Sign in to follow this  
Maaddeey

Maxamed Dheere oo Qarax lala eegtay!

Recommended Posts

Maaddeey   

Muqdisho: (Sh. M. Network-12-05-2010) Sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Ilaalada Gudoomiyihii hore ee gobolka Banadir Maanta ayaa gaadiid uu la socday gudoomihii hore ee Gobolka Banaadir Max’ed Cumar Xabeeb waxaa lala eegtay qarax miino oo aad u xoogan xili uu marayay agagaarka Jirda Xuseen degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

 

Qaraxa lala beegsaday gaadiidka uu la socday Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere ayaa uu ahaa nuuca dhulka lagu aaso waxaana inta la ogyahay ku nafwaayay hal qof halka sedax kalana ay ku dhawacmeen kuwaasi oo dhamaantood ka tirsanaa Ciidamadii Ilaalinayay Maxamed Dheere.

 

 

 

Max’ed Dheere ayaa ka bad baaday qaraxa waxaana isagoo u waramay qaar ka mid ah warbaahinta uu sheegay in uu ka bad baaday qaraxaasi hase ahaatee ay qasaare ka soo gaartay askar ka tirsan ilaaladiisa.

 

 

 

Askarta qaraxa ku dhaawacantay ayaa loo qaday qeybo ka mid ah goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho si halkaasi loogu dabiibo caaladooda Caafimaad.

 

 

 

Majirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyada Qaraxaasi iyadoo aysan aheeyn markii ugu horeeysay ee qarax lala eegto Max’ed Cumar Xabeeb Max’e Dheere, waxaana qarax miino lala eegtay xiligii dalka ay joogeen ciidamada Ethiopia xiligaasi oo uu isagu ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this