Sign in to follow this  
Land_Soldier

Somaliland Minister of Finance insulting Minister of Ports and Fisheries

Recommended Posts

Its been only 1 month that they started working and now already Mahamed Xashi is picking fights with another Minister.

 

 

Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Ku Sheegay Wasiirka Kaluumaysiga Khayraadka Badda Iyo Maamulka Dekedaha Inuu Meel Kale La Heysto

(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 01, 2010

 

Maxamed Xaashi Cilmi

Hargeysa(HWN) Wasiirka Maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababa keenay wakhtigan kor u kaca raashinka quutal daruuriga iyo hoos u dhaca lacagta Dolarka, isaga oo ku eedeeyey tijaarta Somaliland inaanay dawladnimada ogolayn,waxaanu yidhi “Laakiin tijaartu dawladnimadda ma ogola, mar haday madaxweynaha, haystaan cid kale waxba kama dhegaystaan oo kuwaasi waa nimanka dadka halkaa dhigay, ee hadba sicirkay doonaan wax ku iibinaya, taasi waa ta raashinka,”

 

Mar uu Wasiirku ka hadlayey sababaha wakhtigan keenay inay Lacagta Dolarka ahi hoos u dhacdo ayaa waxa uu yidhi “Xaga Dolarka hoos u dhaca ku yimi waxa sababay dhawr arimood oo is barkan, kuwaas oo kala ah, baanka oo aanay oolin shilin Soomaali uu suuqa ku sii daayaa iyo adhigii oo furan oo lacag Dolar ah lagu iibsanayo, oo sababtay in doolar badani suuqa soo galo iyo dadkii dibadda ka soo xagaa baxay oo iyaguna doolar sitay, laakiin waxay ahayd mar hadii doolarkii jabay in markii hore intii doolar ee uu siinayay uun ganacsatadu ku iibshaan raashinka, oo aanay Dolarkii Dolar kale ku sii darin, ilayn shaygu intii uu markii hore ku iibin jiray uun buu ku joogaaye. Laakiin waxa fursadaa siiyay ganacsatadda sharciyadii lagu xakamayn lahaa oo aan golaha wakiiladda ka soo bixin.”

 

Wasiirka Maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi waxa soo bandhigay wakhtigan qorshaha uu maagan yahay, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Imika qorshaha aanu wadno waxa ka mid ah inaanu cashuurtii beriga kor u soo qaadno oo aanu xafiisyadii samayno, markaa waxaan filayaa inay cashuurteenu aad u badan doonto, Cali Sanyarena maqaal uu qoray ayaan arkayoo horta kolay anagu dayn ka tagi mayno, waxaanan qabaa wax la’aani inama hayso, Ethiopia kalluunka ayeynu u iibgayn lahayn, milixda ayeynu u iibgayn lahayn, waxyaabo kale oo inaga dhexeeyana waynu ka qabsan lahayn, waayo xuduud ayeynu wada leenahay, markaa dhaqaalaheenu wuxuu ku xidhnaanayaa inta badan wadamada aynu jaarka nahay.”

 

“Dakhliyadii aan qasnada dawlada gali jirin ee dekedu ka mid ahayd ee ay TOTAL ka mid ahayd ee Al-Jaabiri ka mid ahaa wixii dawlada u qornaa waxaan idhi mid walba halagu soo shubo dakhliga dawlada. TOTAL todobaadkii hore waxa laga qaaday 131 kun oo doolar oo qasnadda dawladda ku dhacday, Al-Jaabiri inta xoolaha la saaray adhiga waxa saaran doolar iyo badh, hadaad maqasheen cashuur bay kordhiyeen, warbaahinta ayaa waxaa iska qor qortaye, badhkaas uun baanu ku darnay, lo’da iyo geelana min saddex doolar, waxa lagu shubi jiray Abu Dubai waxaan ku idhi halkan ayaad ku soo shubaysaan waxa qabta kastamka Berbera, markaa wixii aan dakhliga gali jirin dekada ayaanu isku hadhnay.”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi.

 

Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu ku eedeeyey ganacsatada Somaliland inay wax ka badan waxa loogu cashuuray ay raashinka saaraan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Dhinaca maciishada kacday waa bilaa xad, waayo ninka ganacsadaha ahi wixii uu ku keenay ee loogu cashuuray wax ka badan ayuu dadkii saarayaa, waxaan la hadlay wasiirka diinta waxaan ku idhi dadka ku wargeli inay bisha ramadaan dadka ka dhimaan sixirkan qaaliga ah. Laakiin tijaartu dawladnimadda ma ogola, mar haday madaxweynaha, haystaan cid kale waxba kama dhegaystaan oo kuwaasi waa nimanka dadka halkaa dhigay, ee hadba sicirkay doonaan wax ku iibinaya, taasi waa ta raashinka, xaga doolarka hoos u dhaca ku yimi waxa sababay dhawr arimood oo is barkan, kuwaas oo kala ah, Baanka oo aanay oolin shilin Soomaali uu suuqa ku sii daayaa iyo adhigii oo furan oo lacag doolar ah lagu iibsanayo, oo sababtay in doolar badani suuqa soo galo iyo dadkii dibadda ka soo xagaa baxay oo iyaguna doolar sitay, laakiin waxay ahayd mar hadii Dolarkii jabay in markii hore intii doolar ee uu siinayay uun ganacsatadu ku iibshaan raashinka, oo aanay doolarkii doolar kale ku sii darin, ilayn shaygu intii uu markii hore ku iibin jiray uun buu ku joogaaye. Laakiin waxa fursadaa siiyay ganacsatadda sharciyadii lagu xakamayn lahaa oo aan golaha wakiiladda ka soo bixin.”

 

Maxamed Xaashi waxa uu ku eedeeyey Wasiirka Dekedaha inuu meelo kale la heysyo, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Dekedana wasiirka cusub aragtidiisu meelo kale ayey ku xidhan tahay oo innala mid maaha ama waaqiciga ayuu ka yar fog yahay, waxaanse imika u kala saarnay wax dekeddu leedahay oo adeegyo ah iyo wax dawladda dhexe leedahay,”

 

Isaga oo hadalkiiisa sii watana waxa uu yidhi “Taas waxaan filayaa inaynu ka gudbayno oo ay noqon doonto cashuur go’an iyo dariiq la kala maro arrina way fiicnaan lahayd haddii la helayo

meelaha qaarkood waxa jira in ninka wasiirka ahi jecel yahay in qofka lacagta qaadayaa inuu meeshiisa ahaado, barigii aan ganacsiga joogay waxaan idhi liisamada la bixinayo halagu soo bixiyo baanka oo qofku waraaqda oo keliya ha soo qaato oo gacantan badan ee ay soo marayso laga joojiyo si dadkana ay ugu dhib yaraato. Laakiin wasiirada qaar baa iska jecel inay iyagu xisaabiye meesha ku lahaadaan, waa arrin u baahan in la xaliyo.”

 

 

“Anigu wasiirkii iga horeeyay ee aan xilka kala wareegay wuxuu ii soo gudbiyay dayn, tiro badan oo aanay cadayn sifaha lagu galay iyo waxa lagu qaatay, kolkaa Maxamed ahaan (Isaga wasiirka maaliyadda), anigu waan diiday inaan la wareego, dayn aan sifo sharci ah oo cadaynaya lahayn waxaanan codsaday in odhat la galiyo, oo hanti dhawrka qaranku cadeeyo, balse markii danbe gudi madax banaan ayaa loo saaray, guddidaasi xogtii ay ka keeneen iyo raad raacii ay soo sameeyeen way nagu soo celiyeen, anaguna cidii xaqa u lahayd in loo geeyo oo ay hawshooda ka qabsato ayaanu u gudbinay oo waxay taala imika guddidiinan joogtadda ee golaha waxaana haya gudoomiyaha guddida joogtadda ah ee golaha wakiiladda, waajib baana idinka saaran, inaad xogta gudidu soo gudbisay, eegtaan cidii danbi leh, ee sifo sharciga baal marsan wax u isticmaashayna, waa xil idin saaran inaad waajibkeeda marisaan. Sababtoo ah, hadaan qofka danbiilaha ah ee hore ciqaabtiisa la marin, ka danbana waxba laguma samayn karo, oo wuxuu odhanayaa kii hore ee reer hebelba waxba lagama qaadin ee ma anagaa la noo jeedaa, oo kolkaas ayuu jeebka kala soo baxayaa kaadh qabiil,” Sidaa waxa uu Wasiirka Maaliyaddu ku sheegay mar uu shalay hor tagay guddida joogtadda ah ee golaha wakiiladda Somaliland, kulankan wasiirku ku hor yimi gudidda joogtadda golaha ayaa ka danbaysay qoraal yeedhmo ah oo isla Guddidu hore wasiirka ugu direen, halkaasoo ay warbixin dheer kaga dhagaysteen, su’aalo badanna ku waydiiyeen Guddigu. Gudoomiyaha Gudidda joogtadda ah ee golaha wakiiladda Professor. Maxamed Barkhad Miigane ayaa wasiirka uga mahad celiyay sida wanaagsan

 

Mar uu Wasiirka Maaliyadu la hadlayey Golaha Wakiillada waxa uu yidhi “Waxa kale oo loo baahan yahay oo gole ahaan idiin yaala inaad samaysaan, sharciyadii lagu dhaqi lahaa baanka dhexe, waayo maba lihin baan dhexe oo inooma dhisna waa magac u yaal, waxaanan talo ku soo jeedinayaa imika nin cusub baa loo magacaabay baanka si masuulkaasi ula wareego wax uu garanayo waa in baadhitaan la galiyaa oo la ogaadaa, akoonadan madhan lacagtoodi meesha ay qabatay.”

 

Mustafe-Janaale

 

Hadhwanaagnews.com/Office

 

Hargeysa/Somaliland

 

Email:Janaale94@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think you should focus your anger to Maxamed Xaashi who insulted a collegue in the media.

 

Or are you one of those clan cheerleaders, who is supporting this mad men?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inadeero, ramadaantan waan ku waayay.

maad iga gaabsataa?

 

ilahay kheyr ha ku siyee, Iida sawiro wacan noo soo gali meeshan. siiba habliihii yar yaraa soo sawir.baryahanba waan ka soomanaa sawiradadii. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this