Sign in to follow this  
Xudeedi

PIS Dirty Schemes Exposed Part 3

Recommended Posts

Xudeedi   

Sida aan dhawaan Baahinay anaga oo Maqaalo is daba Joog ah ka qoray Laanta Asha’haado la Dirarka loo Yaqaan ama PIS- Puntland Intelgenty Service, anaga oo Tix Raacayna Maqaaladayadi Hore oo aanu Waraysi kala duwan Kula Yeelanay Rag u dhuun daloola arimaha Laantaasi, iyo kuwa ay xidheen ama ay u Caga Jugleeyeen ayaan Maqaalkan Sadexaad ku eegaynaa, dadka ka Mid ahaa Laantaasi ee ka Toobad Keenay oo ay Dileen iyo Qorshaha dilkaasi Loo Fuliyo.

 

Rag Bud dhigayaasha u ah Laantaasi Gobolka Bari ee PISta waxa ka mid ah C/Saaq Aroole iyo Bashiir Siciid Aadan oo Loo Yaqaan [Dooli], kuwaasi oo ah Madaxa Danbi Baadhayaasha ee Asha’haada la dirirka, dadka Markaa Xooraansato waxay kuu sheegayaan inay Ragaasi ka mid Yihiin kuwa Qasaya oo Lugta Kuwa Walaaqaya Dhibaatada Puntland Gaar ahaan Bari, Kuwa Dabada ka Riixaya Faroole ee leh Weerar GalGala, ee leh Shinbiro iyo Laag ayaa Al-Qaacido Joogtaa.

 

Waxaanu Helay Liiska Ragii Saraakiisha ahaa ee ka Mid ahaa Laantaasi hase ahaatee markii danbe Go’aan ka qaatay inay Ku Sii Jiiraan PISta kuwaasi oo Habeen Madow la dilay Halka qaarkood aan ilaa hada loo Hayna Raad Cad oo Muujinaya Cida ka Danabysa Dilkaasi, Inta badan dada la dilo ee PISta Horay uga Baxay waxa lagu dilaa Masaajidada Hortooda kuwaasi oo iyaga oo Salaad ku Socda ama ka Soo Baxay la Dilo.

1-Jaamac Ali Siibato, waxa uu ahaa Sarkaal Sare oo ka Tirsan Laantaasi waxan uu ahaa Nin aan inta badan Isha dadku qaban oo aan la Aqoonayn inuu Ka Mid ahaa Laakiisi Si Hoose oo uu Laantaasi uga Guuray Ayuu hawlo Ganacsi u aaday Yeman Soo Laabadkiisii ayaa la dilay Isaga oo Xaafadiisa ku Socda Xili habeen ah Lamana Yaqaan Ilaa Wakhtigan Cid dishay.

 

Goobaha Caafimaadka Marka la geeyo inta badan dadka loo Xaglinayo inay Dileen waxa lagu Gartaa Madaxa ama Wadnaha ayay Qofkaasi Xabad Kaga dhuftaan Si aan Nolol Danbe Loogu Helin Dilkaa Jaamac Siibato wuxuu dhacay Badhtamihii Sanadkii 2009-

2-C/Qaadir Cali Yuusuf isna waxa la Qeexay in la dilay ka dib markii uu sheegay oo ehelkiisa iyo Madaxada Laantaasi u sheegay inaanu Shaqadaasi kusii Jirtayn isaga Waxa dilay Laba Ruux oo Madaxa Soo Tuubtay Kuwaasi oo aan Meel ay Ka soo duuleen iyo Raadkooda.

 

3- Jaamac Yare, Kahliif Fara Gaab, Siciid Heerya Cuni, iyo Mahad Cartan Ismaciil oo ahaa Ninkii Igu danbeeyay ee lagu dilo Bosaaso Kuwa la xidhiidha Falalka PISta ayaa iyana ka mid ah kuwa aan Dilalkoodu cadayn ilaa Saacadan oo aan la aqoon Sumada dadka dilay dhamaan dadka aan sheegany Isku Si ayaa loo dilaa sida in Madaxa Laga Toogto, inay xabadu ahayd Paastoolada iyo inay isku Raacaan Laba Ruux oo Madaxa Duuban.

Sirdoonka Puntland markay Baadhitaanada Noocaasi oo kale ah Samaynayaan inay Saxaafada markaba u Yeedhaan isaga oo aan xitaa Maydkii la Duugin ayay ku Tilmaamaan inay Dilalka Nocaasi oo kale ah Maleegeen Kooxaha Islaamiyiinta ah ama Al-Shabab oo ah Hadalka Ugu badna ee ay Isticmaalaan Saraakiisha Amaanka PL.

 

Dadku waxay aad isu Waydiiyaan Hadii Kooxaha Islaamiyiiintu ay Dilayaan Ruux Laantaasi Aan sheegnay ka mid ah Maxaa loo dilaa inta badan Markay ka Baxan ilaa Toobada Ilaahay Waa Furan tahay Teeda kale Nin Islaam ah oo Asha’Haadanayaan Niyadiisu ma Siiso inuu Ruux la mid ah oo Masaajid ka soo baxay Dilo, Waa iska Cadahay Dilalka Noocaasi oo ah Dhan wa Fuliya PISta oo Doonaysa inaanu Marka Ruuxaasi Shaqada iska Casilo Dhiibin Xog ama Macluumaad dheeraad ah oo ku Saabsan Siraha Hoose ee laantaasi.

Dhawaan ayaa Faroole Idaacadaha ka sheegay in Dilalka Bosaaso ka dhaca ay Gaystaan Kooxo uu ku sheegay inay Diidanyihiin Nabada PL isaga oo soo qaatay Sheekh Atam oo Ilaashada Khayraadka deegaanka kuwaasi oo Shirkado Budhcad ah ay doonayaan inay Gurtaan — Laakiin waxa iska Cadaatay in Dilalka Qorshayna ee Masuuliyiinta Dawlada ay Fuliyaan ama ka Danbeeyaan kuwa iyana Shaati Maamul gasna sida PISta.

 

Akhir Maqaaladii Hore [Riix Halkan]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this