Sign in to follow this  
OLOL

A rift between Aideed Jr and Ghedi

Recommended Posts

OLOL   

http://www.midnimo.com/Julay/31_07_prof_geeddi_oo_ku_xigeenkiisa_oo_ku_kal_aragtid_duwan_dib_u_heshiinta.htm

 

Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo mid ka mid ah kuxigeennadiisa oo ku kala aragti duwanaanaday Qaabka loo marayo Dib u heshiisiinta.

 

Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo mid ka mid ah kuxigeennadiisa ayaa ku kala aragti duwanaaday arrimaha dib u heshiisiinta ee dalka Soomaaliya, iyadoo Labadaas nin si kala gooni gooni ah uga hadlay dib u heshiisiinta.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka ahna kuxigeenka Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in dib u heshiisiinta ay tahay mid ka mid ah qodabadii dhawaan ka soo baxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo amray in dowladda ka shaqeyso dib u heshiisiin guud iyo mid gaar intaba.

 

Ra’iisal Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in dib u heshiisiin dhamaatay haatana dowladiisu ku gudi jirto dhismaha iyo howlaha laga qabanayo, sida Maamulada Guud ee Degmooyinka dalka iyo dhismaha Ciidamo Qaran.

 

Mr Caydiid oo dad badan ku yaqaanan isbebedel badan ayaa sheegay inuu taageersan yahay howsha nabadda ee labada gole ka wadaan magaalada Muqdisho,isagoo caddeeyay in isaga iyo Geeddi ay ku qoran yihiin inay ka shaqeeyan xaalada amaan ee magaalada Muqdisho.

 

Prof Cali Maxamed Geeddi Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku celceliyay inuu ka soo horjeedo in beesha caalamka dib u heshiisiin ka dhex samayso Labada garab ee Dowladda Federaalka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this