo dhaafay. Tacaddiyadaas ha geysteen cadaw ajnabi ah oo aan shacabka Soomaaliyeed u naxayn ama doqon, cada-qaate ah, damiir xume ah, wax iskuma fale ah oo magic Soomaali nala sheeganaya.

 

 

2. Waxaan cambaaraynayaa dadkii geystey xusuuqii 17 Jun 2009 ka dhacay magaalada Muqdisho iyo kuwii ka horeeyey dhammaan. Waxaan leeyahay waxaad gasheen jariimo Eebe agtiisa ku weyn, caalamka agtiisa ku weyn, shacabka Soomaaliyeedna agtooda ku weyn. Jariimadaas iyo kuwa la midka ah ee aad gasheena noqon mayaan kuwo shacabka Soomaaliyeed ee biri-ma-geydada ahi hilmaamo.

 

 

3.
Waxaan eedayn iyo cambaarayn u soo jeedianayaa Weled Cabdala,
ergeyga gaarka ah ee Wakiilka Qaramada Midoobay. Walad Cabdlalla, waa waayeel aan qalbigiisu naxariis aqoon, waa waayeel aan damiir Islaanimo lahayn, waa waayeel aan wax xurmo ah u hayn shuruucda iyo cahdiyada u qoran hay’ada uu wakiilka uga yahay Soomaaliya. Haddaanan khaldanayn, laga soo bilaabo Diseember 2006, waa yartahay, ama maba jiraanba, in Weled Cabdala uu wax dareen ah ka muujiyey tacadiyaadka isugu jira dilka, kufsiga, bara kicinta iyo bur-burinta ciidammada cadawgu u geysteen shacabka Soomaaliyeed. Waxaa maanta bannaanka la soo dhigay in Weled Cabdalla uusan marna daacad ka ahayn arrimaha Soomaaliya. Waxa maanta qof kasta oo Soomaaliyeed ogyahay dunuubta Weled Cabdalla ka galay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale qof kasta sii oddorosi karaa dhagaraha Weled Cabdalla iyo caddawga insaaniyadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed. Weled waxaan leeyahay, dhiigga daahirka ah ee ku daadanaya dhulka daahirka ah, ilmada ka qubanaysa waayeelka iyo caruurta Soomaaliyeed, bur-burka iyo bara kicinta aad maryaha xariirta ah kor kaga hadoodilaysid, waqtigoodii waa dhammaaday, shacabkii iyo waxgaradkii Soomaalidu waa tooseen runtiina way arkeen. Maanta ma jirto, haba yaraatee,wax xushmad iyo wanaag ah oo shacabka Soomaaliyeed kuu hayo.
Weled, waxaan leeyahay waxaad tahay caddawga insaaniyada, haddii waqtigu nagu simana waxaan ku horkeeni doonaa maxkamad.

And the happless clan obbsessed give him awards :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this