Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

History: Somaliland Shame On You!

Recommended Posts

Fannaanniintii reer Waqooyi Hadday Saas yihiin maxaa ka Fileysaa Fuqahaadooda

 

By C/Waaxid Khaliif

 

Haddaan damacno inaan ka sheekeyno keydkii ay ka tageen hal-abuurrada ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya waxay qaadaneysaa tobonnaan sano haddeysanba qarniyo nagu qaadan. Xitaa magacyadooda keliya baa buug buuxinkara. Marka dhowr ka mid ah raggaas ayaan rabaa inaan xuso. Micnuhu maahan waa kuwii ugu badshay hal-abuurka ee keliya qalinkaa iiga dhacay.

 

Bal aan “Somaliland” ka dhigno Maandeeqdii gabadha ahayd. Ileyn hal geel ah iyo gabar la isma barbardhigikaree. Haddii Cabdi-Qeys uu gabadhiisii u dooray nin sifadan leh, yuu u doorilahaa inuu Somaliland hogaansho? Cabdi wuxuu yiri:

 

Ilaahay nin caasi ah yaanu cududda kuu gelin

Ilaahay mid cadho badan yaanu cidhifka kuu sudhin

midaan caashaq kuu noqon yaanu calaf ba kuu galin

noloshaadu caarcaar yaanay cidhib xumaan noqon

 

Sheekh Cali Warsame, madaxweynaha Somaliland iyo kan xukuma xisbiga UCID keed Somaliland u dhiibi lahayd?

 

ha la wariyo shiikh iyo wadaad waracadii diinta

culimadu warkay sheegi iyo waanadaa dhabahe

wacdi nooma laabna’e naftaa walaftay shaydaane

 

Allaahu Akbar! Yaa leh meerisyadaa kore? Waa gabyaagii caanka ahaa ee Salaan carrabey. Inkastoon Salaan ku baraney gabayo nooc kasta leh oo xitaa kuwo qabyaaladeed ku jiraan hadda wuxuu caddeynayaa in dadka ay fiicantahay in la maqlo markii runta loo dhaco ay yihiin culumada. Hadda, qofkii Hargeysa ama Burco ama Ceerigaabo jooga oo yiraahda culumada halaga dambeeyo waxaa dad badani oranayaan: wuxuu ku xiranyahay Midowga Maxkamadaha Xamar! Haddey saas tahay, haddee Salaan Carrabey Allaha u naxariistee wuxuu ku xirnaa maxkamadaha Xamar!

 

Maxaa daliil u ah inaan Salaan Carrabey aqoonsaneyn xuduudaha khiyaaliga ah ee gumeysigu sameeyey?

 

ma hambayne dunidii hantiyey, tan iyo Hiiraane

aduun baa hinaayiyo u jilan, haawis iyo ceebe

haadaa qabiilnimo *****, hibo Ilaah siiye

aniguna halkaad degi jirtaan, ka hawisaayaaye

 

Sidaad aragtaan, Salaan Carrabey wuxuu aamminsanaa inuu degayo meeshii awooddiisu gaarsiiyo ee uusan xeerineyn xariiqaha gumeysigu sameeyey.

 

Sidii Salaan Carrabey u lahaa hala maqlo culumada ayaa Hadraawina u leeyahay:

 

• Allahayoow nin daacada

• Allahayoow nin daallina

• deeqdaada ha u simin

 

Haddii Hadraawi gacanta talo ugu jirilahayd, wax ma u simi lahaa Sheekh Cali Warsame, Riyaale iyo Feysal Cali Waraabe?

 

Isla sidii Salaan Carrabeey ayaa Hadraawi u aamminsanaa in Soomaaliya oo dhan ay dhulkiisii tahay. Haddii taas la la’yahay, Hadraawi ma tirin lahaa heesta?

 

• Baladweyn Allahayoow ka dhig guri barwaaqo.

 

Soow Cabdi Gahayr maahan ninkii lahaa:

 

• magaalada Hargeysiyo Berbera moodka waxa geeya

• oo Adari Marseey ka dhigay muranku waa ceebe

• waa mici addoonloow ratiga muruqu weynaaday

 

Cabdi, sida Hargeysa u tahay magaaladiisii ayuu u arkayey in Hararna tahay magaaladiisii.

Hal-abuurradaas iyo fannaanniintaas waa wax qof kasta uu jecleysto iney qabiilkiisa yihiin. Bal ila arka Allaha u naxariistee Ibraahim Sheekh Saleebaan (Ibraahim-gadhle) oo Jibuuti ka halgamay. Wuxuu yiri:

• Ingiriis ragguu laayey baan, cidi ilaaweyne

• Axmad Guray unuunkay jareen, ehel ha waayaane

• Oomaarna waad wada ogtihiin, uubtii loo qodaye

• Sayidkii addoonsiga nebcaa, aakhiro u tabiye

• waa kuwii Cadhoolana ajalay, calankan awgiiye

• halyeygii Sheekh Bashiir bay dharaar, adhaxda gooyeene

• Maxamuud sidii loo arjumay, aamus laga qaadye

• Imaam Cusmaan baa ku maqan, ololeheeniiye

• ablay bay u quudheen nin ragi, kuma ataageene

Wuxuu sii yiri:

• Isticmaarku oodduu dhigiyo, qodaxdii waa taalle

• ma ilbixin kuwii aan lahaa, way ka aargudane

• Iglan baaba loo dhoofiyaa, weli addoontiiye

• iib baa Amriik loogu diray, odayo waaweyne

• Almaaniyana kolay tahay, nala asqaysiiye

• kol hadday abiid ii yihiin, oohintiyo ciilku

• uurkii islaantii maxaan, uga abuurmaayay?

• oofta iyo hooyaday maxay, adhaxda ii saartay?

• Allahayow awoowiyo muxuu, aabbe ii dhalayey?

Allahayoow awoowiyo muxuu aabbe ii dhalayey! Soow uma suubbato oraahdaas nin ay Xabashi Baydhabo iyo Gaalkacyo u joogto? Nin uu dhulkiisii xukumo (Somaliland iyo Puntland) Meles Zenawi? Nin madaxdiisii leeyihiin: Islaamkaa dhib ku ah Geeska Afrika?

Ka warran haddaan kuu raaciyo hal-abuurkii Barkhad Cas? Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud (Barkhad Cas) wuxuu yiri isagoo ka hadlaya Koonfurta Soomaaliya:

 

ninkaa fuushan faraska dheereeyow fiid weeyoo meel fog baan ku socdaa

colbaan filaya dhexda ii fadhiyee fac baynuu nehee fanka i saar!

 

Reer Waqooyiyoow, wuxuu Barkhad Sheegayey hadday Baydhabo iyo Gaalkacyo noo fadhiyaane, gacan ma na siineysaan? Barkhad Cas wuxuu sii yiri:

 

 

wax ii gooniyiyo guhaad ma qabee Somaalaa gidigeed isgaadaysoo

cadhadaan gubnahay waa gumaysiga agbaa gacalkay nakala gooyoo

gaaliyo nacab baa u geesa ahoo afgaranwaagu wa gumaysiga

 

Ma dad Xabashi u kala turjumeysaa is afgarankara? Wuxuu Barkhad sii yiri:

 

awoowgey ninkii indhaha tiray ninkii aabbahay addoonsaday

ninkii anigana i iibsaday ninkii ifka igu addoonsaday

itaal li’i baa ishaa i baddee haddaan ogohoon ka aarsankareyn

ninkaas araggiisa uurkaan ka nacee aan ooyee albaabka ii xira

 

Madaxda Soomaaliyeed iyo kuwa Somaliland waxay har iyo habeyn ku hayaan iyagoo Zenawi ka hadlaya:

 

ninkaas araggiisa uurkaan ka jeclee

aan aadnee albaabka noo fura

 

Markuu Barkhad suugaantaas tirinayey wuxuu hoosjoogay gumeysi. Sidoo kale Maxamed Nuur Laangarre wuxuu yiri mar Ingiriisku hadiyad siiyey si uu Jarmal u caayo:

 

mar haddaan gurigayga gidhligaanka gariiriyo

garnayl loola tagaynin Iglan baa gubanaysa

maxaa iiga gidhiisha? gudaha ceelka Hargeysa

weligay gees uma dhaafin bal maxaa laba gaal

oo abtirsiimo gudboon midkood aan u gumayn

midna guusha u siin? maxaa iiga gidhiisha

gudaha ceelka hargeysa waligay gees uma dhaafin

inta aan wax gasiintiyo intaan gaajo ku seexday

haddii aan isu geeyo mala waa isku gow e

mar haddaan ka gabyay oon go'iina ka qaatay

maxaa iiga gidhiisha?

 

Ilaahay ha u naxariisto Laangarre; muxuu oranlahaa hadduu maqli lahaa Feysal Cali Waraabe oo Meles Zenawi iyo aniga, Meles Zenawi jecel? Laangarre wuxuu simay Jarmal iyo Ingiriis halka Feysal uu wiilka Xamar jooga looga neceb badanyahay kan Addis Ababa jooga (mincnuhu waa wuxuu jecelyahay kan Itoobiya jooga). Saasooy tahay wuxuu rabaa inuu dadkii ay halgamayaashaasii ka soo jeedeen xukumo!

 

Ilaah baan ku dhaartee waxaad arkeysaa dad masaajid kaala soo baxay oo leh: Meles Zenawi baa ka fiican sheekh hebel! Qaarkood hadday rabaan waxay sheegtaan ducaad! Marka iyaga iyo M.N. Laangarre waxay kala qaadeen labo waddo. Ma Laangarre oo Ingiriis hoosjooga baa saas yiri? Oo maan aragno waxa Timo-cadde Allaha u naxariistee ka yiri Xabashi?

 

galool iyo maraa iyo hashaan kidiga geylaanshey

gaajiyo harraad badan hashaan ugu garaacaayay

goortuu sidkeedii go'ay galabtii foolqaaday

ayadoo candhada giijisay oo godol ku sii deysay

garaad midaan lahayn bay la tahay waad ka gaagixine

annagoo gantaalaha dhaciyo haysan qori gaaban

hashaan gaadda weynow libaax uga gaboon waayey

inaan Goroyo-cawl uga tagaa waa hal soo gudhaye.

 

Ka warran Zenawi oo raba inuu Soomaaliya qabsado innagoo heysana waxaad hub aragteen? Fiicnaan lahaydaa haddii Soomaali maqlilahayd C/hi Suldaan. Wuxuu mar kale yiri:

 

doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda

ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso

dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye

dubba madaxa wayskala dhacdaa daa'in abidkiise

goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye

ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene

dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede

dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye

darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e

nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye

dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

 

Ma u malayneysaa nin diiday Waxyiga inuu liibaanayo? Haddee ogaada, madaxda Soomaaliyeed waa diideen diintii Islaamka!

 

Yaan la ilaawin hal-abuurkii weynaa ee Qaasim Allaha u naxariistee markuu kulahaa gabaygii cirsan-ka-yeer:

 

• Caawaa la kala saarayaa caabud iyo gaale

 

Marka xisaabtankii waa ka biloowmay Soomaaliya. Sida muuqata culumadii iyo dagaaloogayaashi Xamar joogay waxaa fiicnaaday culumadii. Sidaas darteed dadkii Xamar joogay waxay qireen in dadka diinta yaqaan ay ka fiicanyihiin dabadeedna iyagey taageereen. Halka Somaliland iyo Puntland ay af ahaan taageereen culumada laakiin haddee af keliya kuma filna. Marka macquul maaha in la yiraahdo qolo kastaa gar bey leedahay.

 

Qaasim oo dhiman baa is lahaa Sayid Maxamed ugu bishaaree in gumeysigii soomaaliya ka baxay oo dowlad dhalatay. Waa isagii tirshay gabaygii ahaa:

 

• Allahahoow darwiishkii ayaa salaan dabacsan gaarsiiya

 

Laakiin nasiibdarro wuxuu Qaasim dhintay iyadoo Soomaaliya ay ku jirto Itoobiya, dadkiina noqday gobol gobol iyo qolo qolo. Marka, Ilaahay hortiis, ma garanayo wuxuu Sayidka ku yiri hadda ooy isku meel tageen! Inkaari haku dhacdo kuwii bishaarada Qaasim naga kala tuuray.

 

Hal-abuurradaas reer Waqooyigu waxay sheegeen waa wixii diinta iyo caqliga saliimka ahiba qabay. Marka dadka hal-abuurradoodii saas u hadlayaan maxaad ka filankartaa fuqahaadooda? Jawaabtu waa caddahay oo uma baahna in la xuso. Waxaan kheyr iyo sharaf Soomaaliyeed ahayna loogama fadhiyo. Marka dadka aan aqoon taariikhda iyo halgankii reer Waqooyiga waxaan talo ahaan idiin soo jeedinayaa ineydaan wax ka soo qaadin hadaaqa siyaasiyiinta qaarkood iyo dhallinyaro qurbaha ku dhalatay ama ku kortay. Marka maaddaama aysan culumada reer Waqooyigu xus nooga baahneyn waxaan maqaalka ku soo xirayaa erayadii hal-abuur C/hi Suldaan Timo-cadde Allaha u naxariistee oo na tusaaleynaya in Waqooyi iyo Koonfur ay hooyo wada dhashay lana rabo in qof kasta meesha kaga aaddan uu howsha ka bilaabo. Wuxuu yiri:

 

• habeen dhow wacane inaynu noqon waana la hubaaye

• wax badan baa hadba reer la miray heystay xoolaha'e

• wax badan baa hilaac lagu habqamay haadku gaylamaye

• wax badan baa hayaay iyo wareer laysla hoosgalaye

• laba hooyo wada foolatay oo hudantay waa ceebe

• halka nabada lama dhaawacee hadimadii daaya

• nin walbow wixii kugu habboon hoos u dhugo caawa.

 

Ilaahay hortii waxaa noo muuqata in culamada Somaliland iyo hal-abuurradaasi ay xagga diinta iyo waddanimada ay isku meel u jeedaan. Marka waxaa khaldan cidda ay Meles Zenawi iyo gumeystayaashii ay isku fikrad yihiin. Marka, qof walboow dooro ciddaad rabtid in berri Ilaahay kula soo jamciyo.

 

By C/Waaxid Khaliif

London, U.K.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by Alle-ubaahne:

 

Sheekh Cali Warsame, madaxweynaha Somaliland iyo kan xukuma xisbiga UCID keed Somaliland u dhiibi lahayd?

SHiekh Cali Warsame smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Very Funny indeed ,,,,,,,,,,,,,,,,,

 

Waxay ahaayeen rag ay soomalinimadu madax martay oo raba inay isu keenaan mid keliyana ka dhigaan ,,, waa run oo Timacadde, Barkhad cas, etc, dhamaantood riyadooda way ahayd waxay sheegeen laakiin ma og yihiin wixii dhacay ??

 

yaa u sheega in 5 tii soomaaliyeed ay 2 isu tagtay ,,, labadiina mid la burburiyay oo la laayay ,,,,, 3 da kele maxay soo dooni markaa ,,,

 

Miyay og yihiin inuu nin soomaaliyeed intuu madfac soo qaatay dad soomaaliyeed la dhacay magaalooyinka hargeisa iyo burco ,,

 

Miyay og yihiin inuu nin soomaliyeed intuu diyaarad soo kaxaystay uu caruurta iyo haweenka sida kaneecada u laynaayay ,,,

 

miyay og yihiin inuu ahaa nin soomaaliyeed kii aqoonyahanka, culimada iyo waxgaradka soomaaliyeed intuu soo ururiyo hadh cad banaan ku laynaayay ,,

 

Miyay og yihiin wixii ka dhacay xeebta liido iyo jasiira ee muqdisho iyo xabaalihii dadkii boqol boqolka loo laayay ,,,

 

Miyay og yihiin tuulooyinkii, magaalooyinkii iyo guryhii lagu gubay gobolada mudug iyadoo dadkii lahaa ay ku jiraan ,,,, miyaanuu nin soomaaliyeed ahayn ninkii samaynaayay ,,,,

 

yaa u sheega wixii xamar ka dhacay ,,, wixii hargeisa ka dhacay iyo bahalladii sidii waraabayaasha dadkooda u cunaayay ,,,,,

 

Hadii ay ogaan lahaayeen waxaas mabay tiriyeen gabayadan riyadooduna way burburi lahayd sida ay malaayiinka soomaaliyeed ee somaliland ku noolba ay u burburtay markii abaalkoodu uu noqday madfac iyo halaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this