Sign in to follow this  
Juje

Summoned To Addis

Recommended Posts

Juje   

Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya oo maanta u kala dhoofay Jabuuti iyo Itoobiya.

 

kaaa.JPG

 

Shabelle: MUQDISHO

 

Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho iyaga oo kusii jeeda dalka Itoobiya si loo xaliyo khilaaf soo kala dhex galay iyadoo sidoo kale wafdi kale oo ay kamid yihiin saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay maanta u ambabaxeen dalka Jabuuti.

 

 

 

Madaxda dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta barqanimadii waxa ay ka dhoofeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda Magaalada Addis Ababa ee Xarunta wadanka Itoobiya.

 

 

 

Safarka Madaxdan ayaa salka ku haya sidii dowladda Itoobiya ay isugu dayi laheyd inay ku qanciso labadani mas’uul inay dhameeyaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhaxeeya isla markaana aanay u horseedin in ay kudhacdo dowladda KMG ah Mashaqo siyaasadeed oo xilligani laga cabsi qabo in dowladda mashaqadaasi ay soo wajahdo haddi aanan lagu guuleysan in la xaliyo xaaladda xiisadeed ee labada mas’uul u dhaxeysa.

 

 

 

Wararku waxa ay sheegayaan in saraakiil sar sare oo katirsan dowladda Itoobiya ay labadan mas’uul ku casuumeen in ay tagaan Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya si ay dowladda Itoobiya ay dhex dhexad uga noqoto muranka labada mas’uul ee salka ku haya arrimaha awooda iyo muran dhinaca dastuurka ah oo labada dhinac u dhaxeeya.

 

 

 

Mas’uuliyiinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa kadhex taagnaa khilaaf xoogan oo saameyn kuyeeshay qeybaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana labada mas’uul sida ay siyaasadda u kala tageen oo kale iyana u kala tegay baarlamaanka Soomaaliya dhinaca araktida siyaasadda oo ku aadan arrimaha dib u heshiisiinta oo ah xilligani kan ugu dhaq dhaqaaqa badan ee hannaanka ay kushaqeyneyso dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

 

 

 

Dhinaca kale waxaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho wafdi kale oo uu hoggaaminayo ra’iisal wasaare kuxigeenka dowladda ahna wasiirka warfaafinta, dhalinyarada iyo Sportska Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo u kicitimay dhanka wadanka Jabuuti si ay uga qeybgalaan wareeg kale oo wada hadalo ah oo dhex mara dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Isbaheysiga Mucaaradka ah.

 

 

 

Wafdiga Ra’iisal wasaare kuxigeenka ayaa waxaa lasocday sida ay wararku sheegayaan qaar kamid ah talisyada Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu kujiro taliyaha Ciidamada Booliska Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Taliyaha Ciidamada Militariga Saciid Dheere iyo sidoo kale Taliyaha Ciidamada Asluubta C/llaahi Macallin Cali iyadoo aanan lasheegin in wafdigaasi uu raacay Taliyaha Ciidamada Nabad sugidda Jeneraal Maxamed Warsame darwiish oo maalmahani kusugnaa Magaalada Muqdisho kana mid ahaa saraakiishii isku dayay in ay xaliyaan khilaafka madaxda sare ee Dowladda Federaalka.

 

 

Macadda sababta xilligan sarakiisha sar sare ee dowladda loogu biiriyay wafdiga uga qeybgalaya dowlada wada hadalada iyo sida ladoonayo in la isku waafajiyo arrimahaasi, waxaana uu kusoo aadayaa xilli dagaalo fara badan ay ku furan yihiin Ciidamada ay hoggaamiyan ee dowladda Federaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Juje, do you have a ground to stand on, where are you coming from with this news, and who do you support, surely you are not Alshabaab, or are you? Few days ago you were publicly supporting Nuur Cade and even vowed to bet you money, and now you ridiculing him for being summoned to Adis, if he's a puppet and that naive then why do you support him? Doesn't that make you a hypocrite or so I assume...

 

I support the man and digust his actions is what you present here, you can't have it both ways... unless you are using him for a short time goal and mock or laugh at thim later the useful ******.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Emperor:

I support the man and digust his actions is what you present here, you can't have it both ways... unless you are using him for a short time goal and mock or laugh at thim later the useful ******.

Once again you dont suprise me with your sporadic burst of inuendo - what I presented in here is an article from Hiiraan.com and not that of my opinion.

Do I support Nuur Caade and his peace innitiative - Yes I do. But what are the odds of him standing against a veteran who exterminates his opponents, 7/1, and that is not good.

And for heaven sake how did you come up with this phrase :

unless you are using him for a short time goal

- what ever gave you that thought that I was using him puzzles me - but then again you are not famously known for making logical arguments, Emperor saxiib add some flavour in your life - cause everything is not black and white.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Adeer maxaadan fahmin, whats so complicated about my assertion, its very simple, you are Somali political analyst and perhaps with some political ambitions, with that in mind Siyasadu Sxb joogto ah maleh ee interest jogto ayay leedahay, once you acheive your goal or interest dee waa daaqada katuur, mase ma ahan siyaasadu sidaa jujow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this