Sign in to follow this  
Sophist

The New Somali Cabinet Met UNDP

Recommended Posts

Sophist   

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo kulan la qaaday hey’adda UNDP.

 

 

 

December, 08. 2004. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

 

 

Golaha Wasiirada ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa kulankii shaley ay la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan hey’adda UNDP ee Qaramada Midoobay, waxey uggu soo bandhigeen qorshaha ku aadan qaabka ay dowladu dib uggu noqoneyso gudaha dalka Soomaaliya, iyo kaalinta ay hey’adduhu ka qaadan karaan umuurtaasi.

 

 

 

Kulankii ay shaley yeesheen Golaha Wasiiradda ee dowlada federaalka Soomaaliya iyo guddi ka socda hey’adda UNDP, ayaa looga wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan qorshayaasha u dagsan dowlada cusub iyo waxyaabaha ay ugga baahan tahay dowladu iney gacan ka geysato hey’adda UNDP, gaar ahaan xiligan oo ay dowladu isu qaban qaabineyso qaabkii ay dhowaan uggu soo guuri laheyd gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana ay ugga hawl gali laheyd.

 

 

 

Wasiirka horumarinta reer miyiga iyo daaqa qaranka Maxamed Maxamuud Guuleed “Gacma Dheere†oo isagu ka mid ahaa wasiiradda kulankaasi ka qeyb galey ayaa sheegay in kulankaasi si wanaagsan la isugu af gartay, waxa uuna HornAfrik ugga waramayey waxyaabo ay isku af garteen iyaga iyo gudigii ka socday hey’adda UNDP.

 

 

 

Maxamed Maxamuud Guuleed “Gacma Dheere†waxa uu sheegay in mar haddii la dhameys tirey dhismihii golaha wasiiradda, ayan jirin sabab macquul ah oo loo sii joogo dalka Kenya, isagoo xusay in sida ugga dhaqsiyaha badan ay dowladu ugga hawl gali doonto gudaha dalka.

 

 

 

Waxa qura ee la sugayana ay tahay inta ka diyaarinayo barnaamijkii ay ku shaqeyn laheyd, kaasoo uu sheegay marka la dhameystiro la soo hordhigi doono Golaha Baarlamaanka si ay u ansixiyaan, wuxuuna dhanka kale qeexay sida ay noqon karto rajada laga qabo in baarlamaanka is hor taago ama uu oggolaado barnaamijka dowlada ee la filayo in dhowaan la soo hor dhigo.

 

 

 

Gacma Dheere waxa kale uu ka hadlay sababaha keenay inuu dibu dhac ku yimaado wafdi nabadeyn ah oo xilibaano iyo wasiiro ka kooban oo la filayey iney soo gaaraan meelo ka mid ah gobolada dhexe, oo ay dagaalo ku dhex marayaan laba beelood oo walaala ah, isagoo xusay in waxyaabo dibu dhaca u keenay safarkooda ay u weyn tahay diyaar la’aan soo wajahday, wuxuuna tilmaamay iney dhowaan marka ay diyaarad helaan ay halkaasi u soo baqooli doonaan, isagoo carabka ku dhuftay iney dagi doonaan meelo ay ka mid yihiin Galinsoor, Cadaado iyo meelo kale oo ay dagaaladu saameeyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this