Sign in to follow this  
XOG-ogaal

Call for Ethiopia’s withdrawal or don’t say anything

Recommended Posts

Xukuumadda Washington, ayaa waxa ay ugu baaqdey dhinacyada ku dagaalamaya Caasimadda Somalia,in ay xabadda Joojiyaan oo lagu dhameeyo wax waliba wada hadal.

 

 

Safiirka Mareykanka u fadhiya waddanka Kenya Mecheal Reneberher

Safiirka Mareykanka u fadhiya waddanka Kenya Mecheal Reneberher oo Shabelle la soo xariirey maanta ayaa waxa uu sheegey in ay tahay in dagaalka la joojiyo.

 

Mr Renebergher ayaa waxaa uu sheegey in mareykanku uu aad uga walaacsanyahay dagaallada ka soo cusboonaadey waddanka Somalia gaar ahaan Muqdisho.

 

Waxaa uu Mr Renebergher ku baaqey in la joojiyo sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalada.

 

 

“ Waxaan aad ugu walaacsannahay dagaaladaaa Muqdisho ka dhacaaya hadda,waxaana ku boorineynaa dhamaan dhinacyada in ay joojiyaan dagaalada,una hogaansamaan dhabaha nabadda,iyadoo dagaallada soconayaana ay yihiin musiibo,xilli ay soconayaan in la qabto shir weyne dib u heshiisiineed ee la isugu keeno dhinacyada is qilaafsan,loona dhiso dowladd wax tar leh,dabcan dagaalladan soconaayana waxaa ay caqabad ku yihiin hanaankaasi, sidaa darted waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalada si sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan nabad loo soo celiyo.”.

 

Mecheal Renebergher ayaa waxaa uu sidoo kale sheegey in Mareykanku uu si weyn ugu lug leeyahay Somalia si loo helo waddan Degan oo xasilloon.

 

Hadalka Mr Reneberghre safiirka Mareykanka u fadhiya waddanka Kenya ayaa waxaa uu ku soo beegmey xilli dagaallo ay ka dhacayaan maalintii labaada Magaalada Muqdisho,kaa soo ay isaga soo horjeedaan ciidamadaEthiopia iyo kooxo ka soo horjeeda kaasoo ay ku dhinteen dad aad u fara badan oo rayida

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Laba wajiile maraykan, waan ka waalacsannahay kulahaa. Yagaaba soodiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this