Sign in to follow this  
MoonLight1

Calls for mass exodus of Somaliand diaspora.

Recommended Posts

Gudoomiyaha JSL ee Germany oo ugu Baaqey Jaaliyadda Somaliland iney sida ugu dhakhsaha badan uga soo baxaan Somaliland

 

Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Germany Mudane Mohamed Hussein Dhacsi oo xafiiskiisa Bayaan ka soo saarey, bayaankaasoo ugu baaqeyo Muwaadiniinta Germany ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee wakhtiga xaadirka ah ku sugan Somaliland iney sida ugu dhakhsaha badan uga soo baxaan Somaliland, isagoo uga cabsi-qaba dhibaatooyinkan isa soo taraya ee ay Xukuumadii ku soo daad gureysey Ciidamo aan amar kaqaadaneyn Madaxdii Somaliland ee uu Wadanku ku dhisnaa, Ciidamadaasoo amarka kaqaata uun Xukuumada Riyaale, una eeg iney Wadanka Xasilooni daro iyo Barakac u keeni karaan Todobaadyada soo socda siiba Xiliga loogu talo galey Doorashada iney qabsoonto ee laakiin xukuumadii ay ku kaliyeysatey, mucaaridkiina mawqif-adag uu ka taagan yihiin iney xukuumadu is casisho.

 

Gudoomiyaha wuxuu kaloo bayaankiisa ku sheegey inay waajib ku tahey inuu la hadlo Jaaliyadiisa Germany ayna masuuliyad ka saaran tahey Amaankooda, wuxuuna uga digey Xukuumada Somaliland iney faraheeda ku jirto Amaanka Somaliland wakhtigan xaadirka ah ama Todobaadyada soo socda iyo Wakhti walba, wixii wadanka ka dhacana ay ka masuul tahey taariikhdana ay qori doonto hadey si xun ku tagaan iyo hadey si wanaagsan ku tagaan xukuumada Somaliland.

 

Gudoomiyuhu wuxuu ku nuux-nuuxsadey in aa anay aheyn markii ugu horeysey ee ay ka hadlaan arrimaha Somaliland horeyna ay u soo saareyn sanadkii hore ee 12/04/08 baaqaasoo laga arinsanayey Marxaladihii cusbaa ee markaa dalka ku soo kordhey.

 

Dhinaca kale wuxuu Gudoomiyuhu ka hadley in ay Bulshada Soomaaliland kasoo gudubtey Marxalado ka adag kuwan maanta lagu jiro iyadoo kaga soo gudubtey Samir, Dulqaad iyo wakiilashada Eebe mana yeeli doonaan in ay Kursi jacayl iyo cid dan gaara wadata toona udayacaan Nabadgelyada qaaliga ah ee Dhiiga faraha badani u soo daatay, ogaada in mar walba aad marti ugu tihiin “Mucaarid iyo Muxaafidba” dadweynaha Somaliland Codkooda, rajadiinuna ku xidhantahay hadba sidii ay idiin qiimayaan.

 

Ugu dambayn waxaanu Bulsha weynta Somaliland meelkastoo ay joogaan usoo jeedinaynaa inay kafiirsadaan baaqyada Beelaysan ee beryahan dambe kusoo badanaya saaxada siyaasada iyo saxaafada Somaliland iyadoo kolba koox ama dad yar oo dano gaar ahi kulmiyeen ku afgobaadsadaan mawqif ay Beel heblaayo gaadhey, taasoo run ahaantii xaqiiqda ka fog maadaama koox yari aanay ku hadli karin magaca Beel dhan, arimaha noocaas oo kale ahna loo dhaafo dadka ay khusayso, sida Cuqaasha, Salaadiinta. etc sidii Dhaqanka iyo Caadada inoo ahayd ka Abna aynu kusoo caana maalnay.

 

Illahey Xukuumadeena iyo Mucaaridkaba ha garan siiyo sidii roon ee Ummada Somaliland u Roon.

 

 

dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

UDOOMIYAHA JAALIYADDA S/LAND EE GERMANY OO BEENIYEY WAR AY SOO DAABACEEN WEBSITEYADA QAARKOOD

 

 

Germany (Goljano) Mar aanu u kuur galnay Xaqiiqada ka jirta Wararka Sheegaya in Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Germany uu ugu Baaqay Muwaadiniinta Jarmalka ah ee dhalasho ahaan kasoo jeeda kuna sugan haatan Somaliland in ay Deg deg uga soo baxaan Dalka, Dibna ugu noqdaan Germany, isagoo ku sababeeyey Xagga amaanka oo sii wiiqmaya, ayaa waxaanu la xidhiidhnay isla Guddoomiyaha Jaaliyadda Mr Maxamed Xuseen Dhacsi oo wakhtigan xaadirka ah ku sugan Germany, Waxaanu Guddoomiyuhu issagoo arrintaasi ka hadlaya aadna u cadhaysan uu Shabakadda Wararka ee Goljano Media u Xaqiijiyey in Warkaasi uu yahay mid laga been abuuray, oo Sal iyo Raad toona aan lahayn. Issagoo noo caddeeyey in aanay jirin wax Bayaan ah oo kasoo baxay Jaaliyadda. Waxaanu Guddoomiyuhu uu kusoo koobay Burinta Warkaasi Warsaxaafadeedkan oo uu isla Caawa nasoo gaadhsiiyey, kaasoo u qornaa sidan:

 

 

Waxaa wax laga xishoodo ah in websiteka Gebilay.net noqodo mid dadka ugu kala adeega xumaanta oo lagu shaqeysto, Isagoo warka uu soo tabinayo loo soo dhiibay ee aanu eegin Milgihii Saxaafada ama halka uu ka keenay warka aan sal iyo raad dootana lahayn ee uu maanta oo ay taariikhdu tahay 2/09/09 oo yidhi Gudoomiyaha JSL ee Germany oo ugu Baaqey Jaaliyadda Somaliland iney sida ugu dhakhsaha badan uga soo baxaan Somaliland waxaan aad uga xunahay in website la soo adeegsaday waxaa soo qoro anagu waxaanu nahay jaaliyada shacabka somaliland oo dhan u adeegta xisbina ma taageerno siyaasadana kama hadalano

 

 

Hadaba waxaan dhamaan shacabka somaliland ee nabad jecel u sheegayaa inaan jirin wax bayaan ah oo ka soo baxay jaaliyada ee uu yahay been abuura ay niman dano kale leh u soo adeegsadeen websiteka gebilay.net.

 

Waxnaan websitekau sheegayna inay si degdeg jawaab uga bixiyaan halkay warka ka keeneen iyagoo ka gudbay milgihii saxaafada ee la adeegsaday waxnaan leeyahay nimanka gabanaya ee soo adeegsanaya inamada saxaafada inay iyagu is cadeeyan waxba yaanay gabanee waxnaan shacabka somaliland ugu hambaliyaynaynaa sidii nabad geliyada lahayd ee ay dareenkood u muujiyeen ee nabadood u ilaashadeen iyagoon hal askri dhagax ku tuurin waxnaan saddexda xisbi qaran u baaqayanaa inay muranka wada hadal ku dhameeyaan soona afjaraan khilaafadka dhexdood oo dalka badbadiyaan si ay doorasho xalaal oo xor ah inoogu dhacdo

 

waxaanu beeninaynaa,qoraal been fariina oo la soo galiyay web site Gebilay.net, waanu soo helnay ninka waxan ka danbeeyay,meesha uu joogo iyo lineka uu isticmaalayba, waxaananu la tiigsanaynaa, Maxkamed haday noqoto wadanka gudihiisa iyo Germany-ba.

 

 

Waxaanu uga digaynaa Websiteyada Somaliland inay iska hubiyaan waxyaabaha foosha xun ee ay soo qorayaan dadka xumaanta iyo khalkhalka jecel, markastana jecel inay dadka

sii kala fogeeyaan.

 

Guddoomiyaha Jaaliyada Germany

 

Mohamed Hussien Dhacsi

 

inadhacse@hotmail.co m

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this