Sign in to follow this  
Maaddeey

Xizbul Islaam oo Cadaado gaaray

Recommended Posts

Maaddeey   

Cutubyo katirsan Ciidamada Xisbul Islaam ayaa Goordhaw gaaray degmada Cadaado gobalka G/gaduud bartamaha dalka Somaliya oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka jireen dhaq dhaqaaqyo ciidan.

 

 

 

 

 

 

War goordhaw nasoo gaaray ayaa xaqiijinaya in Ciidamo katirsan Ururka Xisbul Islaam oo ku hubaysan gaadiid dagaal ay ka gudbeen degmada Cadaado iyagoona gaaaray deegaanka Baxda oo Xarardheere ku dhaw.

 

 

Mid kamida Oday dhaqameedyada magaalada Cadaado ayaa Goordhaw SomaliMemo u xaqiijiyay in Cadaado ay gaareen saraakiil iyo ciidamo Xisbul Islaam balse ay ka gudbeen magaalada.

 

 

Saraakiisha Ciidanka Xisbul ayaa shacabka Cadaado u sheegay in aysan duulaan ku ahayn magaaladooda islamarkaan ay shareecada Islaamka ku dhaqi doonaan Cadaado ilaa iyo Xarardheere.

 

 

Ciidankan maanta cadaado iyo Baxdo gaaray ayaa ku hubaysan ku dhawaad 20 gaadiidka dagaalka ah iyo gaadiid xamuul Rasaas sida waxayna ciidankan ku wajahanyihiin magaalada Xarardheere gobalka Mudug.

 

 

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in Ciidamadan Xisbul Islaam katirsan ay kasoo amba bexeen degmada Ceelbuur, lama oga sababta ay Xisbul Islaam u aadeen deegaano aanay cadaw joogin xilli Dhuusamareeb iyo Guriceel ay weli ku suganyihiin dad cadaw ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this