Sign in to follow this  
General Duke

Somali National Forces closing noose on bandits gangs led by Abu Mansuur

Recommended Posts

Xudur: Dhaqdhaqaaqyo Milateri oo ka socda gobalka Bakool.

25. juli 2008

 

 

Xudur(AllPuntland)- Maamulka gobalka Bakool oo kaashanaya ciidamo xoog leh oo dhawaan gaaray halkaasi ayaa bilaabey dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ku aadan iska difaacida Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Saraakiil dagaal oo dhawaan ka soo laabatey dalka Itoobiya & Maamulka gobalkaasi oo xalay yeeshay kulan amaanka looga hadlayo ayaa soo saaray talaabooyin ay kaga hortagaan Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Afhayeen uhadlay Maamulka gobalka Bakool ayaa usheegay AllPuntland in ay diyaariyeen ciidamo xoog leh oo ay kaga hortagayaan dagaalo lugu soo qaado meelo ka mid ah Magaalada Xudur ,wuxuuna sheegay in ay hada diyaar yihiin inta badan ciidamadii dhawaan tababarada ku soo qaatey dalka Itoobiya ,kuwasoo dagaal culus la gali doono Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya.

 

Masuulkan oo magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdi Siciid ,wuxuu tilmaamay in ay heleen xog sheegaysa in ay meelo badan oo ka mid ah Agaaga dagaal ee Magaalada Xudur soo buux dhaafiyeen kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya,.

 

'Aniga Dawladda Soomaaliyeed ahaan waxaan ku dhaqaaqeynaa talaabo walba oo aan wax kaga qaban karo kooxaha naga soo horjeeda ,waxa ayna ciidamadeenu qaadayaan talaabo kasta oo lugu jabinayo awooda kooxahaasi' Ayuu yiri Masuulkan isagoo sidoo kale meesha ka saaray in ay ka baxaan magaalada sidii horey looga bartey.

 

Hanjabaadahan ka soo yeeraya Maamulka dawladda Soomaaliya ee gobalkaasi ayaa ka dambeeyey markii habeenkii xalay ahaa Magaalada Baydhabo ay ka baxeen Saraakiil & ciidamo xoog leh oo loo diray Magaalada Xudur.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabsi laga qabo dagaalo ka dhaca gobolka Bakool.

 

(Muqdisho,Jimco,25,Julaay,2008,(Hornafrik Media)

 

deegaano ka tirsan Gobolka Bakool ayaa waxa ka taagan cabsi laga qabo inuu dagaal ku dhexmaro Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah oo tababar ugu soo dhamaaday dalka Itoobiya iyo xoogaga ka soo horjeeda oo kusugan qeybo ka mid ah gobolkaasi.

 

Ciidamadaan oo dhamaantood Boolis ah islamarkaana noqonaya qeybtii labaad, Ciidamada Dowladda KMG ah ee lagu soo tababaray wadanka Itoobiya ayaa xalay soo gaaray meel 20KM u jirta degmada Waajid ee gobolka Bakool sida dadka deegaankaasi ay xaqiijiyeen.

 

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in Ciidamadaani ay lugeynayaan,iyagoo hareeraha ay ka socdaan gaadiidka dagaalka.

 

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda HornAfrik In ciidamada Booliska dowladda KMG ah oo aad u feejigan ay la socdaan koox Ciidamo Itoobiyaan ah oo iyana aad u hubeysan.

 

Waxa ay Ciidamadaani ka soo baxeen degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxayna ku soo jeedaan Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

 

Ciidamo ka tirsan Maamulka gobolkaasi oo ka amar qaata dowladda KMG ah ayaa iyana la sheegayaa inay dhaqdhaqaaqyo ka bilaabeen degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, inkastoo xaalada gobolka ay hada degan tahay.

 

Qeybtii hore ee Ciidamada lagu soo tababaray wadanka Itoobiya waxa ay soo gaareen labo maalin ka hor Magaalada Muqdisho,inkastoo intii wadada ay ku soo jireen ay la kulmeen weeraro culus oo kaga imaanayay xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda siyaasada dowladda KMG ah iyo Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this