Sign in to follow this  
Jabhad

Dagaalki Mogadishu oo iskiis u istaagay iyo waan waan socota.

Recommended Posts

Jabhad   

Galabta wax dagaal ah kama jirin deegaanka Sii Sii, waan waan ayaana socota

 

Jimco, May 12, 2006 (HOL): Waxaa galabta deganeyd xaaladda deeganadii ay maalmahan dagaallada ka socdeen ee Sii Sii, walow saakay uu dagaal xooggan dhexmaray dhinacyadii dagaalka uu u dhaxeeyay ee Isbaheysiga La dagaalanka Argagixisada iyo Midowga Maxkamadaha Islaamka.

 

Ma jirin cid kala dhex gashay oo joojisay dagaalka labada dhinac, hayeeshee waxaa loo qaatay in ay isku daaleen oo markaasina ay wax natiijo ah ka keeni waayeen dagaalkii lixda maalmood u dhaxeeyay, kaasi oo ay ku dhinteen dad aad u badan.

 

Waxaa ka socota Hotelka Bin Cali ee Degmada Yaaqshiid ku yaala waan waan ay wadaan Ganacsato iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha Mudullood, kuwaasi oo 5 maalmood kadib ku soo baxay dagaalka ka socda Deegaanka Sii Sii oo ah mid ay dad badan oo rayid ah wax ku noqdeen.

 

Ganacsatada iyo Waxgaradka ku soo baxay joojinta dagaalkan ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Maxamuud C/kariin Gabeyre, C/raxmaan Maxamuud Hilowle (C/raxmaan Showqi), Iimaan Maxamed Cali, Faarax Wehliye Caddow Sendiko, Cabdi Xasan Dhiblaawe (Cabdi Dheere), Muxyaddiin Xasan Afrax iyo waxgarad kale.

 

Shirka ka socda Hotelka Bin Cali ee ay isugu yimaadeen Waxgaradka iyo Ganacsatada Beesha Mudullood ayaa waxaa gunaanadkiisii lagu magacaabay Guddi deg deg ugu howlgala joojinta dagaalka socda, kaasi oo xiriir la sameyn doona dhinaca dagaalamaya.

 

Dagaalka lixda maalmood ka socday Magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Sii Sii ayaa wuxuu sababay khasaare lixaad leh oo soo gaaray dadka rayidka ah, kuwaasi oo ay guryahooda ugu tagtay rasaas yar yar iyo waa weyn isugu jirta oo habow ah, waxaana kaliya Isbitaallada Keysaney iyo Madiina dhaawac ahaan loo geeyay 268 qofood (Madiino 102 qofood oo dhaawac ah ayaa la geeyay, halka Keysaneyna la dhigay 166 qofood oo dhaawac ah).

 

Ka sokow dhimashada iyo dhaawaca uu geystay dagaalka Sii Sii ka dhacay waxaa uu sababay barakac ku dhacay dad ku sugnaa halka dagaalka ka socday iyo kuwo kale oo ku noolaa deegaano fog, waxayna dadkaasi u qaxeen gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe oo la deris ah Gobolka Banaadir.

 

Waxyaabaha cajiibka ah ee dagaalka Sii Sii uu kaga duwanaa dagaalladii hore u dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa ka mid ah iyadoo ay dhinacyada is-haya u kala qeybsadeen dagaalka maalin iyo habeen (Koox habeenkii ay wax weerartaa, kooxda kalena maalintii), taasina waxay dadka deegaanka lagu dagaalamayo u diiday in ay salkooda dhulka dhigaan waayo habeen iyo maalinba waxaa ku socota rasaas aan loo meel dayin oo la iska ridayo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dagaalka Sii Sii oo xiligan ku jira xabad joojin iskiis ah ayay dad badan rajo ka muujinayaan in ay hakiyaan Waxgaradka iyo ganacsatada maanta shirka ku yeeshay Hotelka Bin Cali, walow aan la oran karin waxay soo af-jarayaan xiisadda u dhaxeysa labada Isbaheysi oo horay ugu dagaalamay Nawaaxiga Kulliyaddii Jaalle Siyaad iyo Deegaanka Galgalato oo Muqdisho duleedkeeda ah.

 

www.hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this