Sign in to follow this  
General Duke

Francois Fall meets Puntland leaders

Recommended Posts

Francois Fall oo Puntland ku ammaanay nabadgelyo iyo horumar

 

 

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Somalia Mr. Francois Lonesy Fall ayaa dawlad goboleedka Puntland ku ammaanay xasilooni iyo horumar, waxana uu u soo jeediyey maamulayaasha Puntland in ay xoojiyaan arrimaha nabadgelyada iyo dhinacyada horumarka.

 

Francois Fall ayaa hadalkan jeediyey kahor inta aanu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Konoko ee duleedka magaalada Garoowe, kadib markii uu madaxtooyada magaalada Garoowe habeenkii xalay kulamo gaar ah kula yeeshay madaxweyne kuxigeenka Puntland, Xasan Daahir Maxamuud.

 

Puntland iyo wakiilka Qaramada Midoobey ayaa ka wada hadlay arrimaha gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn waxana uu maamulka Puntland ku tilmaamay wada hadalladaas kuwo la isku af gartay.

 

Mr Fall ayaa sheegay in Puntland iyo Qaramada Midoobey ay iska kaashan doonaan xasilinta koonfurta Soomaaliya, waxana uu sheegay in uu xafiis hoosaad ka furan doono magaalada Garoowe ee caasimadda ah.

 

Mr Fall ayaa maanta u dhoofay magaalada Hargeysa waxana garoonka Konoko ee Garoowe ku sii sagootiyey madaxweyne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Maxamuud.

 

Cabdinaasir Yaasiin

 

SBC Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this