Sign in to follow this  
General Duke

Happless Shariff: A balanced report

Recommended Posts

Shariif xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa lagu qiyaasi karaa Gudoomiyihii Baarlamaan ay abid yeelato Soomaaliya kii ugu liitay uguna karaamada daraa,ayna ugu wacan tahay aqoon la'aanta shaqsiyadeed ee isaga gaar ahaan u haysata isagoo aan kala garan karin waxa u dhaxeeya Qaran iyo Shaqsi.

..........................................................

 

Magaalo nabad ah ayaan ka soo degay, Waxaana halkaan ku sugnaa safarkaygii kal hore boqolaal maleeshiyo ah oo hubaysan (Shariif Xasan)

Posted to the Web May 16, 23:58

 

 

Muqdisho:-"Magaalo nabad ah ayaan ka soo degay, Waxaana halkaan ku sugnaa safarkaygii kal hore boqolaal maleeshiyo ah oo hubaysan ". Hadalkaas ayaa wuxuu ka soo yeeray Gudoomiyaha Barlaanka ee la dibin daabyeeyey bishii May 11keedii. Raysal Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan ayaa maalintii shalay ka degay Magaalada Muqdisho,halkaas oo aan loogu soo dhoweyn sidii safarkii kal hore oo kale .

 

Waxaa kaloo soo baxaya eedeymo rasmiya oo ku soo baxaya gudoomiyaha Baarlamaanka ee Soomaaliyeed, kadib markii aduunweynuhu ay kawar heleen xogaha rasimiga ah ee wadashaqeyneed ee ka dhaxeeya Gudoomihyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo qabqablayaasha ka soo horjeeda DFKS ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

 

Wadanka Soomaaliya ayaa ahaa wadan ay ka jirtay Dowlad la'aan 15kii sano ee u danbeeyey, kadib markii wadanka ay go'doomiyeen qab-qablayaasha ku sugan Magaalada Muqdisho.Labo sano shir nabadeed ka socday Caasimada Wadanka Kenya ee Nairobi, ayaa waxaa ka soo baxay dowlad lagu sheegay in lagu doortay nadaamka Dimoqraadiyada ah, halkaasna lagu doortay Hogaamiyihii hore ee Dowlad Goboleedka Puntland Col.C/llaahi Yuusuf Axmed, kadib markii uu kula tartamay Jagada Madaxweninimada Soomaaliya tiro 10 musharax kor u dhaaftay, kagana guulaystay codad aad u tiro badan wareegii ugu danbeeyey danjirihii ugu danbeeyey ee Soomaaliya u fadhiyey Wadankaasi maraykanka Mudane C/llahi Axmed Cadow.

 

Si kastaba ha'ahaatee waa dowlad dibad jooga welina aan ku dhiiranin inay si deg-dega ay uga howl gasho gudaha wadanka Soomaaliya, halkaas oo ay ku sugayaan malaayiin Soomaaliyeed oo u hamuun qaba inay hal mar arkaan dowlad Soomaaliyeed oo calankeedii dib u yagleesha, oo ay ku arkaan gudaha Wadanka Soomaaliya.Si kastaba ha'ahaatee waa dowlad ay fadhiid ka dhigeen qolooyin dan guud iyo mid gaaraba leh.

 

 

Waxaa dhinaca kale aad u xiiso badnaa kadib markii uu Shariifka Baarlamaanka Soomaaliyeed uu ka degay Magaalada Muqdisho ayna afkiisa ka soo baxeen hadalo ay kamid ahaayeen"Caasimada Muqdisho waxaa laga qabtay howlo muhiima, waana la'sugay amaankeedii oo dhan.Shariifka ayaa hadaladiisii waxaa kaloo mid ahaa " Waxaan Magaalada muqdisho aan ku imid safar Bishii Febraayo ee sanadkan waxaana iga yaabisay inay meesha ay ka maqan yihiin tiknikadii badnayd ee Safarkaygii hore la igu soo dhoweeyey ,maantana ay indhahaygu qabanaynin wax maleeshiyo ah oo aan hareerahayga joogin".

 

Waxaase soo baxaysa in hadalada Shariifka afkiisa ka soo baxaya aysan aheyn kuwo ishaysta oo xaqiiqda u dhow,laaiinse hadaladaasi ay yihiin hadalo la maqashiinayo Saxaafadaha madaxa banaan ee Dunida,oo runtu ay ka fogtahay waxyaalaha uu ka hadlayo Shariifku.Waxyaalaha kale ee aan la yaabay ayaa waxaa kamid ahaa,kadib markii aan raacay Shariifka iyo qab-qablaaashii ku weheliyey Safarkii uu ku tegay Laantabuur, meeshaas oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyo lagu qiyaasay tiradooda 350 halka ay ka joogaan xerada kale ee lagu magacaabo Hiilweyne maleeshiyaad kale oo iyagana ka kooban 300.

 

 

Maleeshiyaadkaas ayaa markaan u kuur-galay tiradooda guud ay noqdeen 650 iyagoo loogu sheekeeyey inay kamid noqon doonaan Ciidamadii qaranka Soomaaliyeed ,magaalada muqdishana ay maanta dhex ceegaagayaan Maleeshiyooyin 10.000 kun kor u dhaafay oo aan cidna ka amar qaadan,hadaba halada ka soo yeeraya Shariif xasanka Baarlamaanka ayaa laga garan karaa xaqiiqda rasmigga ah ee kadanbeysa hadaladiisa Runta iyo beentana uu kala qarinayo, dadka Muqdishose ay og yihiin xaqiiqda rasmiga ah ee kataagan Caasimada Muqdisho. Shariif xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa lagu qiyaasi karaa Gudoomiyihii Baarlamaan ay abid yeelato Soomaaliya kii ugu liitay uguna karaamada daraa,ayna ugu wacan tahay aqoon la'aanta shaqsiyadeed ee isaga gaar ahaan u haysata isagoo aan kala garan karin waxa u dhaxeeya Qaran iyo Shaqsi.

 

Si kastaba ha ahaatee waxa loo baahan yahay inaan ummada tusnaa ayaa waxay tahay in lagudbiyo aragtidda rasmiga ah ee ka dhaadhacsan Shariifka iyo Asxaabtiisa, iyagoo labo qodoba ku siraya shacab weynaha Soomaaliyeed, midka koowaad oo ah Inay Soomaalida dhexdeeda ay ku sii ragaadiyaan dhibaatadii horay u haysatay, iyagoo fiirinaya danahooda gaarka ah,iyo aduunweynaha diyaarka u ah inay taageeraan Dowlada Federaalka Soomaaliyeed in loo gudbiyo warbixino been ah si aan loogu deg degin in Soomaaliya ay ka dhalato dowlad qaran.

 

 

Iyadoo intaas oo hagardaamo iyo dhibaato ay jiraan ayaa hadana mar aan waraystay dadka uu dhuun daloola qab-qablayaasha muqdisho iyo shariifkuba waxa ay damacsan yihiin, ayaa dadka qaarkood ay ii shiigeen inay doonayaan inay ridaan Madaxda sare sare ee dowlada, qaarkoodna ay kubaadi joogaan sidii ay ugadi lahaayeen xildhibanada qaarkood si ay ugaaraan kooramka 138 xubnood ee laga doonayo tirada xubnaha Baarlamaanka.Inkastoo Aduunku uu qalinka ku duugay in waxyaalihii horay uu Baarlamaanku ka dooday ay noqdeen mid si jid ah lagu go'aamiyey,hadana waxaan lagaraneyn waxa ay raadinayaan Shariifka iyo kooxaha la siyaasada ah.

 

hadana waxaan weýdiiyey dadka qaarkood inay suura gal tahay in kooxahani ay ridi karaan Dowlada iyo in kale ?Jawaabtii la isiiyey ayaa noqotay waxaa laga soo qaadayaa hadaladii ay ku dhawaaqi jireen 14kii sano ee wadanku ku jiray baa'ba iyo dhibaatada, waxaana la ii sheegayaa buu yiri shaqsigaasi aan waraystay inay iyagii sii kala fogaanayaan oo Cusmaan Caatto oo kamida qab qablayaasha Muqdisho ugu awooda roon aan la ogeyn meel uu cirib iyo jaan dhigay iska daa inuu hubkiisa dhiibee.

 

Iyagoo shaqsiyaadkaasi hadaladoodii sii wata ayaa mid kamida yiri"Qabqablayaasha Muqdisho iyo kooxaha kale ee taageera waxay ku mashquulsan yhiin labo arrimood oo aan marnaba ka daacad aheyn, mida koowaad oo ah in Aduunweynaha ay maqashiiyaan hadalo been ah oo ay ku sheegayaan inay Caasimada Xamar ay nabadaynayaan iyo inay Jalaafo u dhigaan Dowlada Federaalka Soomaaliyeed iyagoo fiirinaya oo kaliya danahooda Gaarka ah.Arrimahaas oo dhan ayaa waxay noqonayaan mid siisa Madaxda sar sare ee DFKS kasbasho wanaagsan oo ay kaga helayaan shacabka Magaalada Muqdisho.

 

Shariifka ayaa ka dhoofay Garoonka Wilson Airport ee ku yaala Caasimada Nairobi,isaga beesha Caalamka u cadeeyey inuu Magaalada Muqdisho uu u tegayo howlo nabadeed.Waxaana Gudoomiyeha Baarlamaanka safarkiisa ku weheliyey 21 xubnood oo isagu ku jiro, aana loogu soo dhoweyn magaalada muqdisho sidii safarkii kal hore uu ku tegay Bishii Febraayo ee Sanadkan.

 

 

Puntlandpost, Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Dowladda Soomaaliya waxay u dhow dahay inay dhaqso u dhiciso – Robert Oakley

Dowladdii Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay inay dhaqso u dhiciso haddii ficil degdeg ah aan la qaadin, gaar ahaan dhinacyada maaliyadda iyo heerka ammaanka oo aysan si dhaqso leh ugu guurin gudaha Soomaaliya, sidoo kalena aysan xulan diblomaasiyiin dowladda ka gada adduunka, sidaa waxaa yiri Robert Oakley oo safiir ka ahaan jiray Soomaaliya mar uu tagay magaalada Nairobi.

 

Waxa uu qoray inay jiraan afar arrimood oo carqaladeynaya dowladda, kuwaasoo kala ah; waxtarmo la’aanta Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, wada shaqeyn la’aanta bulshada caalamka, gaar ahaan Mareykanka, Ingiriiska, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub, daacad-darro u dhexeysa dowladda iyo Golaha Wasiirada iyo xoog-shaqo oo aan xirfad iyo khibrad lahayn oo ka howlgala xafiiska Madaxweynaha.

 

Safiirku waxa uu farta ku fiiqay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu ay u haystaan inay yihiin awoodda ugu sarreysa awoodda dowladda, iyadoo runtu tahay buu yiri inay hilmaansan yihiin kuwii iyaga doortay. Waxa uu sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu dhegeysto raaciyeyaal qabiilkiisa Hawiyaha ah oo jooga xafiiskiisa, kuwaasoo intooda badan aan haysan buu yiri shuruudda shaqada looga baahan yahay.

 

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu ayuu carrabaabay inay qallafsan yihiin oo uu haysto wareer, laakiin ayuu yiri wareerkaasi qayb ahaan wuxuu ka imaanayaa iyaga laftooda, qayb kalena waxay ka imaanaysaa talo xun oo ah mid dhow oo qabiil riixayo.

 

Isagoo ka hadlaya xafiiska Madaxweynaha waxa uu tilmaamay in nin macallin ka ahaan jiray dugsi hoose uu hadda yahay ninka dejiya go’aannada xafiiska Madaxweynaha, waxaana uu xusay in sababta uu mudnaantaas ku helay ay tahay isagoo ka mid ahaan jiray jabhaddii SSDF, laakiin waxaa dad jabhadda ka tirsanaan jiray ay ii sheegeen ayuu yiri inuu jabhadda askari uun ka ahaa.

 

Waxaa dhacday ayuu yiri safiirku in dhowaan ballantii laga qalday ku xigeenka madax goboleedka Afrika ee Bankiga Adduunka. Culeys kale oo xafiiskaas ka jira ayuu sheegay inuu yahay iyadoon laga jawaabaynin telefoonnada ay soo diraan madaxda Kenyaanka iyo diblomaasiyiinta ajnabiga ah, taasoo ah buu yiri qalad u baahan sixitaan degdeg ah.

 

Safiirku waxaa kaloo uu soo hadal qaaday inuu jiray war sii xoojin kara khilaafka dowladda ka dhex jira oo ah in hay’adda horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP ay bixisay lacago la siiyey xildhibaannada jooga Nairobi iyo qabqableyaasha dagaalka si loo aado Muqdisho.

 

Mar uu ka hadlayey wada shaqeyn la’aanta bulshada caalamka, waxa uu sheegay in Masaarida iyo qaar ka mid ah xubnaha Jaamacadda Carabta ay sumcadda ka dilayaan IGAD oo ah kuwii qabanqaabiyey ee ka caawiyey shirkii nabadda inuu guul ku dhammeystirmo, loona helo xal Afrikaan mushkilad Afrikaan.

 

Waxa uu sheegay inuu jiro kala hadal iyo xiriir daacad ah oo aan ka dhex jirin Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada. Wasiirka Arrimaha Gobolka iyo Xiriirka ayaa kala hadlaayey Bankiga Adduunka arrimo ku saabsan deynta maaliyadda, iyadoo runtu tahay ayuu yiri in waajibkaas uu leeyahay Wasiirka Maaliyadda.

 

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Let's see.

 

Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa lagu qiyaasi karaa Madaxweynihii ay abid yeelato Soomaaliya kii ugu liitay uguna karaamada daraa, ayna ugu wacan tahay aqoon macangagnimada shaqsiyadeed ee isaga gaar ahaan u haysata isagoo aan kala garan karin waxa u dhaxeeya Qaran iyo Shaqsi.

 

Does this ring a bell? biggrin.gif

 

I don't like to defend anybody, certainly not the oft-tainted Soomaali "siyaasi" men. However sometimes the wild accusations that is thrown against some individuals are beyond reproachable.

 

Shariifka dadka geeskaas ku nabay, who made him stand as a bullied boy on sidelines and bed with other warlords is no other than dictator-minded Madaxweyne C/llaahi Yuusuf. He thought Shariifka could have been browbeatened, made unrequired submissive and finally leashed like Geedi, a kow-tow man to both Sanaawi Jr. (C/llaahi) and Sanaawi himself. It didn't happen.

 

It would have been great if C/llaahi Yuusuf stood on his own two feet, but alas he is on the verge of completely becoming irrelevant in Soomaali politics than a yes-man to Sanaawi. This is so unlike of him, Mudane C/llaahi Yuusuf. Tarnishing the little reputation and sumcad that is left of his old self, C/llaahi Yuusuf, not Shariifka, is becoming, to quote the honourable author of this piece:

 

"(Madaxweynihii) ay abid yeelato Soomaaliya kii ugu liitay uguna karaamada daraa (darnaa)."

 

I may not agree some Shariifka's policies, just I am against some of C/llaahi's; however we can't be blinded to support whatever the attentive ear of C/llaahi is whispered to, foremost being the contentious issue of bringing Amxaaro/Tigreey troops to what is left of Soomaali lands now. (They already have Soomaali Galbeed.)

 

No Soomaali nationalist's sound judgment would vainly support this, regardless how it is advertised, recycled and reproached. This is impossible to support, even to think about is xaaraan itself. In this issue, Shariifka is standing firmly on his two shoes, while our "president" C/llaahi isn't, while increasingly becoming a completely puppet. C/llaahi Yuusuf Axmed should stand up and stop being the oft-used Sanaawi's Soomaali hand and once say to his overlord: No!

 

I know he is capable of this, and I can bet his dying, decaying reputation would suddenly make a 180-degree u-turn under weary for government Soomaali eyes. I won't hold my breath over this, though.

__________________

 

PS, the guy who wrote this piece doesn't know much about the history of speaker of Soomaali parliament, from Jaamac C/llaahi Qaalib, the first, to Shariif Xasan. They all leaned on one side of the parliament, most of the time with the ruling government, which they themselves belonged to the ruling party. There was no such thing as impartial in brief of the Soomaali parliament speaker's history.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ MMA, you have a right to your opinion, some would argue that Sharif is a great man. However I would say he is a stooge, owned by Qaynyare, he has no real political will of his own. His masters are using him, however he is not able and can not use them. He has believed the hype of Mogadishu power, but does not see, that this power is not in the hands of his boss.

 

He has done a bad job, he is isolated and alone in Mogadishu with his 90 MP's oops, I mean 80 as some have defected since I last posted.

 

As for his intellect and education, was he not the man who swore himself into office rather than the President. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this