Sign in to follow this  
General Duke

Demascus: Arab league heads to support TFG

Recommended Posts

Dimishiq: Qodobo qurux badan oo Soomaaliya ku saabsan kana soo baxay Shirkii Jaamacada Carabta ,maxaase ka hirgali doona?.

31. marts 2008

 

Dimishiq(AllPuntland)- Shirkii Madaxda Jaamacadda Carabta oo shalay ku soo xirmay magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya ayaa ku soo dhamaaday jawi aan horey loo fileyn oo ku aadanaa Daganaansho.

 

Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad oo ka hadlayey Xiritaankii shirka ayaa cambaareeyey Siyaasada dawladda Mareykanka ee Bariga Dhexe & Geeska Africa ,isagoo sheegay in dhamaanba looga baahan yahay Carabtu in ay isku tashato.

 

Qodobadii ka soo baxay Shirka ay Madaxda Carabtu ufadhiday Labada Maalmood ayaa ahaa kuwa wanaagsan taabaneyeyna xaaladaha ka taagan wadamada Soomaaliya ,Suudaan ,Falastiin & Lubnaan.

 

In ay Madaxweynayaasha Carabtu door muuqda ka qaataan arimaha Soomaaliya.

 

In ay Madaxda Carabtu taageero ,dhaqaale ,Ciidan & Siyaasadba siiyaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

In Dalka Suudaan la ilaaliyo Midnimadiisa ayna tahay mid muqadis ah.

 

In looga baahan yahay Shacabka Suudaan in ay la shaqeeyaan dawladdooda.

 

In Carabta go'aan cad ka qaadato Qadiyada Falastiin ka taagan.

 

In ay Carabtu talaabo walba oo ay Isra'el ku dhaqaaqdo ay qaado.

 

In Madaxda Carabta ay taageero siiyaan dalka Lubnaan si ay udoortaan Madaxweyne.

 

Qodobadan ka soo baxay Shirka Madaxweynayaasha Carabta ayaa qodobada ka soo baxay waxaa laga hor aqriyey Xubnaha Madaxweynayaasha Jaamacadda Carabta ayaa dhamaantood ay sacab ku soo dhaweeyaan.

 

Wafuud aan badneyd oo ka socotey dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa halkaasi tagtey waxa ayna ka jeediyeen halkaasi Warbixin ay uga hadlayaan xaaladaha Amaanka & siyaasada Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

Cudud ma leh ay col kula weerar galaan ciidan iyo xooge

Inkastey cid kuu soo diraan waa cidloo kale

Caloosha iyo madaxay sidii dumar cantuugaane

Maandhoow cayaayirka iga daa carabi waa naage!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^They o more harm than good. But again the Somali government and people do not need enemies, US, Ethiopia, AU, Arab, China we are a small nation and we need to foster good relations with everyone.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this