Sign in to follow this  
Jacaylbaro

HARGEISA AIRPORT PREPARED FOR NIGHT LANDINGS

Recommended Posts

Hargeysa(Qaran)- Wasiirka Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Cali Maxamed Waran-cade ayaa daboolka ka qaaday in horaanta bisha August ee fooda inagu soo haysa ay diyaaraduhu dulimaadyadooda u adeegsan karaan Habeenkii madaarka magaalada Hargaysa, waana markii ugu horaysay ee abid ay sidaasi dhacdo, madaarka oo ay soo maamuleen dawlada Ingriiska, oo dhistay iyadu xiligii ay wadanka gumaysan jirtay iyo xiliyadii kala danbeeyay ee dawladihii Somaliya ee lala midoobay 1960-kii kuwaasi oo ku guul daraystay in ay ka fuliyaan madaarka Hargaysa in la adeegsado ama ay diyaaraduhu soo caga dhigtaan xiliyada habaynkii, ayaa dawlada Somaliland ay hada ku guulaystay arintaasi, iyada oo la adeegsanaayo qalabyo casri ah iyo shaqaale aqoon u leh hawshani.

.

Wasiirka Duulista Hawadda Cali Waran-cade waxa uu maanta tafaasiil ka bixiyay qorshaha duulimaadyada diyaaradaha ee ay habeenkii soo kor-dhiyeen. isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi wasiirku

 

“Waxa aanu madaarka caasimada aanu u dhamays tirnay qorshe aanu ku galinay laydh suurta galin kara in diyaaraduhu Habeenkii iyo maalintii ay isku si ay u soo fadhiisan karaan madaarka Hargaysa, waxa aanu caawa iyo xalay bilawnay hawl aanu ku tijaabinayno laydhka Madaarka oo aanu galinay, dhammaan badka dhulka uu ku fadhiyo Madaarku” ayuu yidhi Cali Maxamed Waran-cade isaga oo ku sugan Madaarka dhexdiisa uu ugu waramayay warbaahinta. ayaa wasiirka duulista hawadu waxa uu aaminsan yahay in dulimaadyada habeenkii ay kor-dhin karaan xarakaadka adeegyada madaarka iyo guud ahaan ka caasimadaba

 

Dhanka kalena madaarka magaaladda Hargeysa oo xiligan aad loo adkeeyay amnigiisa waxa lagu rakibay kamarado loogu talo galay dhinaca nabad galyada iyo qalab kale oo loo adeegsado baadhista oo dhamaantood casri ah kuwaasi oo sheegaaya wax yaabaha ay sitaan dadka madaarka ka dhoofayaa ama ka soo degaaya.

 

Madaarka magaalada Hargeysa ayaa sanadkii ugu danbeeyey is-bedel baaxad leh lagu sameeyey bilicdii iyo nashqada xafiisyada kala duwan ee madaarka., sidoo kale wasaarda duulista iyo hawada ayaa isbadal ku samaysay madaarka magaalada Burco, iyada oo xiligana u kuurgalaysa sidii diyaardaha waawayn ee caalmku u adeegsan lahaayeen madaarka magaalada Berbera oo ah midka ugu dhabaha dheer garoomada ku yaala qaarada Afrika.

Share this post


Link to post
Share on other sites

In muddo ah waanu ka shaqeynaynay Madaarka Caasimada Hargeysa oo meel wanaagsan ayey noo mareysa oo hawlo badan ayaa ka socda waxaanuna jecelnahay inaan badankooda dhawaan soo gebagabeyno, sida tan Diyaaraduhu habeenkii ku soo dagayaan habeenkii Madaarka oo waxay ka bilaabmaysaa markay bishan July dhamaato oo kowda bisha August ee sanadkan 2007 laga soo degidoono, oo imika waxaanu wadnaa tijaabadiisii oo waanu tijaabinay.

HERE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this