Sign in to follow this  
Liibaan

Qarannews: Godane oo wakiilkiisa S/land u magacaabay Nac-nac oo Kulmiye ka tirsan.

Recommended Posts

Liibaan   

u_2263d_2009-9-12-23-36-24f_nacnac%5B1%5

 

Qaran News: Godane oo wakiilkiisa S/land u magacaabay Md.Nac-nac oo Kulmiye ka tirsan.

 

Written by Khadar Jama

Sep 13, 2009 at 06:17 AM

 

Hogaamiyaha Ururka Argagixisada ee Al-Shayaadeen ayaa dhawaan hanjabaad iyo digiin culus usoo diray shacabka iyo Xukumadda Somaliland, waxaanu fulinteeda usoo xilsaray Xildhibaan Nac Nac.

 

Sida laga war qabo, Godane waxay qaraabo soke yaheen xildhibaan Nac Nac oo ka shaqayn jiray kawaan xoolaha lagu qalo oo ku yaal Emaaraadka Carabta.

 

Horaantii 2004 ayuu Nac Nac keenay Godane dalka Emaaraadka, si uu shaqo ula doono, laakinse kumuu guulaysan. Dabayaaqadii 2004,waxa Axmed Nac Nac laga mastaafuriyay Imaaraadka Carabta , asagoo lagu eedeeyay inuu laaluush ka qaatay ganacsatadii xoolaha keeni jirtay kawaanka.

 

Markuu tegay Somalilaand, Axmed wuxuu ku biiray Xisbigga kulmiye waxaanu ku guulaystay inuu ka mid noqdo Golaha Wakeeladda. Axmed Wuxuu ka mid noqday xubnaha ugu firfircoon Xisbigga kuna dhow dhow Guddoomiye Silaanyo.Habada , waxa iswaydiin leh, halkii buu marayaa xiriirka Xildhibaan Nac Nac iyo Godane. ?

 

Inkastoo xaqiiqada dhabta ahi aanay weli soo shaac bixin, hadana waxa la odhan karaa ilka abeeso hoosta ayay isaga daloolaan.Muddo yar ka dib markii uu Godane fariinta hanjabaada u soo diray shacabka Somaliland, wuxuu Xildhibaan Nac Nac bilaaby olole iyo abaabuul .Wuxuu gurigiisa shirar isdabajooga ugu qabtay xubnaha Kulmiye kaga jira Golaha Wakeeladda, shirarkaas oo ku salaysnaa kicin iyo gadood dadwayne.. Wuxuu kale u soo abaabulay maleeshiyo beeleed hubaysan .Hadaba wajagii kowaad “ Phase 1” ee Godane wuu fulay , wajigaas oo keenay dhimasho, dhaawac iyo khasaare ballaadhan..Bal hadaba aan eegno wajiga labaad “ Phase II” ee Godane, Nac Nac & Co ay la damacsanyheen Somaliland.

 

khadar.jama@yahoo.co m

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this