Sign in to follow this  
me

Ethiopia organizing the Warlords again

Recommended Posts

me   

Dawlada Ethiopia oo dib isugu yeedhay Hogaamiye kooxeedyadii Somalia si khalkhal uga abuuraan Somali

 

Warkii 03-Feb-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

 

Dawlada Ethiopia ayaa waxa ay dib isugu yeedhay hogaamiyo kooxeedyadii ka dagaalami jiray gudaha Dalka Somalia ee haystay mid waliba qayb kamid ah gudaha Dalka Somalia kuwaas oo qoqob ka dhigay iyo dhul aan isu talaabi karin gudaha Somalia.

 

 

Kadib bixitaankii ay ka baxday Dalka Somalia dawlada Ethiopia ayaa waxa ay wadaa qorshe ay doonayso inay dib ugu habayso hogaamiyo kooxeedyadii ka talin jiray koonfurta Dalka Somalia kuwaas oo hadda qayb kamid ah ay ku sugan yihiin ciida wadanka Ethiopia.

 

 

 

Saraakliil kamid ah saraakiisha ciidamada Ethiopia ayaa waxa ay la shiri doonaan hogaamiye kooxeedyada waxaana ay la habayn doonaan qaabkii ay ku geli lahaayeen wadanka Somalia iyadoo sidoo kale loo dhisi doono ciidamo ku filan kuwaas oo ay ku khalkhal geliyaan awooda soo kacaysa ee Islaamiyiinta kuna fidaysa xuduuda Ethiopia.

 

 

 

Hadda ayaa waxaa ku sugan magaalada Dolow ee xadka Ethiopia iyo Somalia hogaamiyaal kooxeedyo ay kamid yihiin Maxamed Dheere Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Xildhibaan Barre Hiiraale, Maxamed Ibraahim Xaabsade, Yuusuf Dabageed, Bashiir Raage iyo Maxamuud Gudbaaye oo madax ka ahaan jiray Degmada Balcad kuwaas oo shir la leh saraakiil Ethiopian ah.

 

 

 

Isku soo wada duuboo dawlada Ethiopia ayaa waxa ay qorshaynaysaa inay dalka Somalia ka abuurto khalkhal nabad gelyo xumo taas oo ay doonayso inay sidoo kale ku wiiqdo awooda Islaamiyiinta kuwaas oo hadda ah awood si wayn ugu fidaysa Dalka Somalia iyo waliba xuduuda Ethiopia iyo Somalia oo walwal ku abuuray Ethiopia.

 

 

 

Afnugaal News Desk

 

info@afnugaal.om

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this