Sign in to follow this  
Che -Guevara

WAR DEG DEG AH : Maraykanka oo duqaynaya Baargaal

Recommended Posts

Baargaal:-Wararka ka imaanaya magaalada Baargaal ee Bariga fog ee gobolka bari ayaa sheegaya in magaaladaasi uu ay duqayn cirka ah ay ku socoto , ayna duqaynayaan Ciidanka Maraykanka.

 

Duqaynta oo sida la sheegayo ah mid xoogan ayaa waxaa ku geeriyooday dad aad u badan.

 

2-bari kahor ayay ahayd markii maamulka Puntland gaar ahaan Madaxda gobolka Bari ay sheegeen in alqaacidoo ajaaniib ay oo ka soo dagtay dhanka xeebta ku waa soo watay laasha ay galeen buuralayda deegaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal culus oo ka qarxay deegaanka Baar-gaal ee W/Somalia

Click here to find shabelle news in English

 

Boosaaso 01, June.07 ( Sh.M.Network) Deegaanka Baar-gaal ee W/bari Somalia ayaa lagu soo waramayaa in dagaal xoogan uu ku dhex marayo halkaasi ciidamada Puntland iyo kooxo la sheegay in ay isugu jiraan ajaanib iyo Somali oo dhowaan halkaasi ku tagay doonyo.

 

Iska horimaadkaan oo ka qarxay halkaasi abaarihii 4 tii galabnimo ee maanta ayaa la isku habeensaday sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka Baar-gaal.

 

Lama oga wali qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan oo ahaa mid aad u culus oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

 

Xiriir aanu la sameynay guddoomiyaha deegaanka Baar-gaal ayaysan inoo suurto galin in aynu helno.

 

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland, Cadde Muuse ayaa kal hore ku tilmaamay kooxaha ciidamadiisa ay isaga soo horjeedaan deegaanka Baar-gaal in ay yihiin ciidamadii maxkamadaha islaamka ee ka dagaalamayay koonfurta Somalia oo doomo ku yimid halkaasi.

 

Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli maalmihii la soo dhaafay dadka magaalada Boosaaso ay ka jiifan waayeen guuxa diyaarado dul heehaabay habeenkii hawada magaaladaasi, iyadoo wali aan la garaneyn waxa ay yihiin diyaaradahaasi, laakiin dadka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in ay yihiin kuwa soo kacay saldhigga Mareykanka ee xeebaha Jabuuti.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Sovereignty in peril! Interesting to see what Cadde Muuse will have to say about this breach of the territory he 'controls'. He was barking like a dog at the so-called 'terrorists' that landed on the shores of Puntland and was promising to expel them. I imagine he won't barking as loud at this grave breach of Puntland airspace by the U.S. military.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Sovereignty in peril! Interesting to see what Cadde Muuse will have to say about this breach of the territory he 'controls'. He was barking like a dog at the so-called 'terrorists' that landed on the shores of Puntland and was promising to expel them. I imagine he won't barking as loud at this grave breach of Puntland airspace by the U.S. military.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this