Sign in to follow this  
Suldaanka

Warbixin Miyiga Gobolka Togdheer

Recommended Posts

foosiyare

 

Burco(ONN) Daba yaaqadii bishii ina dhaaftay ayuu tafaritaha shabakada odwayne.com uu booqasho ku maray Deegaano ka tirsan golobka Daad madheedh ee ay caasimada u tahay Degmada Oodweyne , .. DAAWO SAWIRADANA

Burco(ONN) Daba yaaqadii bishii ina dhaaftay ayuu tafaritaha shabakada odwayne.com uu booqasho ku maray Deegaano ka tirsan golobka Daad madheedh ee ay caasimada u tahay Degmada Oodweyne ,

 

hadaba tafatiraha oo hada ku sugan magaalada Burco ayaa waxa uu ka diyaariyayay war bixintan : -

 

boq1.JPG

 

Casimada gobolka Daad madheedh ee Oodweyne ayaa waxa ay ku naalootaa dhul aad u baaxad weyne , dhulkaasi oo nin waayeel ahi ii sheegay in hadii lay is yidhaa soo mara ay qaadanayso 5 caana maal ,

 

ayaa maalinka mid ahayd dabayaaqadii bishii hore , waxa aan ka mid noq day wefti balaadhan oo ka socota xisbiga UDUB , oo safaro ku gaalaa bixinaayay dhulkaasi , inkasta oo aanan marin dhulka Oodweyne oo dhan hasa ahaatee waxa aanu marna ay oo qudhaa ta hal wado ,

 

maalin ka mid ah amaalmaha ayaa salaad hore waxa aanu ka baxnay magaalada Oodweyne , anaga oo u sii jeedna dhinaca xuduudka oo u jirta ilaa iyo 200 KM

 

boq2.JPG

 

waxana aanu isla markiiba galana tuulka beerato , oo ah tuulo aad u qurux badan , waxa aanu ku safaranay 8 gaadhi oo ah kolonyo xisbigu lahaa , aniga iyo sakaria cabdi sulub oo ah wariye ka tirsan Radio hargaisa ayaa waxa aanu saarnayan gaadhi yara oo ah SERUF

 

boq3.JPG

 

tuulada beerato markaanu galnay , ayaa waxa aanu qoorta kala soo wada dhacnaya daaqadaha gaadhi , waxana na soo jidanaayay bilicda beeraha ku yaala beerato iyo uduga dooga

 

tuulada beerato oo aanu ku sugnayn ilaa 20 minet waxa aanu ka haqab beelnay caano xoolaad oo u badan Geel , waxa xusid mudan jawaahir cismaan xaaji oo ka mid ahy dadka ku dhaqan beerato ayaa , waxa ay noo keentay anaga iyo sakariye caagada caano ah , jawaahir labadayada mid na ma garanayani hasa ahaate waxa ay na dareentay in aanu nahay safar

 

boq4.JPG

ka dib markaanu ka qaadanaya caanaha ayaa waxa anu is waydiinaya oo isku nidhi aniga iyo sakaria " waar miyaad garanaysaa inanta iyo maya "

 

boq5.JPG

jawaahir waa u mahada celinaya aniga iyo sakariye cabdi sulub , tuulada beerato waa ka baxnaya dhamaan rakaabkana waxa ay u sitee qof iyo caagada caano ah , waxa aaanu ku beeganaya xili barwaaqo ah oo dhamaanba xooluhu dhaleen

 

kolanyada baabuurta ayaa dhamaanba is eryaynayasay , waxana aan xasuusta in kolaba meel la istaagaayay oo la daawanaayay dhulka bilicdiisa oo ilaahay ku malaystay barwaaqo ,

boq6.JPG

 

waxana aanu galanay iyana tuulada Geel didiska oo ilaa 30 KM koonfur ka xigta tuulada beerato , waxa aanu iyana ku sunyay aim ilaa 15 minet , idhahayguna waxa ay qabanayeen dhul bilicsan iyo xoolo dhalay

 

tuulada geel didiska ayaa waxa aanu ka cabnaya shaah caano geel leh isla markiiba dadka tuulada dagani waxa ay noo keeneen caano xoolaad hasa ahaatee waa ka cudur daaranaya sabta oo an nin walbaa waxa uu sitaya caagada dhan kaligii

boq7.JPG

 

socdaal dheer ayaanu galnay gaadhiga aanu saaranahay waxa darewal ka ahaa nin la yidhaa Rashiid duraan oo ah nin reer Oodweyne ah , ah oo aad u dabeecada wanaagsan , waxana aanu galanay goor ilaa iyo 11"20 mine ah tulada Goroyo Ood , oo aad u bilic san ,

 

tuuladaasi waxa xiligaasi ku sugnaa dad aad u tiro badan , waxa aan ku arkaynay in ay dadkaasi u badan yihiin dad xoolo dhaqato ah , waxana aan dambacay in aan u kuur galo xaalada magaaladaasi gaar ahaan dhinaca arimaha bulshada ,

 

waxana aan ogaaday in aanay magaaladaasi lahay cispitaal yar iyo school toona , waxan aan waydiiyaay meesha u goob caafimaad ah gabada yara oo caruur ah , waxana ay iui sheegatay in la geeyo qofka xanuusada magaalada burco oo iylaa 120 KM u jirta

 

kamana muuqan waxa schoolaad ahi sadexda tuule ee anu soo dhaafnayaba marka laga reebo tuulada beerato oo uu ka muuqday school yari

 

tuulada goroyo ood oo aanu ku sunagay waxoogaa ayaa waxa aan kula kulmay dad aad u niyada san oo ay ka muuqado tamara aad u saraysa hasa ahaatee waxa alaga dareemayaa in dhulkaasi uu ka dayacan yahay dhanka arimaha bulshada

 

tuuladaasi waa ka baxnaya waxana aanu u safarana dhanka xuduudka oo noo ahaa bar tilmaameed gaar ahaan magaalada xaaji saalaxa , waxana aanu sii marnaya banka weyne ee caanka ah ee loo yaqaano Dul cad oo aan ku maqli jiraya sheekooyinka gaar ahaan kuwii SNM ta ,

 

gaadhigayaga waxa anu ku saaranaya , 4 nin maca adarwalka , waxana aanu sidanaa afar caagadood oo caano ah sakari cabdi sulub ayaa si waalan u cabay caanihii taasina waxa ay sabatay ain ay calooshu ku socoto sakarie

 

dhulka aanu maraynaya waxa uu ahaa dhul aad u qurux badana waxana wadad hareeraheeda aanu ku arkaynay , geel badan oo wata nirgo yar yar oo quurux badan ,

 

waxa kale oo aanu arkaynay reer guuraa ku jira guryo aad u qurux san oo ah guryahay ay dhaqanka somalidi caanka ku yahay ,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this