Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Xuseen Caydiid Say No To Mogadishu's agreement But Why?

Recommended Posts

Well we said yestraday waeloader in moqadisho in now joint and sing peace agreement but what hapen?

 

 

Nairobi: Xuseen Maxamed Caydiid, Ra'iisal Wasaare ku Xigeenka, ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya oo Sheegay in aanu Waafaqsanayn Go'aanadii Dhawaan Nairobi lagu Gaaray

- Monday, March 14, 2005 at 14:47

 

Nairobi (AllPuntland) - Ra'iisal Wasaare ku Xigeenka Dawladda Soomaaliya, ahna Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa si rasmi ah u sheegay in uusan ku waafaqsanayn go’aannadii ay magaalada Nairobi ka soo saareen qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyada Muqdisho.

 

Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa hadalkan sheegay wax yar kahor intii uusan u duulin magaalada Qaahira asaga iyo wafdi sare oo uu hogaaminayo madaxwaynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Wuxuu sheegay inuu mawqifkiisii hore uu ka noqday kadib markii uu arkay in danta guud ee Ummadda aysan ku jirin in Soomaalida dib loo celiyo kadib labo sano iyo bar oo laga shaqaynayay in Soomaaliya ay dawlad yeelato.

 

Sidoo kale Xuseen Maxamed Caydiid Wuxuu sheegay in Go’aankaasi uu gaaray kadib markii kulamo saacado socday uu la yeeshay Ra'iisal Wasaaraha dalka Soomaaliya Md. Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ay isla garteen in la iska illaawo wax Ummadda Soomaaliyeed u keeni kara niyad jabka.

 

Md. Caydiid wuxuu soo jeediyay inaan loo baahnayn in la iska horkeeno golaha wasiirada ee DFKGS wuxuuna sheegay maadaama uu yahay Ra'iisal Wasaare ku Xigeen inuu arintaasi xalkeeda ka shaqayn doono.

 

Wuxuu codsaday in aan arimaha Soomaaliya loo daba marin masuuliyiinta ugu saraysa ee dawladda ee kala ah Madaxwaynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha, isla markaana arinta kusaabsan in ciidan lakeeno Soomaaliya iyo inkale ay noqoto mid looga danbeeyo Baarlamaanka.

 

Mar uu kahadlayay maamul u samaynta gobolka Banaadir ayuu sheegay Xuseen Maxamed Caydiid in arintaasi ay u taallo dawladda isla markaana dastuurku uu qeexayo ee aan loo baahnayn in la abaabulo wax aysan dawladdu ka warqabin.

 

Ugu danbayntii Xuseen Maxamed Caydiid wuxuu beeniyay in Golaha SRRC uu yahay mid awood ku leh dawladda marka loo eego siyaasiyiinta dalka ayuu sheegay in ay SRRC haysato xubno aad u yar marka la eego Baarlamaanka oo ay ku leedahay 35 xubnood, Golaha wasiiradana ay ku leedahay 12 xubnood.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

 

 

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Xuseen Max’ed Ceydiid ayaa labo maalmood oo isku xigta muujiyey labo fikradood oo kala duwan, wuxuuna Xuseen Ceydiid uu ka mid ahaa xildhibaano tiradoodu 50 gaareysay oo Nairobi ugu dhawaaqay dorraad heshiis ka koobnaa 29 qodob oo ku saabsanaa qaab maamul u sameynta gobolka Banaadir, wuxuuna ka mid ahaa hogaamiyeyaashii heshiiskaasi qalinka ku duugay.

 

Xuseen Ceydiid ayaa wareysi uu shalay saxaafadda siiyey wuxuu ku sheegay in dowladda la raaco, loona hogaansamo madaxweynaha & ra’isul wasaaraha, wuxuuna sheegay in madaxweynaha & ra’isul wasaaruhu in ay yihiin labada nin ee madaxda u ah dowladda ayna dastuuri tahay in lagaga dambeeyo arrin kasta oo lagu dhawaaqayo, wuxuuna sheegay in isagu uu ka soo horjeedo in dagaal wax lagu xaliyo, uuna taageersan yahay in leys dhaliilo, kadibna la wadahadlo oo miiska dushii wax lagu wada saxo.

 

Xuseen Ceydiid oo u muuqda in uu yahay nin jeclaan lahaa in labada dhinac uu ka kala tirsanaado ayaa sheegay in isagu mowqifkiisu yahay in uu ka soo horjeedo in xoog wax lagu xaliyo, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in Soomaalida ay soo martay in ku filan oo qibrad dagaal ah, haatanna loo baahan yahay in waxyaabaha qaldan la saxo.

 

Dhinaca kale, wararka naga soo gaaraya Nairobi ayaa sheegaya in ay soconayaan dedaalo la doonayo in lagu kala furfuro hogaamiyeyaasha Muqdisho ee mucaaradka ku noqday qorshaha ciidamada IGAD & in magaalo kale ay dowladu farriisin ka dhigato muddada laga xasilinayo caasimada.

 

 

Ku noqo beejka

 

 

 

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

 

cabdishakuur@dayniile.com

 

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Wiil sxb, are you trying to reason with insane people, these men have no foreheard nor do they have consistant tail.

 

Mad Mad Mad Men Crying For Survival...

 

Do not fall for what they say, It's all gona end up as Sheeko sheeko ..Sheeko xariir

 

Shinbir baa dhuustay

Shinbirihiibay shirisay

 

Maxaa kasoo baxaya?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this