Sign in to follow this  
Liqaye

Wadaado Hubeysan Oo Laga Codsaday Iney Hubkooda Wareejiyaan.

Recommended Posts

Liqaye   

HobyoNet Muqdisho.Khamiis,22-Jan-04.

 

 

 

Wararka naga soo gaarayaa magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in wasiirka difaaca ee maamulka Somaliland Mr. Ismaaciil Cumar Aadan (Bos) oo dhawaan gaaraya degaanka Yagoori oo ka tirsan gobolka Toghdeer ayaa kulan la yeeshay wadaado halkaasi degan oo ah kuwa loo yaqaano Rabiiciyada ama Timo kala baran kuwaasoo uu madax ka yahay Sheekh Maxamed Rabiic. Wadaadadan oo la sheegay iney aad u hubeysan yihiin ayaa waxaa la sheegay iney maamulka Daahir Riyaale wel-wel ka muujiyeen in haddii ay weerar ku qaadaan magaalada Laas Caano ay dhabar jebin uga imaan karto wadadaasi oo sida la sheegay aan ilaa hadda kooxna la safan balse ay u badan yihiin wadada dadka ka soo jeeda gobolka Sool. Waxaana la sheegay in wasiirka uu ka codsadeen maamulka wadaadaasi iney hubkooda waa-weyn ku soo wareejigaan maamulka Somaliland ama ay caddeyeen iney maamulkaasi taageersan yihiin kana qeyb qaataan abaabulka dagaal ee lagu soo celinaayo gobolada Sool & Sanaag Bari, wuxuuna wasiirka sheegay iney jiraan rag ku gabanaaya magaca diineed oo dhowaan yimid degaanka isla markaasna fal dhibaato ah ka fuliyay Somaliland, waxeyna labada dhinac ku balameen iney kulan kale yeeshaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this