Sign in to follow this  
Wiilo

Maxaakimta oo qoraal caddeynaya mowqifkooda u gudbiyay wafdigii xaqiiqo raadinta

Recommended Posts

Wiilo   

Maxaakimta oo qoraal caddeynaya mowqifkooda u gudbiyay wafdigii xaqiiqo raadinta

 

 

Julu 6, 2006 Markacadeey.

 

 

 

Golaha maxaakimta islaamiga Soomaaliyeed ee hormuudka ka ahaa kacdoonkii shacbi ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa u gudbiyay wafdigii xaqiiqo raadinta ee saakay soo gaaray magaalada Muqdisho warmurtiyeed ku qoran luqada English-ka, kaasi oo ka tarjumaya mowqifka maxaakimta islaamiga, kaasi oo ku wajahan wafuudii ka socotay midowga Africa, urur goboleedka IGAD, jaamacada carabta, midowga Yurub, iyo beesha caalamka.

 

Warmurtiyeedkaasi oo ka kooban laba bog ayaa lagu caddeeyay mowqifka maxaakimta islaamiga oo ayagu ah awood cusub oo ku soo biiray siyaasada Soomaaliya.

 

1) In maxaakimta islaamiga ay aaminsan yihiin xalka Soomaaliya in uu ku jiro wada xaajood, waxaana qoraalkaasi lagu sheegay in maxaakimta islaamiga ay sii wadayaan wada xaajoodka ay la bilaabeen dawladda, kaasi oo wareegiisa 2aad uu ka furmi doono magaalada Khurtum bartamaha bisha soo socota, ayada oo beesha caalamka looga digay in ay ku dhaqaqaan tallaabo kasto oo xagal daacin karta shirkaasi.

 

2) In dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo maxaakimta islaamiga ay ka siman yihiin diidmada ciidamo shisheeye ah in loo soo diro dalka Soomaaliya, dhibaatada Soomaaliya ka jirtana in ay tahay mid siyaasadeed oo aanan lagu xalin Karin awood milatari, ciidamo shisheeye oo la keeno dalka Soomaaliya waxa ay mijo xaabinayaan isbadalka wax ku oollka ah ee haatan ka jira dalka Soomaaliya.

 

3) In Ciidamada Ethiopia ay si deg deg ah uga baxaan dhulka Soomaaliya isla markaana ay joojiyaan xadgudubka ka dhanka ah sharafta, karaamada iyo qaranimada umadda Soomaaliyeed, falalka Ethiopian-ka uu ku kacayo waxa uu dhaawacaya dhex dhexaadnimada urur goboleedka IGAD.

 

4) In beesha caalamka ay sii wado la socoshada dhex dhexaadinta dawlada iyo maxaakimta islaamiga.

 

5) In wax laga xumaado ay ahayd go’aankii dawladad fedaraalka ay ku ansixisay keenista ciidmo shisheeye ah taasi oo xadgudub ku ah heshiiskii Khurtuum ku dhex maray dawladda iyo maxaakimta islaamiga, waxa ayna maxaakimta ku taliyeen in shirka Khurtuum looga hadlo arrinta ku saabsan ciidamo shisheeye ah in la keeno dalka Soomaaliya.

 

6) Waxaa naga go’an in nabadeynta Muqdisho, waxaan ka codsanaynaa beesha caalamka in ay taageeraan isla markaana ay xoojiyaan nabada iyo ammaanka Soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho.

 

7) In maxaakimta islaamiga aysan wax xiriir ah la lahayn ururada argagixisada, waxa ayna eedeymaha ceynkaasi ay ka dhigan yihiin meel ka dhac loo gaysanayo sumcada maxaakitma, waxa ayna maxaakimta islaamiga ku casuumayaan beesha caalamka in ay u soo dirsadaan magaalada Muqdisho guddi xaqiiqo raadin ah si uu kulamo uga la yeesho maxaakimta.

 

Ugu danbeyntii warmurtiyeedkaasi oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha golaha fulinta maxaakimta islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu sheegay in qorshaha maxaakimta uu ku dhisan yahay nabad iyo wada noolaasho dhex marta Soomaaliya iyo wadamada dariska la ah iyo kuwa caalamkaba sida uu dhigayo kitaabka Qur’aanka, kama na soo horjeedo danaha koox gaar ah ama dal gaar ah, waxaana ku boorinaynaa beesha caalamka in ay iska xooraan hadalada qaldan iyo shakiyada ay ka qabaan dalka Soomaaliya.

 

 

Maxamed Carab

Xafiiska Markcadeey ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay Safiirka Itoobiya u diideen in uu ka mid noqdo wafdigii Muqdisho tegay

 

 

sheik_sharif_ahmed.jpg

 

 

Khamiis, July 06, 2006(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo saxafiyiinta u waramayay kadib kulan ay maanta Muqdisho kula yeesheen wafdi xaqiiqo raadin ah oo ka socday AU, EU, IGAD iyo Jaamacadda Carabta ayaa si cad u sheegay in ay iyagu ka dambeeyeen in uusan Muqdisho imaanin Safiirka Itoobiya iyo xubnaha la socdo, isagoo carrabka ku dhuftay in ay arrintaas ku wargeliyeen hoggaanka Wafdiga Xaqiiqo raadinta oo Baydhabo kala soo xiriiray, kaasi oo ay u caddeeyeen in aysan la kulmi doonin haddii ay wafdiga la socdaan xubno Itoobiyaan ah.

 

“Waxaad ogsoon tihiin hubkii ugu badnaa ee dalkan ugu baabi'iyay iyadaa soo dhiibtay, haatan ciidamadeeda ayaa gudaha dalka soo galay, sidaas darteed suurtagal ma ahan in dad ka socda Itoobiya aan dalka ku soo dhaweyno, annaga ayaana u diidnay in uu Safiirka Itoobiya Muqdisho yimaadoâ€ayuu yiri Shiikh Shariif oo carrabka ku dhuftay in Itoobiya haddii ay diyaar u tahay ay la furanayaan bog cusub.

 

Xubno ka mid aha wafdiga oo wax laga weydiiyay sababta uu u soo raaci waayay Safiirka Itoobiya ayaan wax faah faahin ah bixin, iyagoo ku gaabsaday in ay la haboon tahay in arrintaas wax laga weydiinayo Dowladda Itoobiya.

 

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in ay wafdigii xaqiiqo raadinta ahaa ee ay la kulmeen ay u caddeeyeen in aaney Soomaaliya xiligan u baahneyn ciidamo shisheeye, "baahida keenista ciidamada shisheeye waxay ahayd mid loo baahnaa xiligii ay hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho dadka jujuubka ku heysteen, hayeeshee haatan baahidaas waa dhamaatay, mana doonayaan dadka Soomaaliyeed ciidamo shisheeye"ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in waxa ay Maxkamadaha Islaamka raadinayaan ay yihiin xal iyo in ay umadda Soomaaliyeed hesho midnimo, nabad iyo dowladnimo, sidaasi darteedna ay mudan yihiin in dadaalkoodaas garab lagu siiyo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this