Sign in to follow this  
General Duke

Qanyare + Sudi Yalaxoow : Welcoming AU troops : audio. BRAVE NEW WORLD

Recommended Posts

^^^The tone of the interview and the substance was different to what we expect, there was no ambiquaty or confusion..

 

Disarm us they all said..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Qanyare iyo Muuse Suudi oo ka hadlay ciidammad Uganda ee yimid Muqdisho

 

March 7 . 2007 Radiofreesomalia.com

 

Hoggaamiyeyaashii dagaalka ee Muqdisho oo wax ka soo dhaweeyay shalay ciidammada Nabad ilaalinta ah ee ka yimid dalka Uganda ayaa sheegay inay kala shaqeynayaan ciidammada Uganda nabad ku soo dabbaalidda Muqdisho.

 

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow oo hadal jeediyay ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu 16-sano ku jiray dhibaatooyin ay ka mid yihiin dagaallo sokeeye iyo barakac, wixii hadda ka dambeeyana uusan ku jirin, loona baahan yahay in lagala shaqeeyo ciidammada Dowladda Uganda sidii nabadda Muqdisho lagu soo celin lahaa.

 

“Dhibaatadii ka dhacday dalka Soomaaliya waxay ahayd mid wax laga qaban waayay, cid hadda imaanaysa oo Soomaali ah oo wax ka qaban kartana ma jirto, waxaana loo baahan yahay in lala shaqeey ciidammada ka socda Afrika” ayuu yiri Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow oo hadalladiisa ay ka muuqdeen caro weyn oo uu u qabo shacabka Soomaaliyeed oo 16-sano wax horumar ah ku tallaabsan waayay.

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo isaguna ka hadlay ciidammada Nabad ilaalinta ah ee la keenay Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo si nabad iyo kala dambeyn dalka loogu soo celiyo.

 

“Dalka Soomaaliya waxay dhibaato ka jirtay 16-sano mana dhacayso in intaan ka badan ay Soomaaliya ku jirto nabad darro iyo xasillooni la’aan, waana qasab in laga shaqeeyo nabadda dalka Sooomaaliya” ayuu yiri Maxamed Qanyare oo hadalkiisa ku daray: “Haddii aan annagu ahayn hoggaamiye kooxeedyo dagaalka huriya, maanta waxaan diyaar u nahay inaan nabadda afuufno oo aan ka dhigno dalka mid nabad ay ka jirto”.

 

Hoggaamiyeyaasha dagaalka ee shalay ka qaybgalay soo dhaweynta Ciidammada Uganda ayaa waxaa ka mid ahaa: Cabdi Nuurre Siyaad, Maxamed Dheere, Cabdi Qaybdiid, Muuse Suudi, Maxamed Qanyare iyo kuwo kale oo fara badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this