Sign in to follow this  
Jabhad

Kidnaped 14 years old kid freed by the Islamic Courts in Mogadishu. Very good news.

Recommended Posts

Jabhad   

Sii deynta wiilka yar ee Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud ee afduubka loo heystay waxaa gacan ka geystay Maxkamada Islaamiga ee Siinaay iyo waxgarad kale oo kudhaqan deegaanadaasi.

 

Cunuga.gif

April 16, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Sii deynta wiilka yar ee la yiraahdo Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud ee afduubka loo heystay waxaa gacan ka geystay Maxkamada Islaamiga ee Siinaay iyo waxgarad kale oo kudhaqan deegaanadaasi.

 

Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed oo isagu ah ardey 13 jir ah oo wax ka barta dugsiga Fatxu-Raxmaan ee magaalada Muqdisho isla markaana muddo 4 maalmood ah afduub loogu heystay magaalada Muqdisho meelo kamid ah ayaa sii deysmadiisa iyo dibu soo celinta xoriyada shaqsi ahaaneed waxaa ka qeyb qaatey qeybo kamid ah hawl wadeenada Maxkamada Islaamiga ee Siinaay iyo waxgarad kale oo iyagu sheegay in arrintan daba gal keeda si weyn isugu xilsaareen.

 

Iyadoo xogtii ugu horeysayna ee kuaadan goobihii lagu hayeyna ay heleen shaley 04:00 galabnimo ciidamada maxkamada Siinaay, kuwaasoo ka war heley in guri ku yaala agagaarka dugsiga sare ee 15 May lagu hayey muddo laba casha ah.

 

Halkaas ayaa ciidamada Maxkamada Siinaay weerar ku qaadeen isla markaana ay gacnata ku dhigeen milkiilihii iska lahaa guriga ardeygaasi afduubka loogu heystay, kaasoo isna ku andacooday inaanu waxba kala socon afduubka wiilka, balse sheegay in dadkii wiilka gurigiisa keenay ay macaariif ahaayeen oo ay ugu sheekeeyeen inuu yahay wiil safar loo wado, sida uu ku waramayo taliye xigeenka ciidamada maxkamada Siinaay Maxamed Maxamuud Xasan “Ceyroowâ€

 

Daqiiqado kadib hadalka Ceyroow ayaa waxaa suura gashey in la helo goobta dhabta ah ee lagu hayo Cabdiraxmaan oo ah ardeyga afduubka loo heystay, iyadoo maamulaha dugsiga uu ardeygaasi dhiganayey ee Fatxu Raxmaana uu qeexay in sii deysmadiisa ay fududeeyeen waxgarad kasoo jeeda deegaanada lagu hayey, kuwaasoo xusey inuu gadaal kasoo sheegi doono arrimahooda iyo magacyadooda, iyo sidii ay uga qeyb qaateen sii daysmada ardeygaasi.

 

Hase ahaatee ayeeyada dhashey inankaasi Cabdiraxmaan oo lagu magacaabo Khadiijo Sayid Ibraahim ayaa ka warbixineysa dareen keeda kadib markii inanka ayeeyada u tahay lasii daayey, iyadoo sheegtay iney aad iyo aad u farax sanahay una mahad celineyso dad iyo maxkamadihii ka qeyb qaatey soo sii daysmadiisa.

Sidoo kale aabaha dhaley Cabdiraxmaan oo lagu magacaabo Maxamuud oo isaguna kusugan magaalada Baydhabo ayaa ka hadley dareen kiisa, waxaana uu sheegay inuu aad ugu mahad celinayo dhamaan qeybihii kala duwanaa ee bulsahda, iyo waxgaradkii kale ee gacan ka geystay sii deysmada wiilkiisa, kaasoo uu sheegay inanau awoodi laheyn lacagta ay afduubayaashu ku xireen sii daysmadiisa.

 

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud oo isagu kamid ah ardeyda wax ka dhigata dugsiga Fatxu Raxmaan ee magaalada Muqdisho oo muddo afar casha ah kooxo hubeysan ay afduub u heysteen ayaa waxaa falka lagula kacey ka xumaadey qeybaha kala duwan ee ururada bulshada rayidka, iyo ardeyda midowga Soomaaliyeed iyagoo banaanbax ku aadan qaabkii loo sii deyn lahaana ay ardeydu ka dhigeen magaalada Muqdisho, waxaana waxgaradku ay aad uga gilgisheen dhibaatada foosha xun ee lagula kacey inaan kaasi ardeyga ah ee isagu aan waxba galabsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this